Liibaan Posted June 28, 2012 " Warlord Siilaanyo Ma Wada Metelo Dhamaan Gobollada Waqooyi" Khaatumo State- Lasanod Online. Thursday, June 28, 2012 Buhoodle,(lasanod Online)- Maamulka Khaatumo State, ayaa ka hadlay wada hadalka Dubai ku dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya.. Maamulka Khaatumo State of Somalia ayaa ka hadlay wada hadalka imaaradka ku dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif iyo Siilaanyo. Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha gudaha ee Maamulka khaatuma State, Maxamuud Shiikh Cumar Xasan ayaa wuxuu sheegay in Axmed Siilaanyo uusan matali karin dhamaanba gobalada waqooyi ee Soomaaliya. “Waxaanu sheegaynaa Siilaanyo inuusan matali Karin dhamaanba gobalada Waqooyi ee Soomaalilya, laakiin wuxuu matalaa oo kaliya labo gobal, oo kala ah Burco iyo waliba waqooyi galbeed” Ayuu yiri Masuulkan u hadlay maamulka Khaatumo. Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha gudaha ee Maamulka khaatuma State Maxamuud Shiikh Cumar Xasan sidoo kale waxa uu sheegay in gobollada woqooyi oo dhan anaan wax laga waydiin Karin maamulka Hargeysa ee Soomaaliland, wuxuuna sheegay in ay jiraan Gobollo uu ka jiro maamulka khaatumo. “Anagu waxaan joogaa gobalada waqooyi Soomaalidiidna Manihin oo waan taageersanahay dawlada Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa siiraaciyay Agaasimaha wasaarada Arimaha gudaha ee maamulka Khaatumo. Shirkan maanta dhexmaray Shiikh Shariif iyo Siilaanyo ayaa daba socda wadahadalkii London dhowaan ka furmay, waxaana laysku afgartay in la sii wado kulamo danbe. Copyright © 2012 Lasanod.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 28, 2012 Maakhir State: Xildhibaan Casharo: Maamulka Warlord Siilaanyo kuma Hadli Kara ama Keligii ma Sheegankaraa Majiro Dhulkii Biritish SomaliLand (Video) Xildhibaan Cawad Axmed Casharo oo ah ruug cadaa siyaasi soomaaliyeeda ayaa warbixin uu siiyey TV-ga xorta ah SOMALISAT ku sheegey in aan haba yaraatee qabiil khaasa sheegan karin ama aan loola hadli karin dhul ay wada degaan 5 qabiil oo soomaaliyeed, uuna sheegto inuu qabiilkeligii matelo ama leeyahay (*****) dhul waa hore ay gumeysan jirtey dawlad ka mida gumeystayaashii reer yurub ee sida xaqdarada ah ku qeybsadey qaaradii afrika. Siyaasi Casharo ayaa ka digey in qabiil kamida qabiilada dega waqooyiga soomaaliya ee ingiriisku hore u gumaysan jirey kuna magacaabi jirey Biritish somaliland, uu maanta sheegto qabiil keliya, uuna ku doodo in isagu ku gorgortamayo, bawarka somaliyana qeyb uusan xaq u lahayn sidaa lagu siiyo. Arintan ayaa imaneysa kadib markii qabiilka Isaaqu siyaasiin kamid ihi ay magaalada Dubai bil kahor kula kulmeen madaxweynaha dawlada kumeelgaadhka ah Sheekh Shriif, kana dalbadeen iney u wada hadlaan waqooyi iyo Koonfur, iyagoo ku andacoonaya iney iyagu (Qabiilka Isaaqu) metelaan waqooyiga Somaliya oo dhan, oo ah wixii leysku odhan jirey Biritish Somali Land. Iyadoo taa laga ambaqaadayo ayaa ilaa hada waxaa dhacay hal kulan oo ka dhacay London. Shirkaa ka dhacay london ooy cadaatey in dawladii gumeysiga ee Ingiriisku weli lugweyn kuleedahay dulmintan cusub ee lagula kacayo afartii qabiil ee kale ee aan Isaaqa ahayn, ee daga dhulkii leysku odhan jirey Biritish somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites