Che -Guevara Posted June 27, 2012 In honor of July 1st, Adopt buluugey for day and change your avatar. Dear Admin, There's no Somali flag among the list of avators. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted June 27, 2012 Che -Guevara;846141 wrote: I like this one. Reer woqooyi galbeed always get pisst of when they see this map.......... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted June 27, 2012 Happy somali independence day Che and the rest of the solers. I agree with you we should definitely have our beautiful blue flag as an avatar. Here is a beautiful song dedicated to our flag by Saciido Shiino Calanyahow dhayal kumaad dhalanine rag baa ku dhintoo dhiig baa kugu daatayoo dhib iyo hadimo ku dhalatee Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 27, 2012 Warya Showqi why would reer woqoyi get upset that's how the map was in 1960 both peoples were happy with that in 1960 numbr 7 now lets just celebrate the independence of Somalia first of July ama kowda luuliyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted June 27, 2012 To you as well Aaliyah-May Allah make this year better for Somalis. Showqi.....Just don't piss off XX. Here's to celebrate:) Nice Video Xaaji Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 27, 2012 Indeed waan qiirooda maalinta Xoriyada ilahoow ku naxariiso edo Baxsan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted June 27, 2012 Che, XX waxaas kama xanaaqayo isaga iyo JB-ba wey yaqanaan kaftanka iyo sida hoosta la'isugu dhigo. Unlike Aadan Bugle....:D Xaaji, thanks heestaasi waa waayo waayo sxb. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted June 28, 2012 ^Bugle Asylum Snet la yiraahdo kasoo baxsaday Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 28, 2012 VIDEO:Sanad-Guuradii 52aad Xornimada & Midnimada Qaranka Soomaaliya oo Laga Xusay Caasimada KHaatumo State " frameborder="0" allowfullscreen> June 26, 2012 : Sanad-guuradii 26ka Juun oo Laga Xusay Caasimada Khaatumo Ee Taleex- (Video)- Lasanod Online. Wednesday, June 27, 2012 Taleex,(lasanod Online)- Xaflad si fiican losoo agaasimay oo lagu xusayey sanadguuradii 52aad ee kasoo wareegtay maalintii xornimada ay qaateen.. Gobollada waqooyi ee dalka Soomaaliya, ayaa lagu qabtay caasimada maamulka Khaatumo ee Taleex. Xafladan waxaa ka qaybgaley madaxweynaha mamaulka Khaatumo Axmed Cilmi Cismaan(Karaash) iyo madax kale oo ka tirsan golayaasha maamulka Khaatumo.. Hoos ka daawo Maqal iyo muuqaal. Copyright © 2012 Lasanod.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 28, 2012 Gabaygii Kaana siib kana saar – “Kaana” dadka qaar waxay ku macneeyaan – calanka gumaystaha ee birta ku xidhnaa iyo “Kanna saar” wuxuu ka waday calanka buluuga ah oo uu gacanta ku hayey Abwaanku. Dad goob joog ahaa maalintaa wayn ayaa laga yaabaa inay cadeeyaan. Indhawaydba waataan Salalaysay arladaydiiyee Ma samaynin maansooyinkii aan Saayidka u helaye [saankuleer?] ayaamahan ma bixin soonfur dabadeede subucii dhamaadaba marbaan saari jiray luuqad sidde la qabsaduu leeyahay iyo subucyo dhaadheere labadaba markuu seego wayga sirgacantaaye Aan sameeyo maansadii [dixdeey sidatay rabii]? Anigoo Sabi ah oo Sita leeb iyo qaanso [Oo sideedo iskucaano]? Sabad reer ka fogaaninoon la’ii aaminin soofkiyo saacan maanta aan joogno gabaygu wuygu sugnaa-yoo suxufiinta dhawaaqdana anigow ugu sareeyo -e Hadii aan sixi waayo aa – ama aan sarsariigo ama aan sarma seejo ama aan ka salguuro ama laygu saluugo saamiciinta maqlaysaay isu’aalo hadhowto – ee ee…. Ilaahaan waxba seegine subuciisa quraankiyo sabaxooyin ku sheegayoo saciira iyo naciima rabigii kala seerayow marka suurtu dhawaaqdo e lasoo saaro makhluuqa shaqiga iyo saciidka maalintaad kala soocdo danbigaanu samaynay rabigayow naga saamax ee ee….ya Subciyoo ka dukeeyeye sowt kaleetona waayoo Soomaaloo calan taagta Saakaa inoogu horaysoo Iinsiga inaad tihiiniyo Inkalaana saxaynine Sadex wiik iyo maalmo Hadaan soor cuni waayo Safrad laygama yaabo Sari mayso naftayda e Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana siib Kanna Saar Ka’ sideetan Sabaano Calankaanu sugaynay een sahankiisa ahaynow Sermawaydo hilaacdayoo sagal maanta daroorayoo siigadii naga maydhayoo Saqdhaxaanu ahayne kii soosaaray cadceedow samada ki u eekaayee Xidig-gam isa siiyayow Saaxirkii Kala guuraye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana siib Kanna Saar Saalixiinta Islaamko Sirta kay ku arkeenoow Saahidiinta quraanka Subcisaa jimcayaashiyo Sibhantiyo haweenku Calankeey Sahadsheenoow Cidina kaanay na siinine Saatir noogu yaboohayoow Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana siib Kanna Saar Kaana siib Kanna Saar Sanku neefle dhamaantii Khalqiga kii u siinaaye Mid saaxiib la’ahaynoow Mid saaxiib la’ahaynoow Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar Kii saciida la keenayoow Samadu kay ku xidhnaydoow Salaankii Sayruukhii afrikaadoow Siraadkii na’ iftiinshaye Soomaaloo dhan xoreeyayoow[ Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar Faralka iyo sunaha Wixii diinta ku Sahabsan Isna kii sadexeeyayoow Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar Kii gumaysiga saaraye isticmaarkii sumeeyaye seedihii kogsanaa -iyo Seetadii naga gooyayoow Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar Soomaaloo is cunaysa oo Isa seegan dhamaanoo Saqda qaylo dhawaaqdiyo Sulub laysku Cabaystiyo Hadba soof la xanbaariyo Sareecyo dami waydiyo Kii laydhiisu na saaqdaye Kii safeeyey qabaa-ile Saf walaalo ka yeelayoow Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar Nimankii na siraayeye Waax-waax noo kala saaftaye Solonaayey cadkeena Inagoo dhexda suunku Sabarkeena qarqooray Kii sadkeena cunaayey Sarartiisa ka muuqdaye Surwaalkii ka yaraadaye daaro loo sibidheeyiyo Sariiraha lagu seexdiyo Kabadh suuf laga buuxshiyo Mid baabuurka safeeyiyo sagaal booyd iyo kuug iyo Aayad saarta caruurtiyo Waliba seeska uu lahaa Sabanka uu labayoow Saaxirkii kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar Sawjada qofka qaataye Intuu soodhka ka taagay Uu diyaarad Salaantiyo Saraakiisha amraysa Sifiihii isticmaarka ka siyaadiya maanta Sibilkeenan agjoogoow Sibirtiisa istaaga Ninwalbaa sigib beelo Sare u taaga gacmahoo Sacabka isu garaaca oo Nin walbaa sadex goor Subxaanoow waa mahaa dheh — hoyaalayooow -hoobaalayoow Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 28, 2012 Axmed Ismail Dirie "Qaasim", Axmed Ismaaciil diiriye, Eebbe haw naxariistee, Cadan buu joogey kolkii Calanka laga taagay Soomaaliya, Dalkeenuna Xornimada Ka helay Guumeesigii Europe waa Italy Iyo Britain. Dad badan oo debedaha joogay oo imankariwaayeyna halkoodii ayey ku xuseen kuna dabbaaldegeen. Marxuunka oo isagu dadkaasi ka mid ahaa si gaar ah ayuu u xusay. Mar la weydiiyey wuxuu ka odhan lahaa arrintaana wuxuu yidhi: Allow yaa Darwiishkii farriin debecsan gaadhsiiya Allow yaa dadkaagii yidhaa dawladnimo qaaday Allow yaa dabbaaldegiyo farax kala dul eedaama Fardaha yaa dirkii dhooddi meer doona faracdiisa Allow yaa darmaan farataqaan duqa u kooreeya Allow yaa duleeddada Taleex uga dammaashaada Dhaaxuu ku daakiray xaqoo naga dahsoonaaye Ha daawado dadkow hiiliyo doogga soobbaxaye Allow yaa dalluuntiyo qabriga dib uga soo saara In dariiqadi nooshahay ooy dunida soo gaadhey Oo dabkuu shiday rag kale dogobbo sii saaray Allow yaa af lama daaliyee daacad ugu sheega! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 28, 2012 Halgankii Barakeesnaa ee Daraawiishta nimaan oqoon baa yiraa,hadalka qaarkiise, Waa nimaan hurmuud wada ah iyo,hanadyo waaweyne. Waa nimanka haybtoodu tahay, Haashinkaas kore e. Waa nimanka deeqdii hanbaday, hibo Ilaaheeye, Waa niman intay hodon yihiin, hoog ku sii daraye, Waa niman gob baa lagu hirtaa, lagu hagaagaaye. Waa nimanka daaraha hurdiyo, harac dallaal weyne, Waa niman xariira huwanoo, huga ku laafyoone Waa nimanka haashaarka gole,marada haafeeyne Waa nimanka doonyuhu Hindiga,uga himbaartaane Waa niman haruur iyo bariis,hoyga loo dhi***e Waa nimanka haanfuuqayee,timirtu hoos taale Waa niman haleeliyo horweyn,heel ka buuxsadaye Waa niman adduun lagu huroo,maal hareeriminne Waa niman intay wada habceen, heeshiguun dhiciye Waa niman hingaar lama watee,haybad guursada e Waa niman hablaha ay qabaan,halalac leeyaane, Sida heegadoo curatay bay, shuqul hillaacaane Waa niman hub iyo dowladnimo,haysta waligoode Waa niman u heenseyn fardaa,halabsigoodiiye Waa niman halqooqaha rogaal,heegma weligoode Waa niman hadday rag is-hayaan,huriya baaruude Waa niman madaafiic higliyo,haaliggii ridiye Waa niman hanaanaca kufriga,hoor ka soo qubiye Daaroodku waa wada halyey,kalase heyb roone Dadka kalena waa wada hulqiyo,huuba doora lehe Waxse heerle haad ferenji iyo, harabka ******e Kuwa fuudka heeminahayoo,himishku duulaayo Aan tan iyo Haabiil dheryaha.lagula hawshoonnin Iyana heer inay leeyihiin,hubantidey weeye Hiliblaha dukaaminahayoo,horori ceeriinka Oo dhiigga soo hililiqlayn, haysha ka caseeyey. Iyana heer inay leeyihiin,hubantidey weeye Nimanka hablaha soorta guri, ku hargawaaxaayey Ee tii wax hoomey tiraa,kula haliilaayey Iyana heer inay leeyihiin,hubantiday weeye. Nimankii hawaaree sidii,habas u kowdiidey. Oo aan futada haawineyn, hogobka aad mooddo Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye Nimankii sidii awr hayina, hilayga qaadaayey Hinjigiyo culayskii kuwuu,hoolay dhabarkooda Iyana heer inay leyihiin hubantiday weeye. Ragga hiirta waa beri dillaal, halaladuu roori Oo aan hunguriga maalimeed,soo har gelihaynin Iyana heer inay leyihiin, hubantiday weeye. Nimankii habeedley ummula, huga u mayraayey. Nimankii habeen iyo dharaar, hiribka qooshaayey Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye. Ragga udaha horsanahayoo,saxaraduu heegan, Iyo nimanka hooyadood ku odhan, habartu waa dhuustey Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye. Axmed nuuxa nirig haaruuf badan,kabar u heereeyey Ee hilinka meeshiyo Hiraab, habaqluhuu qaaday, Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye. Muusacarraha haragga iyo, hoorka xiranayaa. Oo qurunka ay huursadeen, lagu hunqaacaayo Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye. Ciisaha baqtiga hii***oo, haadka qalanayaa, Oo calaha habuurka badan, hagida meeraaya, Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye. Habaryonis iyo reer Jugliyo, habar magaadloo dhan Iyo caliga hoosada berbera, huluqa jiidaa, Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye. Intii heer lahayd ma aan dhammayn. hebelladoodiiye Hayska hoobbiyeen nimanka aan, heray boqontiiye Inta aan hunduudaa ka badan, hiishka geedaha e. Niman baan bullaabee ma oran, hiijo iyo ceebe, Waxsaan hubinayaa waa inay, hadiyad keenaane, Ha yeeshee intaasaan hojee, hor Allahay geystay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nin-Yaaban Posted June 28, 2012 I try not to get involved into anything to do with Somali politics, but since Che posted this I like to say 'sanad guuro wacan'. Quote Share this post Link to post Share on other sites