Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalilands independence day celebrated 1960 26 June 52th anniversary

Recommended Posts

Bulshada Caalamku Ha Ixtiraamaan Qarannimada Somaliland, Go’aanka Shacbiga Iyo Dadaalka Ay ku Xaqiijiyeen Dal nabada Oo Buuxiyay Shuruudihii Aqoonsiga”Md Siilaanyo.

 

Hargeysa (Ramaas) June 25,2012 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa dhambaa hambalyo ah u diray shacabka 52 guurada Xornimada Somaliland awgeed

 

War-saxaafadeed uu Caawa soo saaray afhayeenka Madaxtooyadu oo Madaxwaynuhu hambalyo ugu diray shacabka ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u diray Shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan, Xuska Munaasibada 52-guurada ka soo wareegtay 26-June-1960-kii, oo ah maalintii ay Somaliland madax-banaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska.

 

Maalintan oo ah Maalin Taariikhda Somaliland Qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweynuhu u rajeeyey ilaahayna uga beryay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shacbiga Guddo iyo Debedba inay Sannadka, Sannadkiisa ku gaadhaan Guul, Barwaaqo, iyo Somaliland oo si buuxda uga mid noqotay dawladaha la aqoonsanyahay.

 

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan si adag ugu sheegay inay Jamhuuriyadda Somaliland guul joogto isla markaana ay buuxisay dhamaan Shuruudihii looga baahnaa aqoonsiga,.

 

Madaxweynuhu waxa uu beesha caalamka ugu yeedhay inaanay la masuugin aqoonsiga ee ay ixtiraamaan taariikhda qarannimada Somaliland, Go’aanka Shacbiga iyo dadaalka ay ku xaqiijiyeen dal nabada, iyo hannaan dawladnimo, dimuqraadiya oo si wacan u hanaqaaday sidaana la wada ogyahay loona qirsanyahay.

 

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ku dhiiri-geliyey inay iska jiraan oo ay ka feejignaadaan cadaw kasta iyo cid kasta oo isku dayda iny wax u dhimaan ama dhawacaan wada jirka umadeena Somaliland iyo nabad-gelyada Qarankeena.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha KULMIYE oo Shacabka ku Hambalyeey Sannad-guurada 52aad ee calan-saarkii Somaliland

 

June 25th, 2012

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka Somaliland ugu hambalyey sannad-guurada 52aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay 26 June 1960 guumaystihii boqortooyada Ingiriiska.

 

Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa u sidoo kale hambalyo iyo boggaadin u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka Jabuuti oo 27 bishan u dabaaldegi doona xornimaday ka qateen guumaystihii Faransiiska 1977-kii, isaga oo labada shacaba iyo masuuliyiintooda uga duceeyey in ay waqtigan waqtigiisa ku gadhaan nabadgelyo iyo horumara.

 

Md. Muuse biixi oo qoraalka u ku hambalyey shacabka Somaliland iyo jabuuti waxa uu dhignaa sidan; “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaca xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisa, waxa uu hambalyo iyo boggaadin u diraya shacabka Somaliland guddo iyo dibadba meel kasta oo ay joogaan, munaasibada 52 guuurada ka soo wareegtay markii Somaliland xornimada ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska 26 June. 1960. Waxa uu Ilaahay uga baryaya shacabka Somaliland inay horumar, nabadgelyo iyo barwaaqo ku gadhaan sannad-guuradan sannad-guuradeeda.

 

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hambalyo taas la mid ah ah u diraya madaxweynaha dawladda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, anah guddoomiyaha xisbiga talada haya ee dawladda Jabuuti, iyo dadka reer Jabuuti, isaga oo ka hambalyeyna 27 June, 1977-kii oo ah maalintii ay Jabuuti ka xorowday guumaysigii Faransiiska, waxaannu Ilaahay uga baryayaan inay nabadgelyo iyo horumar ku gadhaan sannadaas sannadkiisa,” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka hambalyada ah.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Md Saylici Iyo Hogaamiyaha Kulmiye Oo Shacabka Ku Hambalyeeyay 52-guurada Ka Soo Wareegtay Wakhtigii Somaliland Xornimada Ka Qaadatay Ingiriiska Oo Berri Ku Beegan

Hargeysa (Ramaas) June 25,2012 – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku hambalyeeyay 52 guurada ka soo wareegtay wakhtigii Somaliland xornimada ka qaadatay Ingiriiska oo ku beegan berri

 

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland iyo Guddoomiyaha Kulmiye ayaa shacabka ku hambalyeeyay xuska 26-ka June oo ku beegan 52 guurada ka soo wareegtay wakhtigii Somaliland xornimada ka qaadatay Ingiriiska 26-kii June 1960, waxayna dadka iyo dalkaba ILAAHAY uga baryeen inuu sanadkan sanadkiisa kale ku gaadhaan badhaadhe.

 

Md Saylici oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Waxaan shacabka ku hambalyeynayaa 52 guurada ka soo wareegtay markii Somaliland xornimada ka qaatay Ingiriiska 26.06.1960, waxaanan leeyahay shacabka meel kasta oo ay joogaan sanadkan sanadkiisa ku gaadha bash bash iyo barwaaqo”

 

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna shacabka hambalyeeyay ayaa yidhi “Waxaan shacabka reer Somaliland ku hambalyeynayaa 52 guurada Madax-banaanida Somaliland, xornimada aynu Ingiriiska ka qaadanay waxaynu la midownay walaalaheena Koonfurta oo aynu dhibaato badan kala kulanay, oo dagaal, burbur iyo qoxooti ayaa inaga soo gaadhay, ILAAHAYNA guushii wuu ina siiyay oo qaran xor ah ayaynu noqonay, imikana halgankeedii ayaynu ku jirnaa oo dhismaheedii iyo aqoonsigeedii, maantana waxaynu maraynaa in caalamku inoo gar-naqayo inaga iyo qoladii Koonfurta ee aynu isku darsanay”

 

Mujaahid Muuse Biixi, waxa kale oo uu soo qaaday “Waxaan shacabka u sheegayaa in halganka gabagabadiisii iyo guushiisii dhowdahay, taana waxaynu ku gaadhaynaa midnimo iyo danteena oo aynu meel uga soo wada jeedno”ayuu yidhi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

East Africa Marks Two New Nations

The New York Times

Monday, June 27, 1960

 

 

HARGEISA, Somaliland, June 26 (Reuters) – A blue and White starred flag was hoisted here today after all-night celebrations ending seventy-three years of British rule in this East African Territory at the south end Red Sea.

 

 

Mohammed Haji Ibrahim Egal took an Oath on the Quran as Premier of the new nation of Somaliland.

 

 

Nearly 1,000 British-trained Somali troops were handed over to him by the retiring commandant; Brig. Gen. O. G. Brooks.

 

 

Mr. Egal welcomed a delegation from a neighboring Italian Somalia, scheduled to unite with Somaliland to form a republic of 2,000,000 population when Italy gives up her United Nations trusteeship Friday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwayne Siilaanyo Oo Khudbadii Xuska 26-ka June Ku Sheegay In Madax-banaanidu Gorgortan Gali Karin Haddii Wada-hadal Somaliya Lala Gallo Iyo Haddii Kaleba (Sawiro)

 

Hargeysa (Ramaas) June 26,2012 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Caawa khudbad ka jeediyay Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay aqalka Madaxtooyadda, taasi oo lagu xusayey 52 guurada xornimada Somaliland ee 26-ka June.

 

Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa uu ka sheekeeyay taariikhda xornimada iyo sababihii keenay in Somaliya lala midoobo, isaga oo sidoo kale cadeeyay in dawladii Ingiriisku Somaliland uga digtay la midowga Somaliya inteeda kale, balse xamaasad Somali-weyn oo wakhtigaa jirtay ay keentay midowgii Somaliya ee dhibaatada laga dhaxlay.

 

Madaxwayne Siilaanyo, waxa kale oo uu sheegay in qadiyada Madax-banaanida Somaliland marnaba gorgortan galaynin haddii Somaliya wada hadal lala gallo iyo haddii kaleba, isaga oo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaynu u debaal dagaynaa 52 guuradii ka soo wareegtay wakhtigii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Isticmaarkii Ingiriiska 26-kii June 1960-kii, mudadaa dheer ee Ingiriisku Ina haystay waxay Somalidu meel kasta oo ay joogaan ku taamaysay inay midowdo, xamaasadii wakhtigaa jirtay ayaa ina gayeysiisay markii aynu xoriyadda qadanay ayaynu nidhi waanu ka darsanaynaa Somaliya oo markaa qaramada midoobay hoos imanaysay maamulkeeda, wakhtigii dawlada Ingiriisku in badan ayay inala talisay oo ay tidhi horta idinku cagijihiina isku taagga oo dawlad noqda hadhow aad ka tashataane (midowga Somaliya), ayaa xamaasadii iyo wadaniyadii balaadhnayd ayaa inaga shacab iyo madaxba inagu arbushay oo nidhi mayee waanu la midoobaynaa”

 

Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa kale oo soo qaaday “Waynu ognahay dhibaato badan ayaa ina soo martay, halgan dheer ayaynu soo galnay, ugu dambayntiina waynagii Magaaladda Burco madax-banaanideenii kula soo noqonay, maanta waxaynu u taaganahay inay dunidu inala shaqeeyaan oo ay ina ictiraafaan, waxaan u cadaynaynaa caalamka iyo cidkataba wada hadalo halla gallo ama yaan la galin, dano badan-baa iskaga xidhan dadka, dano badan ayaa inagaga xidhan walaalaheen Somaliya, laakiin waxaanu mar walba u taaganahay oo aanaan gorgortan ka galaynin madax-banaanida Somaliland iyo gooni isku taageeda.”ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Debaal dagga maantuna waxa uu yahay mid ina xasuusinaya taariikhdeenii iyo wixii aynu soo marnay, waxaanu cadaynaynaa inaanaan Somaliland xidhiidhkeeda iyo mustaqbalkeeda aanaan cidna gorgortan kala galaynin”

 

Munaasibadan waxa ka qayb-galay xisbiyadda siyaasada qaranka oo uu ka mid yahay Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, masuuliyiin UCID ka socday, Wasiirro, haween iyo dhalinyaro faro badan.

 

Waxa xafladan ka qayb-galay bahda fanka oo uu ka mid yahay Fanaanka Cabdi Qaboojiye oo ka qaaday heeso wadani ah, sidoo kale waxa ka qayb-galay kooxda HAVOYOCO, kuwaasi oo halkaasi ku soo bandhigay ciyaaro dadku ka heleen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this