Dr_Osman Posted June 29, 2012 ''Kulan iyaga u gaar buu ahaa Somalina dan uguma jirto'' 29 Jun 29, 2012 - 5:38:42 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa ku tilmaamey kulankii Shariif iyo Siilaanyo mid u gaar ah labada madaxweyne islamarkaasina aan dan ugu jirin Somalia. Kadib shirkii Burcad badeedka ee Dubai ka dhacey ayaa Shariif iyo Siilaanyo waxay ku kulmeen qol kamida hotelkii shirka lagu qabanayey,waxana ay soo saareen qodobo la sheegey in labada dhinaci ku heshiiyeen. Dr.Cabdiraxman Maxamed oo wareysi siiyey Idaacada BBC-da Somaliga ayaa kulanka ku tilmaamey mid labada dhinaci danahooda isku raadsanayaan. ‘’Shiikh Shariif sidaad ka warhaysaan waxa uu ku jiraa olole doorasho ,waxaan u maleynayaa Doorasho ayuu doonayaa Shiikh Shariif ,Siilaanyona ictiraaf buu doonayaa mana aqaan Siilaanyo waxa uu u tarayo Shariif’’ ayuu yiri Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole. Madaxweynuhu waxa uu sheegey in Somaliland shirka qodobadii ka soo baxay ay qayb ka tahay Somalia maamulada ka jira sida Puntland iyo Galmudug,waxana laga dareemayaa hadalkaasi in meesha ay ka baxdey gooni goosadkii ay u hanqaltaagayeen gobolada Waqooyi ee dalka. Horey ayuu u sheegey madaxweynaha Puntland in wadahadal kasta oo aysan qayb ka ahayn dhexmarana DF iyo Somaliland uu noqonayo waxba kama jiraan islamarkaasina horey u qaadaceen shirkii London oo ergo labada dhinac ka socota ku kulmeen todobaadki hore. Halkan ka dhageyso wareysiga madaxweynaha Puntland ee BBC-da http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Madaxweynaha_Puntland_oo_ka_hadlay_kulankii_Shariif_Siilaanyo.shtml Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 29, 2012 Dr Osman why is Faroole against the Somaliland President and Somalia President talking. Quote Share this post Link to post Share on other sites
AsadSL Posted June 29, 2012 This guy sounds angry and negative about the whole thing. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted June 30, 2012 Xaaji Xunjuf;846592 wrote: Dr Osman why is Faroole against the Somaliland President and Somalia President talking. Dee wuu xanuunsan yahay....lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tallaabo Posted June 30, 2012 I think Somaliland should also initiate separate talks with Puntland, after all they are neighbours and both sides have a lot to gain from developing good relationship. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted June 30, 2012 Faroole will get his way again! Quote Share this post Link to post Share on other sites