Sign in to follow this  
Che -Guevara

Somali Independence Day

Recommended Posts

Showqi   

Che -Guevara;846141 wrote:
10648717-map-flag-somalia.jpg

I like this one. Reer woqooyi galbeed always get pisst of when they see this map..........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Happy somali independence day Che and the rest of the solers.

 

I agree with you we should definitely have our beautiful blue flag as an avatar. Here is a beautiful song dedicated to our flag by Saciido Shiino

 

 

 

Calanyahow dhayal kumaad dhalanine rag baa ku dhintoo dhiig baa kugu daatayoo dhib iyo hadimo ku dhalatee

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warya Showqi why would reer woqoyi get upset that's how the map was in 1960 both peoples were happy with that in 1960 numbr 7 now lets just celebrate the independence of Somalia first of July ama kowda luuliyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

To you as well Aaliyah-May Allah make this year better for Somalis.

 

Showqi.....Just don't piss off XX. Here's to celebrate:)

 

Nice Video Xaaji

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Che, XX waxaas kama xanaaqayo isaga iyo JB-ba wey yaqanaan kaftanka iyo sida hoosta la'isugu dhigo. Unlike Aadan Bugle....:D:D

 

Xaaji, thanks heestaasi waa waayo waayo sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

VIDEO:Sanad-Guuradii 52aad Xornimada & Midnimada Qaranka Soomaaliya oo Laga Xusay Caasimada KHaatumo State

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

June 26, 2012 :

Sanad-guuradii 26ka Juun oo Laga Xusay Caasimada Khaatumo Ee Taleex- (Video)-

Lasanod Online. Wednesday, June 27, 2012

 

 

 

 

Taleex,(lasanod Online)- Xaflad si fiican losoo agaasimay oo lagu xusayey sanadguuradii 52aad ee kasoo wareegtay maalintii xornimada ay qaateen..

 

Gobollada waqooyi ee dalka Soomaaliya, ayaa lagu qabtay caasimada maamulka Khaatumo ee Taleex.

 

Xafladan waxaa ka qaybgaley madaxweynaha mamaulka Khaatumo Axmed Cilmi Cismaan(Karaash) iyo madax kale oo ka tirsan golayaasha maamulka Khaatumo.. Hoos ka daawo Maqal iyo muuqaal.

 

 

 

 

 

Copyright © 2012 Lasanod.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

kana-siib-300x247.jpg

Somalia-Flag.jpg

images?q=tbn:ANd9GcQ0P8_fN363NHOw5bKTm_i

 

 

 

Gabaygii Kaana siib kana saar – “Kaana” dadka qaar waxay ku macneeyaan – calanka gumaystaha ee birta ku xidhnaa iyo “Kanna saar” wuxuu ka waday calanka buluuga ah oo uu gacanta ku hayey Abwaanku. Dad goob joog ahaa maalintaa wayn ayaa laga yaabaa inay cadeeyaan.

 

Indhawaydba waataan

Salalaysay arladaydiiyee

Ma samaynin maansooyinkii aan

Saayidka u helaye

[saankuleer?] ayaamahan ma bixin

soonfur dabadeede

subucii dhamaadaba

marbaan saari jiray luuqad

sidde la qabsaduu leeyahay

iyo subucyo dhaadheere

labadaba markuu seego

wayga sirgacantaaye

Aan sameeyo maansadii

[dixdeey sidatay rabii]?

 

Anigoo Sabi ah oo

Sita leeb iyo qaanso

[Oo sideedo iskucaano]?

Sabad reer ka fogaaninoon

la’ii aaminin soofkiyo

saacan maanta aan joogno

gabaygu wuygu sugnaa-yoo

suxufiinta dhawaaqdana

anigow ugu sareeyo -e

Hadii aan sixi waayo

aa – ama aan sarsariigo

ama aan sarma seejo

ama aan ka salguuro

ama laygu saluugo

saamiciinta maqlaysaay

isu’aalo hadhowto – ee ee….

 

Ilaahaan waxba seegine

subuciisa quraankiyo

sabaxooyin ku sheegayoo

saciira iyo naciima

rabigii kala seerayow

marka suurtu dhawaaqdo e

lasoo saaro makhluuqa

shaqiga iyo saciidka

maalintaad kala soocdo

danbigaanu samaynay

rabigayow naga saamax ee ee….ya

Subciyoo ka dukeeyeye

sowt kaleetona waayoo

Soomaaloo calan taagta

Saakaa inoogu horaysoo

Iinsiga inaad tihiiniyo

Inkalaana saxaynine

Sadex wiik iyo maalmo

Hadaan soor cuni waayo

Safrad laygama yaabo

Sari mayso naftayda e

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana siib Kanna Saar

 

Ka’ sideetan Sabaano

Calankaanu sugaynay

een sahankiisa ahaynow

Sermawaydo hilaacdayoo

sagal maanta daroorayoo

siigadii naga maydhayoo

Saqdhaxaanu ahayne

kii soosaaray cadceedow

samada ki u eekaayee

Xidig-gam isa siiyayow

Saaxirkii Kala guuraye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana siib Kanna Saar

 

Saalixiinta Islaamko

Sirta kay ku arkeenoow

Saahidiinta quraanka

Subcisaa jimcayaashiyo

Sibhantiyo haweenku

Calankeey Sahadsheenoow

Cidina kaanay na siinine

Saatir noogu yaboohayoow

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana siib Kanna Saar

Kaana siib Kanna Saar

 

Sanku neefle dhamaantii

Khalqiga kii u siinaaye

Mid saaxiib la’ahaynoow

Mid saaxiib la’ahaynoow

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana Siib Kanna Saar

 

Kii saciida la keenayoow

Samadu kay ku xidhnaydoow

Salaankii

Sayruukhii afrikaadoow

Siraadkii na’ iftiinshaye

Soomaaloo dhan xoreeyayoow[

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana Siib Kanna Saar

Faralka iyo sunaha

Wixii diinta ku Sahabsan

Isna kii sadexeeyayoow

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana Siib Kanna Saar

Kii gumaysiga saaraye

isticmaarkii sumeeyaye

seedihii kogsanaa -iyo

Seetadii naga gooyayoow

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana Siib Kanna Saar

Soomaaloo is cunaysa oo

Isa seegan dhamaanoo

Saqda qaylo dhawaaqdiyo

Sulub laysku Cabaystiyo

Hadba soof la xanbaariyo

Sareecyo dami waydiyo

Kii laydhiisu na saaqdaye

Kii safeeyey qabaa-ile

Saf walaalo ka yeelayoow

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana Siib Kanna Saar

Nimankii na siraayeye

Waax-waax noo kala saaftaye

Solonaayey cadkeena

Inagoo dhexda suunku

Sabarkeena qarqooray

Kii sadkeena cunaayey

Sarartiisa ka muuqdaye

Surwaalkii ka yaraadaye

daaro loo sibidheeyiyo

Sariiraha lagu seexdiyo

Kabadh suuf laga buuxshiyo

Mid baabuurka safeeyiyo

sagaal booyd iyo kuug iyo

Aayad saarta caruurtiyo

Waliba seeska uu lahaa

Sabanka uu labayoow

Saaxirkii kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana Siib Kanna Saar

 

Sawjada qofka qaataye

Intuu soodhka ka taagay

Uu diyaarad Salaantiyo

Saraakiisha amraysa

Sifiihii isticmaarka

ka siyaadiya maanta

Sibilkeenan agjoogoow

Sibirtiisa istaaga

Ninwalbaa sigib beelo

Sare u taaga gacmahoo

Sacabka isu garaaca oo

Nin walbaa sadex goor

Subxaanoow waa mahaa dheh — hoyaalayooow -hoobaalayoow

 

Somalia_Flag2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

buho6.JPG

 

Axmed Ismail Dirie "Qaasim",

 

 

 

Axmed Ismaaciil diiriye, Eebbe haw naxariistee,

 

Cadan buu joogey kolkii Calanka laga taagay Soomaaliya, Dalkeenuna Xornimada Ka helay Guumeesigii Europe waa Italy Iyo Britain.

 

Dad badan oo debedaha joogay oo imankariwaayeyna

 

halkoodii ayey ku xuseen kuna dabbaaldegeen.

 

Marxuunka oo isagu dadkaasi ka mid ahaa si gaar

 

ah ayuu u xusay. Mar la weydiiyey wuxuu ka odhan

 

lahaa arrintaana wuxuu yidhi:

 

 

 

Allow yaa Darwiishkii farriin debecsan gaadhsiiya

Allow yaa dadkaagii yidhaa dawladnimo qaaday

Allow yaa dabbaaldegiyo farax kala dul eedaama

Fardaha yaa dirkii dhooddi meer doona faracdiisa

Allow yaa darmaan farataqaan duqa u kooreeya

Allow yaa duleeddada Taleex uga dammaashaada

Dhaaxuu ku daakiray xaqoo naga dahsoonaaye

Ha daawado dadkow hiiliyo doogga soobbaxaye

Allow yaa dalluuntiyo qabriga dib uga soo saara

In dariiqadi nooshahay ooy dunida soo gaadhey

Oo dabkuu shiday rag kale dogobbo sii saaray

Allow yaa af lama daaliyee daacad ugu sheega!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

SomaliFlag.jpg

somali-flag-lng-life-mogadishu-somalia+1

 

Halgankii Barakeesnaa ee Daraawiishta

 

nimaan oqoon baa yiraa,hadalka qaarkiise,

Waa nimaan hurmuud wada ah iyo,hanadyo waaweyne.

Waa nimanka haybtoodu tahay, Haashinkaas kore e.

 

 

Waa nimanka deeqdii hanbaday, hibo Ilaaheeye,

Waa niman intay hodon yihiin, hoog ku sii daraye,

Waa niman gob baa lagu hirtaa, lagu hagaagaaye.

 

Waa nimanka daaraha hurdiyo, harac dallaal weyne,

Waa niman xariira huwanoo, huga ku laafyoone

Waa nimanka haashaarka gole,marada haafeeyne

 

Waa nimanka doonyuhu Hindiga,uga himbaartaane

Waa niman haruur iyo bariis,hoyga loo dhi***e

Waa nimanka haanfuuqayee,timirtu hoos taale

 

Waa niman haleeliyo horweyn,heel ka buuxsadaye

Waa niman adduun lagu huroo,maal hareeriminne

Waa niman intay wada habceen, heeshiguun dhiciye

 

Waa niman hingaar lama watee,haybad guursada e

Waa niman hablaha ay qabaan,halalac leeyaane,

Sida heegadoo curatay bay, shuqul hillaacaane

 

Waa niman hub iyo dowladnimo,haysta waligoode

Waa niman u heenseyn fardaa,halabsigoodiiye

Waa niman halqooqaha rogaal,heegma weligoode

 

Waa niman hadday rag is-hayaan,huriya baaruude

Waa niman madaafiic higliyo,haaliggii ridiye

Waa niman hanaanaca kufriga,hoor ka soo qubiye

Daaroodku waa wada halyey,kalase heyb roone

 

Dadka kalena waa wada hulqiyo,huuba doora lehe

Waxse heerle haad ferenji iyo, harabka ******e

Kuwa fuudka heeminahayoo,himishku duulaayo

Aan tan iyo Haabiil dheryaha.lagula hawshoonnin

 

Iyana heer inay leeyihiin,hubantidey weeye

Hiliblaha dukaaminahayoo,horori ceeriinka

Oo dhiigga soo hililiqlayn, haysha ka caseeyey.

Iyana heer inay leeyihiin,hubantidey weeye

 

Nimanka hablaha soorta guri, ku hargawaaxaayey

Ee tii wax hoomey tiraa,kula haliilaayey

Iyana heer inay leeyihiin,hubantiday weeye.

 

Nimankii hawaaree sidii,habas u kowdiidey.

Oo aan futada haawineyn, hogobka aad mooddo

Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

 

Nimankii sidii awr hayina, hilayga qaadaayey

Hinjigiyo culayskii kuwuu,hoolay dhabarkooda

Iyana heer inay leyihiin hubantiday weeye.

 

Ragga hiirta waa beri dillaal, halaladuu roori

Oo aan hunguriga maalimeed,soo har gelihaynin

Iyana heer inay leyihiin, hubantiday weeye.

 

Nimankii habeedley ummula, huga u mayraayey.

Nimankii habeen iyo dharaar, hiribka qooshaayey

Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

 

Ragga udaha horsanahayoo,saxaraduu heegan,

Iyo nimanka hooyadood ku odhan, habartu waa dhuustey

Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

 

Axmed nuuxa nirig haaruuf badan,kabar u heereeyey

Ee hilinka meeshiyo Hiraab, habaqluhuu qaaday,

Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

 

Muusacarraha haragga iyo, hoorka xiranayaa.

Oo qurunka ay huursadeen, lagu hunqaacaayo

Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

 

Ciisaha baqtiga hii***oo, haadka qalanayaa,

Oo calaha habuurka badan, hagida meeraaya,

Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

 

Habaryonis iyo reer Jugliyo, habar magaadloo dhan

Iyo caliga hoosada berbera, huluqa jiidaa,

Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

 

Intii heer lahayd ma aan dhammayn. hebelladoodiiye

Hayska hoobbiyeen nimanka aan, heray boqontiiye

Inta aan hunduudaa ka badan, hiishka geedaha e.

 

Niman baan bullaabee ma oran, hiijo iyo ceebe,

Waxsaan hubinayaa waa inay, hadiyad keenaane,

Ha yeeshee intaasaan hojee, hor Allahay geystay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this