Che -Guevara Posted June 25, 2012 Boqolaal Ciidammo Mareykanka ah oo la sheegay inay si qarsoodi ah uga howl-galaan Magaalada Muqdisho Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Boqolaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa loo geeyay Muqdisho si ay uga fuliyaan howlo qarsoodi ah, sida uu baahiyay Press TV oo laga leeyahay dalka Iiraan, ayna soo daabacday wakaaladda wararka Mareyanka ee AP. Telefishinka Iiraan laga leeyahay ayaa sheegay in ilo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay u xaqiijiyeen in 390-askari oo Mareykan ah ay ku sugan yihiin Muqdisho ayna labadii bilood ee lasoo dhaafay tababarro siinayeen ciidamada DKMG Soomaaliya. Sarkaal ka tirsan milateriga Soomaaliya oo lagu magacaabo, Cabdiwahaab Maxamed Cali ayaa Press TV u sheegay in ciidamada Mareykanka oo gaaraya 390-askair oo ay ku jiraan 38-sarkaal ay si qarsoodi ah kusoo gaareen Muqdisho iyagoo kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Ilo wareedyada telefishinku uu xiganayo ayaa waxay shegeen in ciidankan ay ka sameysteen Muqdisho xabsiyo qarsoodi ah, sidoo kalena ay askarta Soomaaliya ku duraan daroogo khatar ah. Sidoo kale, Press TV waxay sheegtay in warkan uu imaanayo xilli ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay duqeyn u geysteen deegaan ka tirsan ceelasha biyaha, ayna ku dileen 39-qof oo aan la sheegin waxay ahaayeen. Horraantii bishii Jannaayo ee sannadkan, ayay saraakiisha Aqalka Cad ee Maerykanka waxay sheegeen inay go'aansadeen inay weerarro qayb ka ah dagaalka lagula jiro argagaxisada ay ku qaadayaan Soomaaliya. Mareykanka ayaa wuxuu duqeymaha diyaaradaha aanay cidna wadin ka fuliyaan dalalka Bakistaan, Afgaanistaan, Yemen iyo Soomaaliya, iyagoo sheegaya inay bar-tilmaameedsanayaan goobo cayiman oo ay ku sugan yihiin islaamiyiinta xag-jirka ah. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted June 25, 2012 Intaan tiriyey aniga lee 100 kor waa u dhaafaayaan!. Xabsiga Nabadsugidda, iyagaa si caadi ah u maamula, mushaarkana bixiya!. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted June 25, 2012 ^It's safe to assume the CIA and military intelligence have presence there but 390 is big number-I guess more to come since AS leadership has price on its head. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted June 25, 2012 Muqdisho (RBC) Boqolaal ciidamada Mareekanka ayaa la sheegay in loo soo daabulay Soomaaliya, kuwaas oo hadda howlo sir ah ka wada caasimada Muqdisho, sida uu baahiyay TV-ga Iran ee Press TV Ugu yaraan 390-askari oo mareekan ah ayaa tababaro qarsoodi ah ku siinaya Muqdisho ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, labadii bilood ee la soo dhaafay sida laga soo xigtay ilo ka tirsan ciidamada military-ga Soomaaliya. Cabdi wahaab Maxamed Cali oo ka tirsan saraakiisha ciidamada military-ga Soomaaliya ayaa u sheegay Press in ugu yaraan 390 askari oo Mareykan ah oo ay ku jiraan 38 sarkaal sare ay qaab sir ah ku joogaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Wararka ayaa intaasi ku daraya in askarta Mareykanka ay ku lug leeyihiin hawlo isugu jira tababar ciidamada DKMG ah iyo arimo basaasnimo ah oo ka dhan ah kooxaha Islaamiga ee Al-Shababaab iyo Al-Qaacida. Saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale maamula xabsiyo sir ah oo la sheegay in dadka la soo qabto lagu xiro iyadoo uu jiro xiriuir aad u weyn oo ka dhexeeya sirdoonka DKMG ah ee loo yaqaano nabadsugida, waxaana Mareykanka uu hub, qalab iyo lacagba ku bixiyaa nabadsugida DKMG Soomaaliya ee la shaqeysa. http://www.raxanreeb.com/2012/06/xog-saraakiil-mareekan-ah-oo-ku-sugan-muqdisho/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted June 25, 2012 Che, don't worry. There will be another black hawk down movie, but this time it is a Somai one called: 'Waxaan dhuuso moodaa Xaar igu noqday'!. Quote Share this post Link to post Share on other sites
peasant Posted June 25, 2012 The origin of this news is highly questionable. Presstv! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted June 25, 2012 Maaddeey;844977 wrote: Intaan tiriyey aniga lee 100 kor waa u dhaafaayaan!. Xabsiga Nabadsugidda, iyagaa si caadi ah u maamula, mushaarkana bixiya!. lol....google earth maa ku xisaabisey? Mise adigoo Kismaayo jooga ayaad baaf ka aragtay? Yaab badanaa! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted June 25, 2012 ^^ Abkeey doolli diloow... Anoo sawirka Godane qaaday maan gaalo tiri weynaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Raamsade Posted June 25, 2012 peasant;844996 wrote: The origin of this news is highly questionable. Presstv! Indeed. PressTV is notorious for releasing fake news. I remember reading few months ago on Hiraan Online PressTV article claiming US drone strikes that killed a number of civilians (can't remember the exact figure). I scoured all other reliable news sites including many Somali ones and not one of them had any articles on this incident. Since then, I've been noticing PressTV's fake news stories on Somalia ... 20 Somalis died in a fighting the never occured; Ethiopia capturing a town it never did; Somali army killing and robbing civilians that never took place, so on and so forth. I would take anything PressTV says with a grain of salt. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 25, 2012 Where is General caydiid when you need him. Quote Share this post Link to post Share on other sites
burahadeer Posted June 26, 2012 God bless america. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted June 26, 2012 Abwaan;845001 wrote: lol....google earth maa ku xisaabisey? Mise adigoo Kismaayo jooga ayaad baaf ka aragtay? Yaab badanaa! loooooooooooooooooooooooooooooooooool Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted June 26, 2012 ^That's not really that funny...ciyaal camir kamu fiicana. Burahadeer...but you don't believe in God. Maddeey....Somalia can't afford any blackhawk down. Quote Share this post Link to post Share on other sites
burahadeer Posted June 26, 2012 go along on 4th july.. Quote Share this post Link to post Share on other sites