Sign in to follow this  
Carafaat

Somaliland Goverment: “Wakhtiga kala-guurka ah ee Soomaaliya oo Dhammaadaay

Recommended Posts

Carafaat   

Hargeysa(RBC):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixiyey qodob Siyaasiyiin kala duwan oo reer Somaliland ahi wel-wel ka muujiyeen, kaasoo ku jiray heshiiskii siddeedda qodob ka koobnaa ee 21-kii bishan Luulyo laga soo saaray wadahadalkii Soomaaliya iyo Somaliland oo ku qabsoomay dalka Ingiriiska, kaasoo uu ku jiray qodob dhigayey in laga gudbo wakhtiga ku-meel-gaadhka ah ee dawladda Soomaaliya meel-marinta Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

 

Qodobkaa ayey siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB ku dhalliileen Guddigii Somaliland uga qaybgalay wadahadalkaas oo uu hoggaaminayey Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxaanay qodobkaa ku macneeyeen mid ka hor-imanaya himilada Somaliland ee la xidhiidha gooni-isu-taagga maaddaama oo ay taageertay meel-marinta Dastuurka qabyo-qoraalka ah iyo in laga gudbo wakhtiga ku-meel-gaadhka ah ee dawlad ay Soomaaliya yeelato.

 

Hase-yeeshee, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaanu qodobka siddeedaad ee heshiiska ay 21-kii bishan Somaliland iyo Soomaaliya soo wadahadalkooda wada-jirka uga soo saareen aysan wax saamayn taban ah ku yeelanaynin Somaliland iyo gooni-isu-taaggeeda. Balse taa beddelkeeda uu guul u yahay Somaliland in la helo dawlad sharci ah oo ay Soomaaliya yeelato iyo inay Dastuur shaqaynaya yeelato, taasoo uu ku dooday inay sahlayso ama soo dhawayn karto xiriir fiican iyo wax kala gurasho dhexmara Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Wasiir Boobe isaga oo ka hadlaya shirkii Bariga London ku dhex-maray Soomaaliya iyo Somaliland, waxa uu yiri; “Kulankaa London ka dhacay waxa shiishka la saaray u-gogol-xaadhka wada-hadallada mustaqbalka iyo meelaha ay iska kaashan karaan Somaliland iyo Dawladda ku-meel-gaadhka ah ama cidda dhaxashaa. Shirka London ee ugu danbeeyay wuxu ugu baaqay labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Dawladda ku-meel-gaadhka ah in ay sida ugu dhakhsaha badan u falanqeeyaan una eegaan horumarka laga gaadhay wada-hadalladaas. Sidaa darteed ayuu Madaxweynaha Somaliland ugu boqoolay Dubai si ay u soo barakeeyaan war-murtiyeedkii ka soo baxay London ee wada-hadalladii ugu danbeeyay la is-kula meel-dhigay.”

 

“Iyada oo qayb ka ah nidarka loo gelayo nabad, deggenaansho iyo dimuqraadiyad ka hana-qaadda Geeska Afrika oo dhan, ergada Somaliland waxay caddeeyeen taageerada ay u hayaan muddada kala-guurka ah oo ka dhammaata dalka Soomaaliya. Taas macnaheedu ma aha in Somaliland qayb ka noqotay jilayaasha Soomaaliya ee ‘Road Map-ka’ wadaaga.” Sidaa ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale.

 

Waxa uu Wasiirka Warfaafinta oo faahfaahinaya waxa looga gol lahaa heshiiskii London ku dhex-maray labada dhinac waxa uu yiri; “Waxa keliya ee arrintan looga gol leeyahay waa in si dhakhso ah loo suuro-geliyo in dawlad sharciyeysani ka hana-qaaddo dalka Soomaaliya, waana mowqif aynu la wadaagno adduunweynaha oo la wada taageerayo, isla markaana dan u ah Somaliland. In xilliga kala-guurka ah (ku-meel-gaarka ah) ee Soomaaliya dhammaadaa, waxay tamar iyo taageeraba u tahay natiijo togan oo ka soo baxda wada-hadalladan. Dhammaanshaha xilliga kala-guurka ee Soomaaliya, waxay fursad la mahadiyo u tahay wada-hadallada iyo habsami-u-socodkooda.”

 

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland sida Culimada, Madaxda Dhaqanka, Ururrada Bulshada iyo Dadweynaha reer Somaliland soo dhaweeyeen wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, haddana waxa jira xubno kooban oo Siyaasiyiin ah oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey in qodobka siddeedaad ee wadahadalka London ka soo baxay lid ku yahay gooni-isu-taagga ay Somaliland ku dhawaaqday 18-kii May 1991-kii inay Soomaaliya gaar ka tahay.

 

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this