Aaliyyah Posted June 25, 2012 Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah mudane Shariif Sh Axmed ayaa hambalyo ku aaddan 52 guuradii ka soo wareegtay xornimada gobollada woqooyi ee dalkau diray shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Shariif Sh Axmed oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in sanad guuradani ay ku soo aadday xilli ay socdaan wada hadallo u dhaxeeya maamulka Soomaaliland iyo dowladda FKMG ah. Wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliland in ay ka soo dhalaalaan dowrkii ay waligood ku lahaayeen midnimada iyo isu keenidda shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed in aan ugu hambalyeeyo munaasabadda 26-ka Jun 1960kii. oo ah maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed ee gobollada Woqooyi eey ka xoreebeen gummeysiga. Runtii waxayna ku soo aadday waqti ay bilowdeen wada hadallo u dhaxeeya woqooyi iyo koofur” Ayuu yiri. Madaxweyne Shariif Sh Axmed ayaa soo dhaweeyay niyad wanaag iyo xilkasnimada ay muujiyeen maamulka iyo Shacabka Soomaaliland, isagoo tilmaamay in ay Soomaalidu sinna u kala tagi Karin hase yeeshee loo baahan yahay in la xalliyo haddii wax la kala tabto. “Waxaan rabaa si gaar ah inaan ugu mahad celiyo walaalaheena Soomaaliland, niyad wanaagga iyo xilkasnimada ay muujiyeen, annaguna waxaan muujineynaa dhinaceena inaan diyaar nahay. Soomaalina melena kalama tagi karto laakin haddii wax lakala tabto in la xalliyo waa lagama maarmaan” ayuu yiri madaxweyne Shariif. 26-kii Jun ee 1960 ayay gobollada Woqooyi ee dalka ka xoreebeen gumeystihii Ingiriiska, biriina waxaa bilaabanaya toddobaadka xornimada Soomaaliya, oo ay ku jiraan munaasabado badan, sida maalinta xornimada Jabuuti oo ah 27 Jun iyo maalmaha xorriyadda Soomaaliya oo kala ah, 26ka Jun iyo 1 Julay. http://radiomuqdisho.net/madaxweyne-shariif-oo-u-hambalyeeyay-shacabka-kana-hadlay-arrinta-soomaaliland/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted June 25, 2012 Soomaaliland Aliyah, baryahan maad isku so dhawateen. you are only 2 letters away. mise anaa mooday:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted June 25, 2012 Carafaat;845326 wrote: Aliyah , baryahan maad isku so dhawateen. you are only 2 letters away . mise anaa mooday:D :D:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aadan Jugle Posted June 26, 2012 Faruuro case should be looking for a job or file his Employment Insurence instead of wasting his 55 days in blather. Quote Share this post Link to post Share on other sites