Liibaan Posted June 28, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> June 26, 2012 : Sanad-guuradii 26ka Juun oo Laga Xusay Caasimada Khaatumo Ee Taleex- (Video)- Lasanod Online. Wednesday, June 27, 2012 Taleex,(lasanod Online)- Xaflad si fiican losoo agaasimay oo lagu xusayey sanadguuradii 52aad ee kasoo wareegtay maalintii xornimada ay qaateen.. Gobollada waqooyi ee dalka Soomaaliya, ayaa lagu qabtay caasimada maamulka Khaatumo ee Taleex. Xafladan waxaa ka qaybgaley madaxweynaha mamaulka Khaatumo Axmed Cilmi Cismaan(Karaash) iyo madax kale oo ka tirsan golayaasha maamulka Khaatumo.. Hoos ka daawo Maqal iyo muuqaal. Copyright © 2012 Lasanod.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 28, 2012 Gabaygii Kaana siib kana saar – “Kaana” dadka qaar waxay ku macneeyaan – calanka gumaystaha ee birta ku xidhnaa iyo “Kanna saar” wuxuu ka waday calanka buluuga ah oo uu gacanta ku hayey Abwaanku. Dad goob joog ahaa maalintaa wayn ayaa laga yaabaa inay cadeeyaan. Indhawaydba waataan Salalaysay arladaydiiyee Ma samaynin maansooyinkii aan Saayidka u helaye [saankuleer?] ayaamahan ma bixin soonfur dabadeede subucii dhamaadaba marbaan saari jiray luuqad sidde la qabsaduu leeyahay iyo subucyo dhaadheere labadaba markuu seego wayga sirgacantaaye Aan sameeyo maansadii [dixdeey sidatay rabii]? Anigoo Sabi ah oo Sita leeb iyo qaanso [Oo sideedo iskucaano]? Sabad reer ka fogaaninoon la’ii aaminin soofkiyo saacan maanta aan joogno gabaygu wuygu sugnaa-yoo suxufiinta dhawaaqdana anigow ugu sareeyo -e Hadii aan sixi waayo aa – ama aan sarsariigo ama aan sarma seejo ama aan ka salguuro ama laygu saluugo saamiciinta maqlaysaay isu’aalo hadhowto – ee ee…. Ilaahaan waxba seegine subuciisa quraankiyo sabaxooyin ku sheegayoo saciira iyo naciima rabigii kala seerayow marka suurtu dhawaaqdo e lasoo saaro makhluuqa shaqiga iyo saciidka maalintaad kala soocdo danbigaanu samaynay rabigayow naga saamax ee ee….ya Subciyoo ka dukeeyeye sowt kaleetona waayoo Soomaaloo calan taagta Saakaa inoogu horaysoo Iinsiga inaad tihiiniyo Inkalaana saxaynine Sadex wiik iyo maalmo Hadaan soor cuni waayo Safrad laygama yaabo Sari mayso naftayda e Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana siib Kanna Saar Ka’ sideetan Sabaano Calankaanu sugaynay een sahankiisa ahaynow Sermawaydo hilaacdayoo sagal maanta daroorayoo siigadii naga maydhayoo Saqdhaxaanu ahayne kii soosaaray cadceedow samada ki u eekaayee Xidig-gam isa siiyayow Saaxirkii Kala guuraye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana siib Kanna Saar Saalixiinta Islaamko Sirta kay ku arkeenoow Saahidiinta quraanka Subcisaa jimcayaashiyo Sibhantiyo haweenku Calankeey Sahadsheenoow Cidina kaanay na siinine Saatir noogu yaboohayoow Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana siib Kanna Saar Kaana siib Kanna Saar Sanku neefle dhamaantii Khalqiga kii u siinaaye Mid saaxiib la’ahaynoow Mid saaxiib la’ahaynoow Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar Kii saciida la keenayoow Samadu kay ku xidhnaydoow Salaankii Sayruukhii afrikaadoow Siraadkii na’ iftiinshaye Soomaaloo dhan xoreeyayoow[ Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar Faralka iyo sunaha Wixii diinta ku Sahabsan Isna kii sadexeeyayoow Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar Kii gumaysiga saaraye isticmaarkii sumeeyaye seedihii kogsanaa -iyo Seetadii naga gooyayoow Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar Soomaaloo is cunaysa oo Isa seegan dhamaanoo Saqda qaylo dhawaaqdiyo Sulub laysku Cabaystiyo Hadba soof la xanbaariyo Sareecyo dami waydiyo Kii laydhiisu na saaqdaye Kii safeeyey qabaa-ile Saf walaalo ka yeelayoow Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar Nimankii na siraayeye Waax-waax noo kala saaftaye Solonaayey cadkeena Inagoo dhexda suunku Sabarkeena qarqooray Kii sadkeena cunaayey Sarartiisa ka muuqdaye Surwaalkii ka yaraadaye daaro loo sibidheeyiyo Sariiraha lagu seexdiyo Kabadh suuf laga buuxshiyo Mid baabuurka safeeyiyo sagaal booyd iyo kuug iyo Aayad saarta caruurtiyo Waliba seeska uu lahaa Sabanka uu labayoow Saaxirkii kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar Sawjada qofka qaataye Intuu soodhka ka taagay Uu diyaarad Salaantiyo Saraakiisha amraysa Sifiihii isticmaarka ka siyaadiya maanta Sibilkeenan agjoogoow Sibirtiisa istaaga Ninwalbaa sigib beelo Sare u taaga gacmahoo Sacabka isu garaaca oo Nin walbaa sadex goor Subxaanoow waa mahaa dheh — hoyaalayooow -hoobaalayoow Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 28, 2012 Axmed Ismail Dirie "Qaasim", Axmed Ismaaciil diiriye, Eebbe haw naxariistee, Cadan buu joogey kolkii Calanka laga taagay Soomaaliya, Dalkeenuna Xornimada Ka helay Guumeesigii Europe waa Italy Iyo Britain. Dad badan oo debedaha joogay oo imankariwaayeyna halkoodii ayey ku xuseen kuna dabbaaldegeen. Marxuunka oo isagu dadkaasi ka mid ahaa si gaar ah ayuu u xusay. Mar la weydiiyey wuxuu ka odhan lahaa arrintaana wuxuu yidhi: Allow yaa Darwiishkii farriin debecsan gaadhsiiya Allow yaa dadkaagii yidhaa dawladnimo qaaday Allow yaa dabbaaldegiyo farax kala dul eedaama Fardaha yaa dirkii dhooddi meer doona faracdiisa Allow yaa darmaan farataqaan duqa u kooreeya Allow yaa duleeddada Taleex uga dammaashaada Dhaaxuu ku daakiray xaqoo naga dahsoonaaye Ha daawado dadkow hiiliyo doogga soobbaxaye Allow yaa dalluuntiyo qabriga dib uga soo saara In dariiqadi nooshahay ooy dunida soo gaadhey Oo dabkuu shiday rag kale dogobbo sii saaray Allow yaa af lama daaliyee daacad ugu sheega! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 28, 2012 Halgankii Barakeesnaa ee Daraawiishta nimaan oqoon baa yiraa,hadalka qaarkiise, Waa nimaan hurmuud wada ah iyo,hanadyo waaweyne. Waa nimanka haybtoodu tahay, Haashinkaas kore e. Waa nimanka deeqdii hanbaday, hibo Ilaaheeye, Waa niman intay hodon yihiin, hoog ku sii daraye, Waa niman gob baa lagu hirtaa, lagu hagaagaaye. Waa nimanka daaraha hurdiyo, harac dallaal weyne, Waa niman xariira huwanoo, huga ku laafyoone Waa nimanka haashaarka gole,marada haafeeyne Waa nimanka doonyuhu Hindiga,uga himbaartaane Waa niman haruur iyo bariis,hoyga loo dhi***e Waa nimanka haanfuuqayee,timirtu hoos taale Waa niman haleeliyo horweyn,heel ka buuxsadaye Waa niman adduun lagu huroo,maal hareeriminne Waa niman intay wada habceen, heeshiguun dhiciye Waa niman hingaar lama watee,haybad guursada e Waa niman hablaha ay qabaan,halalac leeyaane, Sida heegadoo curatay bay, shuqul hillaacaane Waa niman hub iyo dowladnimo,haysta waligoode Waa niman u heenseyn fardaa,halabsigoodiiye Waa niman halqooqaha rogaal,heegma weligoode Waa niman hadday rag is-hayaan,huriya baaruude Waa niman madaafiic higliyo,haaliggii ridiye Waa niman hanaanaca kufriga,hoor ka soo qubiye Daaroodku waa wada halyey,kalase heyb roone Dadka kalena waa wada hulqiyo,huuba doora lehe Waxse heerle haad ferenji iyo, harabka ******e Kuwa fuudka heeminahayoo,himishku duulaayo Aan tan iyo Haabiil dheryaha.lagula hawshoonnin Iyana heer inay leeyihiin,hubantidey weeye Hiliblaha dukaaminahayoo,horori ceeriinka Oo dhiigga soo hililiqlayn, haysha ka caseeyey. Iyana heer inay leeyihiin,hubantidey weeye Nimanka hablaha soorta guri, ku hargawaaxaayey Ee tii wax hoomey tiraa,kula haliilaayey Iyana heer inay leeyihiin,hubantiday weeye. Nimankii hawaaree sidii,habas u kowdiidey. Oo aan futada haawineyn, hogobka aad mooddo Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye Nimankii sidii awr hayina, hilayga qaadaayey Hinjigiyo culayskii kuwuu,hoolay dhabarkooda Iyana heer inay leyihiin hubantiday weeye. Ragga hiirta waa beri dillaal, halaladuu roori Oo aan hunguriga maalimeed,soo har gelihaynin Iyana heer inay leyihiin, hubantiday weeye. Nimankii habeedley ummula, huga u mayraayey. Nimankii habeen iyo dharaar, hiribka qooshaayey Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye. Ragga udaha horsanahayoo,saxaraduu heegan, Iyo nimanka hooyadood ku odhan, habartu waa dhuustey Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye. Axmed nuuxa nirig haaruuf badan,kabar u heereeyey Ee hilinka meeshiyo Hiraab, habaqluhuu qaaday, Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye. Muusacarraha haragga iyo, hoorka xiranayaa. Oo qurunka ay huursadeen, lagu hunqaacaayo Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye. Ciisaha baqtiga hii***oo, haadka qalanayaa, Oo calaha habuurka badan, hagida meeraaya, Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye. Habaryonis iyo reer Jugliyo, habar magaadloo dhan Iyo caliga hoosada berbera, huluqa jiidaa, Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye. Intii heer lahayd ma aan dhammayn. hebelladoodiiye Hayska hoobbiyeen nimanka aan, heray boqontiiye Inta aan hunduudaa ka badan, hiishka geedaha e. Niman baan bullaabee ma oran, hiijo iyo ceebe, Waxsaan hubinayaa waa inay, hadiyad keenaane, Ha yeeshee intaasaan hojee, hor Allahay geystay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted July 1, 2012 Daawo Sida Qiimaha Iyo Quruxda Badan Ee 1july Oo Ku Aadan Maalinta Xornimada Umada Somaliyeed Qaadatay Sidii Looga Xusey Maamul Goboleedka KHaatumo Of SOmalia (Daawo Sawiro+Warbixin Koban) Buuhoodle(Allssc)Waxaa maanta laga xusay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, Si qiimo iyo Qaayaba leh 1july oo ku aadan xornimada somaliya , Munaasibad qiimaha badan ee 1july ayaa maanta ka dhacday magaalada Buuhoodle, Yadoo halkaasi ay bulshadu iskugu soo banaanbaxeen Garoonka wayn ee xabado Studiem. Halkaasi oo ay kasoo qayb galeen dabaal degan 1july Golaha madaxtooyada Khaatumo madaxweyne mudane Maxamed Yuusuf Jamac‘ Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha ,Yaasiin Axmed sulub’ sidoo kale iyo madax badan oo ka socota maamulka Khaatumo State Of Somalia. Hadaba Wixii Vedeo Ah Waxaan Idinkula Socodsiin Doonaa Wararkayaga Danbe Daawo Sawirada Hoose July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted July 1, 2012 http://youtu.be/YbW3JtFHeBk" frameborder="0" allowfullscreen> VIDEO: July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted July 1, 2012 July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted July 1, 2012 http://youtu.be/vXzUhth-a6g" frameborder="0" allowfullscreen> VIDEO:Munaasibad 1 Luulyo, KHudbadii MadaxWeynaha KHaatumo State, Iyo Ciyaarihii Kubada Cagta ee Darwiish, Hilaal, & TogSol July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted July 1, 2012 Maamul-Goboleedka KHaatumo State oo Si Wayn Looga Xusay Munaasabadda 1-da Luulyo Iyo Madaxda Maamulka Khaatumo oo Shacabka KHaatumo State Dabaal Daga Kala Qayb Galay Waxaa saaka ka bilaabatay guud ahaanba magaalada Buuhoodle dabaal dega munaasibada 1 Luulyo waxaana dhamaan shacabku isaga kala yimaadeen dhamaan Xaafadaha ku yaala magaalada Buuhoodle. Ugu danbayna waxay isugu soo biyo shubteen Garoonka Kubda Cagta ee Xabado Stadium halkaasi oo lagu soo bandhigay Gabayo, Dabaaldegyo, Buraaburo Qiiro leh,& Qudbado dhinacyo badan taabanay kana turjumada Xuska Maalintan Qaran. Waxaa Halkaas ka hadlay Qaar kamida shacabwayna kudhan magaalada Buuhoodle waxay siwayn ucabireen dareenkooda farxadeed ee ku aadan Xuska Maalintan Qaran. Sidoo kale Waxaa Halkaasi Wacdaro ka muujiyey Xubahadan Haweenka Gobolka Cayn oo soo ban dhigay Buraan buro qiimo leh oo ay kaga qayb qaadaneeyeen munaasibadan siwayna dadku ay ula Dhaceen. Dhankooda waxaa Munaasibadan Qayb wayn kala qaatay Shacab waynaha Masuuliyiin & Madax katirsan Maamulka khaatumo State oo uu hogaaminyey Madaxwayne Maxamed Yuusuf Jaamac {Indha Sheel}. Waxaana halkaas madaxdu ka jeediyey Qudbado ay dhinacyo badan taabanayey oo loogu talagalay Xuska maalinta Qaran ee 1 luulyo oo ah maalin ku wayn dhamaan umada Soomaaliyeed. Sidoo kalana Madaxwaynaha oo Munaasibadaas ka hadalyey Ayaa Carabka ku dhuftay Shaqaaqooyinka kataagan Deegaanka docmo waxuuna sheegay inay wafdi balaadhan halkaasi udirayaan. Abwaan Suusle oo kamida abwaanada deegnada khaatumo ayaa isna halkaasi kusoo bandhigay Gabay Cajiiba oo uqaaday Calanka Jamhuuriyadeena Soomaaliya. Gagaba gabadii Munaasibadan ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Siwayna dareenkooda farxadeed umuujiyey dadwayne tirabadan iyadoo dabaal degyaduna Saacadaha soo socda lafilayo inay kabilowdaan Hoteelada & Qabha kale ee magaalada Buuhoodle. .Maxamed Cismaan C/nuur Xaashi July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted July 2, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Caasimada Taleex, KHaatumo State Of Somalia Xaflada Munaasbada 52- Guuradii Xornimada Iyo Midowga Sooaamliya Ayaa Ka Socota Caasimada Taariikhiga Ah Taleex Iyo Khudbadii Madaxweynaha KHaatumo State Axmed Cilmi Cisman Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen Masuuliyiinta Maamulka khaatumo iyo Ururada Bulshada rayidka ah ayaa xalay ka socota Xarunta Madaxtooyada Maamulka Khaatumo ee Taleex, hadaba Xafladan qabkamida ladaawo qaybah dhima waxan idiin soo gudbiin doona hadii lahay iidmo waqtiyada soo socda Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted July 2, 2012 July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted July 2, 2012 Lovely thread.Si wacan aya lo xusay malinti midnimada qaranka somaliyeed. Midnimo iyo horumar ayaan urajaynaya dhamaan umada somaliyeeed meshay ka joogaan dunida dal iyo dabadba. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted July 2, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Caasimada Taleex, KHaatumo State Of Somalia Dabaal Dega Kowda Luulya ee Taleex Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted July 3, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> VIDEO: July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Magaalada Buuhoodle, KHaatumo State Of Somalia Dabaal Dega Kowda Luulya ee Magaalada Buuhoodle Quote Share this post Link to post Share on other sites