Sign in to follow this  
Macallinka

New Admin for Jubooyinka

Recommended Posts

News just in:

 

Shirki loga hadlayay Arimaha Jubboyinka oo dhawan ka furmanaya Magaalada Nairobi

admin | Jun 28, 2012 | 0 comments

Wararka aanu ke helayno Magaalada Nairobi aya waxaay tibaxayaan in uu dhawaan biloban doono shirki loga hadlayay Maamul u sameynta gobolada jubbada hoose Jubbada dhexe iyo Gedo.

 

Shirkaan oo ay qabanqaabadiisa lahayd beesha Calamka ayaa waxaa awooda lagu saari doono sidi Maamul logu samayn laha gobolada iyo deeganada lagala waregay Al-Shabaab ee Jubbada hoose jubbada dhexe iyo Gedo.

 

Holka uu manta shirku ka dhacayo aya waxaa ku sugaan inta badan qaybihi lagu casumay shirka oo ay ugu horeyaan Maamulka Ahlusunna iyo jabhada Raskambooni.

 

Shirka aya waxaa uu hada u xayiiran yahay Wufuud ka imaanaysay gobolka Gedo oo matalaysa Maamulka Dowlada kmg ah ee Gobolka Gedo wufuudaas aya waxaay sakay diyaarad ka sooqaaday gobolka Gedo waxana la filaya in ay Magaalada Nairobi soo garaan Sacad ka dib markaas oo uu si rasmi ah shirku u furmaayo.

 

Wufuuda gobolka Gedo ka socota aya waxaa hogaaminaya Gen: Cabdilahi Sh.Ismaciil Fartaag iyo Gudomiyah Dagmada Doolow Cabdirashiid Janan waxaa sido kale safarkooda ku wehelinaya masuliyin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo.

 

Shirkaan laga arinsanayo Mustaqbalka Goboladaan aan kor ku soo xusnay ayaa waxaa uu noqonaya Shirki ugu horeyay oo heer calami ah isla markana ay si siman uga soo qayb galaan Maamulada ka taliya Goboladaasi.

 

Waxaa rajo weyn laga qaba in shirkaani noqdo mid najaxa madaaba dhinacyada isku hayn jiray maamulka Goboladaasi ay ka daleen isqabqabsiga jogtada aha isla markana la ogaday in hadaan si wada jir ah lo tashan in aanu cid kaliyah Maamul ka samayn karin goboladaasi waxaa sido kale meesha ku jira Cadaadis dhinacyadaasi uga imanaya beesha calamka oo ayadu markaan u heelan in ay arkaan Maamul lo dhanyahay oo ka shaqaynaya Gobolada Jubbada hoose Jubbada dhexe iyo Gedo.

 

———————–

 

Kismaayo24

 

Xafiiska warqabadka Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii IGAD ee Jubooyinka oo Nairobi Kafurmay

 

Kn: Magaalada Nairobi waxaa maanta ka furmay shir urur goboleedka Igad uu soo agaasimey oo dhexmaraya afar kooxood , shirkani ayaa ku saabsan arrimaha Jubbooyinka.

 

 

 

Kooxaha fadhiya waxa ay kala yihiin Raaskaanbooni, Azania, Ahlu Sunnah Waljamaaca (gobolka Gedo, iyo DKMG ah.

 

Sida ay noo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay, shirka ugu horeynba waxaa lagu heshiisyey in laga wadahadlo maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Gedo oo meel eber wax laga soo bilaabayo.

 

Garabyada siyaasadda waxaa matalaya min 10 xubnood, KismaayoNews waxaa u suurogashay in ay heso qaar ka mid ah magacyada garabyada qaar ee ka qeybgalaya.

 

Dowladda dadka ka socda waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdirishiid Aadan Gabyoow, Bashiir Goobe oo wasaaradda arrimaha gudaha ka tirsan, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Soomaaliya, dhanka Kaambooni waxaa ka socda Macalin Maxamed, Mukhtaar Dheere, Siyaad Boojis , Bashiir Maxamed Baahale iyo Hadhuun iyo qaar kale.

 

Kaambooni ayaa miiska soo dhigtey in qaab deegaan wax lagu qeybsado haddii la’isku raaci in maamul la dhiso.

Shirka waxa uu soconayaa muddo todobaad ka badan.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii IGAD ee looga arinsanayay arimaha Jubooyinka iyo Gedo oo furmay

 

June 28, 2012 // admin1 // News

War deg deg ah oo hada kusoo dhacay qaybta warqabadka ee Warsidaha Dhanaan.com ayaa xaqiijinaya in shirkii IGAD ee looga arinsanayay maamul usameeynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo uu goor dhawayd ka furmay magaalada Nairobi.Shirku wali wuu socdaa waxaana inshaa Allaahu goor dhaw idiin soo gudbin doonaa natiijada kasoo baxda shirka, xubnihii ka qayb galayiyo qodobadii lagu soo qaaday ee ha moogaanin Dhanaan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Kn:Shir uga socda Nairobi kooxaha ku loolamaya masiirka iyo aayo ka talinta gobolada Jubbooyinka oo galay maalintii 2aad ayaa bilawgii hore ku bilawday faro isku fiiqid iyo buuq balse markii danbe qaaday dhabaha dagani socodka, kadib markii ka soo qaby galayaasha dhinacyadu ay isku nafiseen.

 

Shalay iyo maanta galinkii hore waxaa shirka ku jiray, xubno ka socday DKMG, Xarakooyinka Kaambooni iyo Ehlu Sunna iyo Azania, halka ay garqaadayaashu ahaayeen masuuliyiin ka kala socday Dawlad Goboleedka IGAD, Kenya iyo Itoobiya.

 

Galinkii danbe waxaa shirka ku soo biiray garab cusub oo lagu magacaabo ***** Group, kuwaasi oo mar kale soo galitaan koodu uu dhaliyay guux iyo muran arimaha u rari gaaray halkii laga soo bilaabay shalay.

 

Ugu danbayn dhexdhexaadiye yaashu waxay ku guulaysteen inay xakameeyaan kooxaha goobta isugu yimid, waxaana mar kale si caadi ah ku soo noqday habsami u socodka jawiga shirka.

 

Waxyaalihii ugu doorka roonaa ee kooxaha qaar ku doodayeen ayaa ahayd in Ahlu Sunna iyo Kaambooni ay miiska soo saareen inayna daw iyo gar ahayn in la soo hor fadhiisiyo kooxo aan wax dagaal ah ku jirin oo doonaya oo kaliya inay gurtaan miraha iyo manfaca ay ayagu dhibta ugu jiraan. Waxay ku sheegeen dhalinteed iyo riyo damaaciga laba qolo oo midna ay dheheen waxay la safanyihiin oo dagaalka kula soo jiraan Shabaab hadana waxay doonayaan marka dalka la qabto inay manaafacaadka waxa ka helaan, qolana waxay yiraahdeen gacmuhu waa u dhaqanyihiin suud cadna waa qabaan, waxayna doonayaan ayagoon dagaalka wax ka galin, dalkana cag dhigin inay dalka iyo dadka dusha ka maamulaan.

 

Isku soo duuboo, IGAD waxay soo jeedisay in marka hore ay muhiimtahay in la isu tanaasulo waxiii horana aan wax laga soo qaadan, sidaas darteedna hadeerto meel cusub laga bilaabo si mustaqbalka gobolka iyo aayihiisa danbe loo wada qayb sado dhib iyo dheefba.

 

Waxaa la filayaa in baritoole la soo gunaanado shirka, lagana soo saaro war murtiyeed ay isku waa faqeen garabyada kulansan.

 

Waxaa xusid mudan in tobaneeyo maamul goboleed oo dhamaanba ku magacawnaa gobolada Jubbooyinka ayna intoodii badnayd soo xaadirin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ lool it stands for a qabiil name dude, they joined the last minute and faced a lot of opposition from RaasKambooni and Ahlusuna groups but they were allowed in the end.

 

Azania is also being integrated. No one is left behind !

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this