Saalax Posted June 27, 2012 Wadada Isku Xirta Muqdisho Iyo Afgooye oo La Soo Dhigay Isbaarooyinkii Ugu Badnaa (Warbixin) Muqdisho (RBC) Isbaarooyinkii ugu badnaa ee abid la dhigto magaalada Muqdisho ayaa dib ugu soo laabtay wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye halkaasoo bishii hore ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen xoogga ururka Al-Shabaab. Wariye ka tirsan Raxanreeb oo ku safray gaadiidka dadweynaga ee BL-ka loo yaqaano oo marayay wadadaasi ayaa soo tiriyey illaa 7 goobood oo isbaarooyin ah oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad dharka ciidamada DKMG sita kana tirsan ciidamada dawlada kuwaasoo lacago baad ah ka gurta baabuurta dadweynaha ee marta jidka u dhexeeya caasimada iyo degmada Afgooye. Lacagaha laga qaado baabuurta ayaa u dhexeeya 15,000 Sh.So illaa 20,000 Sh.So (oo u dhiganta nus doolar illaa hal doolar). Waxaana lacagtaasi gacanta ay u gashaa askarta jidka taagan oo toos gacanta ugu taagta baabuurta wadada mareysa. Waxyaabaha yaabka leh ee uu ka sheekeeyay wariyaha waxaa ka mid ah in in ka yar 30 tallaabo ay taagan yihiin labo askari oo labo isbaaro ay u kala taallo isla wadada. Meel ku dhow Ceelasha Biyaha ayaa baabuurkii aan saarnaa waxaa ku joojiyey askari ku lebisnaa dharka ciidanka Taraafikada oo ahaa muuqaal ahaan nin da’diisa aan ku qiyaasay illaa 50-jir, wuxuu darawalkii weydiiyey inuu heysto shatida wado marista [leysan] iyo buugga baabuurka, darawalkii oo ahaa wiil da’da 20-meeyada ku jira ayaa askarigii u sheegay inuusan heysan oo uu guriga kaga soo tagay, markaasaa askarigii oo xanaaqsan darawalkii baabuurka kala degey. In Cabaar markay isla maqnaayeen oo annaguna aan baabuurka saaranahay ayaa waxaa dib u soo laabtay darawalkii oo intuu kirishboyga u yeeray ka qaaday xoogaa sanuud ah oo aan ku qiyaasay dhowr iyo labaatan kadibna intuu faraha ugu shubay askarigii waayeelka ahaa baabuurkii sii dhaqaajiyey” ayuu yiri wariyaha Raxanreeb ee wadada ku safray. Darawalka wuxuu markii dambe oo sheeko ay na dhexmartay uu ii sheegay in lacagta uu bixiyey ay ahayd laaluush ayna caadi u tahay inuu markasta bixiyo “waayo waa leejo” ayuu ku sii daray. Mid ka mid ah Wadayaasha baabuurta ka shaqeeya jidka Muqdisho iyo Afgooye u dhexeeya ayaa Raxanreeb u sheegay in ay dhowr jeer dacwad u gudbiyeen masuuliyiinta amaanka ee dawlada gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda nabadsugida hase yeeshee illaa hadda aysan jirin wax laga qabtay maleeshiyaadka lacagta baada ah kaga qaadanaya jidka. Sida wadahaasi uu sheegay marararka qaar waxaa adag in baabuurka BL-ka ah uu ka shaqeeyo jidka waayo ayuu yiri “iskama bixin karno lacag ay u baahan yihiin tobanka isbaaro”, waxayna taasii keentaa in baabuurey badan ay go’aansadaan inaysan ka shaqeynin jidkaasi oo ay meelo kala u bedeshaan, markaasna dadweynaha ayaa lgu qaaliyeeyaa lacagta baabuurka lagu raaco maadaama gaadiid tiro yar ay isku soo biimeynayaan jidka isbaarada badan. Taliyaha hay’adda nabadsugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed oo toddobaadkan horaantiisa booqasho ku tagay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegay inaysan u dulqaadan doonin ciidamada isbaarooyinka dhiganaya jidka ee dhibaatada gaadiidka dadweynaha, wuxuuna ku goodiyey in sharciga ay geynayaan cid kasta oo ay ku arkaan wadada iyadoo taagan. Isbaarooyinka u yaalla maleeshiyaadka tuuteysan ayaan ku ekeyn wadada Afgooye oo kaliya. Waxay sidoo kale yaallaan degmooyinka Wadajir, Yaaqshiid iyo Dharkenley. Weybo ka mid ah suuqa Bakaaraha ayaa sidoo kale maleeshiyaadku bilaabeen in qaab xirfadeysan lacago baad ah kaga gurtaan gaadiidka. Dadka ku nool Muqdisho oo saddexdii sano ee la soo dhaafay barakac kaga maqnaa magaalada ayaa rajoweyn ka aqabay ku soo noqoshada guryahooda iyagoo bilaabay dayactir iyo dib u habeyn ay ku sameynayaan giueyahooda iyo goobahooda ganacsiga hase yeeshee qaar badan oo dadkaasi ka mid ah waxay kuu sheegayaan inay ka niyadjabeen maleeshiyaadka magaca dawlada ku gabanaya ee tuuteysan ee har iyo habeen jidadka taagan, waxayna dadku mar walba dawlada ugu baaqaan inay cirobjarto kooxahaasi. Khatarta amni ee ugu weyn Inkastoo DKMG ah ay hadda wada maamusho 16 degmo ee caasimada haddana dad badan waxay isku raacsan yihiin in khatarta amni ee ugu weyn ee heysata DKMG Soomaaliya ay tahay maleeshiyaad beeleedka hubka sita ee xaafadaha ku dhex nool kuwaasoo badankood aan ka tirsaneyn ciidamada balse sita tuutaha ciidanka dadkana dhibaatada ku haya. Marka aad raacdo baabuurta dadweynaha ee ka dhex shaqeeya xaafadaha waxaad maqleysaa dad ka sheekeynaya farqiga u dhexeeya markii Al Shabaab ay joogeen Ceelasha Biyaha oo aysan isbaaro yaalin jidka iyo hadda oo dawlada ay ka taliso illaa Afgooye oo wadada la soo dhigay toddobo isbaaro, waana taas sababta ay ku baxday oraah reer Muqdisho halheys u noqotay oo ah “xoriyad darro amni leh iyo amni aan xoriyad lahayn”. Waxaana la tilmaamayaa in dhibaatadan ay tahay mid ka jiri doonta degmo kasta oo DKMG ah ay qabsato haddaan laga dhabeyn qorshaha amniga iyo xasilinta ee dawladu horey u dejisay isla markaana aan hubka laga dhigin maleeshiyo beeleedyada. RBC Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted June 27, 2012 http://www.raxanreeb.com/2012/06/wadada-isku-xirta-muqdisho-iyo-afgooye-oo-la-soo-dhigay-isbaarooyinkii-ugu-badnaa-warbixin/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted June 27, 2012 "illegal checkpoints back in failed state of Somalia" lool....is this the title of the article? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted June 27, 2012 Extremist Al shabab goes Isbaaros are back in many numbers, are we witnessing Deja Vu all over again. ;846137 wrote: Wadada Isku Xirta Muqdisho Iyo Afgooye oo La Soo Dhigay Isbaarooyinkii Ugu Badnaa (Warbixin) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 27, 2012 Wa iska caadi wax weyn maha Alshabaab aya xogihi ay qadaan jireen ka hor istaagay marka one year bay yara qadanayan mushaharka isbaarada, marka danbe wa iska tegeyaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
burahadeer Posted June 28, 2012 article 78 of constitution says so....more checkpoints/ sparos.Out of every 10 tomatoes one goes to moooryaan soldier.Banana for the officers:D Quote Share this post Link to post Share on other sites