Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Parliament Debate Multi-Party Democracy In A Brutal Question Time. AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Baarlamaanka Puntland oo dood kulul ka yeeshay Xeerka lagu dhaqi doono xisbiyada Puntland[Dhagayso]

June 24, 2012 // Warar Somaali

 

Mudaneyaasha Baarlamaanka Puntland oo Kalfadhiga 28-aad uga socdo xaruntooda magaalada Garoowe ayaa maanta markii u horeysay dood ka yeeshay Xeerka Xisbiyadda Siyaasadeed oo ay soo gudbiyeen Guddiga doorashada Puntland.

 

Waxaa shir gudoominayay Kalfadhiga Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka iyadoo ay kasoo qaybgaleen inka badan 40-mudane,waxaana sidoo kale hor yimid Baarlamaanka Gudoomiyaha Guddiga doorashada Dr.Maxamed Xassan Barre (Shimbir-laaye) iyo xubnaha kale ee guddiga.

 

Xeerka laga doodayay ayaa lasoo gaarsiiyey Mudaneyaasha maalintii khamiista ee lasoo dhaafay iyadoo la siiyey fursad ay kusoo akhristaan kadibna wax la iska waydiiyo.

 

Xeerkaan ayaa wuxuu ahaa mid hore Xukuumadda Puntland loogu ceshay kadibna ay Dowladda hadda soo celisay iyadoo ay la socon codka loo yaqaano Vitowga (Veto) ay ku diiday,waxaana Guddiga doorashada wax laga waydiiyey sida ay ku dhacday taas iyadoo ay dhalisay muran iyo buuq badan.

 

Dood iyo muran badan kadib waxaa Golaha Wakiilada yimid Gudoomiyaha Baarlamaanka C/rashiid Maxamed Xirsi oo aan markii hore soo xaadirin saaka,waxaana markii dambe la isku afgartay in laga doodo qodobada kale ee uu xambaarsan yahay Xeerka taas oo ay mudaneyaasha si kale uga doodeen kadibna uu si rasmi ah u saxiixay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

 

Qodobada ugu xasaasiga badnaa ay ka doodeen mudaneyaasha oo ku jira xeerkaan isla markaana keenay buuqa badan ayaa ahaa in 5-kamid ah sideeda gobol ee Puntland laga furo Xisbiyadda Siyaasadeed,waxaana Xildhibaanada badankood muran ka keeneen qodobkaas iyagoo sheegay in loo baahan yahay dhamaan gobolada laga wada furo.

 

In 5-gobol keliya laga furo Xisbiyo Siyaasadeed ayaa micnaheedu ka dhigan tahay in gobolada Karkaar,Haylaan iyo Cayn aan wax xisbi ah laga furan karin,taasna ay kasoo horjeesteen mudaneyaal badan oo soo jeediyey in gobolada wada siman yihiin.

 

Dooda ku saabsan Xeerkaan ayaa maanta natiijo la’aan kusoo idlaaday,waxaana Gudoonka Baarlamaanka oo soo xiray Kalfadhiga sheegay in maalinta berri uu halkiisa kasii socon doono.

 

Dhagayso Dooda Baarlamaanku ka yeesheen xeerka xisbiyada Puntland

http://puntlandnews24.com/baarlamaanka-puntland-oo-dood-kulul-ka-yeeshay-xeerka-lagu-dhaqi-doono-xisbiyada-puntlanddhagayso/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Ansixinta xeerka ururada siyaasada Puntland

24 Jun 24, 2012 - 2:35:10 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta 24 June,2012 ansixiyey xeer lagu aqoonsanyo Ururada iyo tageerayaasha looga baahan yahay uruur kasta,taasoo laga dhigay in Ururku Gobol kasta uu ka helo Shan boqol oo qof oo tageerayaal ah.waxaana ansixiyey arintan 37-xildhibaan,halka tirada kelena ay u kala codeyeen in laga dhigo kun qof iyo saddex boqol.

 

Xeerkan maanta ka ansixiyey Ururada iyo taageerayaasha ay gobol kasta ka helayaan,waxaa u dhabada u xaaraya inay Puntland cagta saarto wadadii dimuqraadiyada,madaama geedi loogu jiro nidaamka axsaabta badan oo dalka u horseedaya doorashooyin madax banaan.

 

Ururadu samaysamaya,hawsha u taala waxay tahay inuu sideeda gobol ee Puntland uu ka helo 500,oo qof oo taageero ah.taasoo loogu aqoonsanyo Urur,hadduu taas ku guul daraysto uma gudbayo doorashada golaha deegaanka oo saddexda urur ee ugu sareeyaa aya noqon doonaan saddexda xisbi Puntland una carari doona doorashada baarlamaaniga ah iyo tan madaxtooyada.

 

Halkan ka dhageyso gudoomiyaha Barlamanka oo ku dhawaaqaya natiijada

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Ansixinta_xeerka_ururada_siyaasada_Puntland.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this