Positive Posted June 23, 2012 Waa taxanihii sheeko xariiradii Soomaalida iyo hayb-sooca. Sidii hore oo kale erayada calaamadsan micnahooda aan u gunda-degno oo micnayno. Mar kale iyo akhris wanaagsan. Aroos iyo alalaas Waqtigii markuu sii jiitamayba waxaa yaraaday xusuustii iyo hilowgii aannu u haynay degaankii aannu ka nimi. Waxaannu marba marka ka dambaysay la falgalnay dhaqankii cusbaa ee aannu u nimi isla markaasna waxaannu ku milanay dhinac kasta dadkii halkan joogay. Nimco, farxad, bash-bash iyo barwaaqo dhinac kasta ah oo aan hore noo soo marin ayaa noo ahaaday. Beryahan dambe anigu shir-shir iyo sheeko ayaan ku mashquulay. Calooshiis la ciyaar ayaan iska noqday oo adduunyoba meel ay marayso inaan ogaado iskuma hawlin. Wiilal iga da’ weyn ayaan raaci jiray oo gaar ahaan habeenkii markay hablaha la sheekaysanayaan ayaan wehelin jiray; gabdho aan gaar ula sheekaystaana way jireen; waxay ii sii macaanaan jirtay oo aan ilaawi jiray waqtiga iyo meesha aan jooga habeenkii marka iyadoo dhawaaqa jiriqaaga, kabajaaga iyo cayayaan kale intay dhawaaqa isku daraan aan u soo wareego gabar aannu sheekaysano buul-cawskeeda; kadibna intaan madaxa la soo galo kadinka beerkana dhulka dhigo aan hal-xiraale la galo; sida badan gabay iyo geeraarna ugu daro: Marka aan gabdhaha la haasaawayo waxaan isku hawli jiray in inantu ii aragto nin wax lagu darsan karo oo mustaqbal lala wadaagi karo. Gabarta quruxdeeda oo aan eego waxaa weheliyey oo ka muhimsanaa kaskeeda iyo kartideeda; xitaa waalidkeed, awoowayashii iyo ayeeyooyinkii ayaa la eegi jiray iyadoo la fili jiray inay inantu hidda-raaci karto. Iyaduna, geesinimo, deeqsinimo, codkar iyo dad-wadkayga ayey qiimayn jireen. Sidoo kale in aan garaad iyo garasho wanaagsan leeyahay ayey iga hubin jireen.Waa la i xujayn jiray haddii aan furi waayona liidasho ayey ahaan jirtay. Waqtigayagan ninka oo keli ahi ma xulan jirin gabarta ee gabartuna ninka way xulan jirtay. Wixii Ilaahay keeno waa meeshiisa laakiin waxan oo dhammi runtii guur-doon xaggayga kama ma ahayn sababtoo ah cimri dhexe ayuu raggu ku guursan jiray ee carbis buu ahaa aan u tababaranayey mustaqbalka iyo marka ay runta gaarto; gabdhahan oo isku eyni aannu ahayn waxay u badnayd inay hore u guursan doonaan maadama hablaha hore loo guursado. Hadal yaan kugu daline, i rumayso ama ha i rumaysan, ee sidii geed ay i saareen oo kale ayaan noqday waayo wax-qabad kaleba waan daayey. Xitaa waalashay Qalanjo waannu kala xiriir furanay; bili baxday bili tagtay ayaannu isarki jirnay. Mararkaan u tago iyadoo wax tolaysa ama samaynaysaa ayaan u tegi jiray; hadalkayaga iyo wada joogayaguba waa koobnaan jiray; dhinac kale markaan eegay waxaan arkay inay dhogor dhacsatay oo sii qurux badnaatay maalinba maalinta ka dambaysa; xaad gaduud ah ayaa gacmaha kaga dhigtay waxayna ku yeelatay qoorta cabaaryo; laafyaha markay soconaysona waxaad moodaysay haldhaa gu’ barwaaqo ah jooga; bilic aan boqol geel ah loogu geli karin ayey yeelatay. Ninka calaf Ilaah isugu daray inuu naag karti iyo qurux isku darsatay helay ayaa qalbigu i siiyey. Xange isagu ilayn waa nin hawli sugayso ee wuxuu isla markaannu wax yar joognay ku dhaqaaqay inuu safaro dheer u baxo oo keeno badeecooyin kala duwan oo ay ugu muhimsan yihiin dhar, sonkor, timir. Ilaa xeebaha bariga ee Marka iyo Baraawe ilaa marsada Seylac iyo inta u dhexeysa intuu bucshirooyinka ka soo iibiyo ayuu wareejin jiray iyagoo jimlo ah. Hadda oo aannu joognay muddo labo sano iyo bar ah muu noqon oo keliya nin magac ku leh deegaanka oo la xushmeeyo ee wuxuu noqday nin maal-qabeen ah oo hanti ballaaran leh. Awooddiisa dhaqaale waxay u sahashay inuu wax badan oo talo iyo taakulo ah ku biiriyey degaanka. Waayo-aragnimadiisii hore, hawlkarnimadii ay ku carbisay nooloshii adkayd ee uu soo maray iyo awooddan dhaqaale ee uu yeeshay waxay noqdeen dhiig cusub oo bari-taar u noqday isaga ka sokow dadka iyo degaankan uu ku soo biiray. Gurigiisa iyo golaha uu fadhiyo waxay noqdeen meel aan lagu kala bixin oo mudane iyo miskiin nasiino, soo dhown iyo ixtiraam lagu helo. Xiddig soo baxday oo aan calaacasha lagu qarin karin ayuu noqday. ( way sii socotaa qaybtan) Toosiye2 Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted June 24, 2012 Hey Positive, How Are You? Long Time Share this post Link to post Share on other sites
Positive Posted June 27, 2012 ( waa qaybtii sare oo sii socota) Intaas waxaa u dheer isagoo la aqal-galay Qalanjo! Muddo toddobo casho ahba dabaal-deg iyo damaashaad ayaa lagu jiray oo aroos ayey ahaayeen; maantana waa toddob-baxii. Sidaan arkay Xange oo inta badan la jooga Qalanjo wuxuu subaxdii u soo baxaa minjo-baxsi isaga oo ay weheliyaan wehelkiisa arooska (milxiis); wuxu ku biiraa rag kale oo kaftan iyo xifaaltan ku maaweeliya; tax-taxaash iyo tamashlayn door ah markuu sameeyo ayuu harkii u laabtaa marwadiisa. Inta uu maqan yahay aroosadda waxaa booqda dumar iyo gabdho ay ku jiraan Qalanjo hooyadeed iyo labo gabdhood oo aannu walaalo ka nahay xagga aabbe; waqtigaas looma ogolaado ragga inay booqdaan guriga arooska; markuu soo muuqdo Xange ayey dareeraan dumarku waxaana soo hara hablo toolmoon oo ay hormood u tahay wehelka (milxiis ) aroosaddu kuwaas oo had iyo goor si fir-fircoon ugu adeega lammaanaha. Toddobada casho ee ugu horeeya ee arooska dhaqan ahaan marka xoolaha la soo hooyo ayaa guriga arooska oo laga dhiso meel yara baxsan oo ka go’an guryaha kale la isugu yimaadaa halkaas oo lagu tunto ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo ay ka mid yihiin wiglada, batarka, dhaantada, seylicida, kabeebayda iyo kuwii kale oo la doorto. Goob la gaafay oo dhinac kasta aad looga qurxiyey ayey soo fariistaan arooska iyo aroosaddu halkaas oo dadka soo booqdaa ay ugu wehel-yeelaan kuna madadaaliyaan gabayo, geeraro iyo buraanbur lagu ammaanayo lammaanaha, waalidkood iyo guud ahaan qoyska ay ka soo jeedaan; iyagoo faraxsan ayaa marka dambe lammaanaha loo gelbiyaa aqalkooda iyadoo ay heereeraha kaga jiraan labadooda weheliye kuwaas oo kadinka aqalka uga soo hara: cunto iyo cabitaan loo sii dhigay iyo wixii Ilaahay isugu abuuray labka iyo dhidigga ayey ka hirqadaan habeenkaas oo dhan. Waan kaa soo sheeko dhaafay ee intaysan guri-gelin Xange wuxuu Qalanjo weydiistay reerkoodii. Aabbaheed ayuu u tegay isagoo wada labaatan halaad oo tobanna riman yihiin tobanna dhaleen oo tobankoodii nirgoodna ku lammaan yihiin; wuxuu waday oo kale toban awr oo ay ku rarnaayeen dhar, sonkor iyo timir; senge faras ah oo la soo xulay ayaa isagana la geeyey: Xange waxaa raacay oo weheliyey toban nin oo codkar ah iyo toban dhallinyaro ah oo ilaalinayey xoolah; ciidan gaashaamo iyo waramo sita oo difaacaana way raaceen. Aabbahay intay u tageen oo guddoonsiiyeen intaas oo gabaati ah ayey weydiisteen gacanta Qalanjo. Aabbahay kuma masuugin ee wuu u meheriyey isagoo qalbi furan iyo soo dhoweyn xushmad leh u muujiyey. Labo bilood kadibna Xange wuxuu geeyay yarad dhan boqol halaad, baarqab, bundaad dhar ah, sonkor iyo timir; markay intaasi dhacday ayaa reerkayagii soo rareen wixii qalanjo lagu dhisi lahaa iyo ciidanba. Dadka yimi waxa ka mid ahaa Qalanjo hooyadeed iyo labo gabdhood oo aannu walaalo nahay kuwaas oo la celiyey maalmo kadib markuu aroosku dhammaaday. Halkaas waxaa ka dhacay aroos iyo alalaas aan hore loo arag dibna loo maqal. Kal-gacal iyo jacayl marna dabkiisu aanu yaraan ayey ku nagaadeen oo ku naaloodeen Xange iyo walaashay abidkood intay wada noolaayeen; carruur badanna Ilaahay wuu kala siiyey; Xangena naag kale naa maxaad tahay ma oran ama tafteeda ma rogin. Dhammaad. Erayada aan calaamadiyey ayeynu ku baashaali doonnaa ee akhris wanaagsan mar labaad. Toosiye2 Share this post Link to post Share on other sites
Positive Posted June 28, 2012 Erayada hoos ku qorani waxay sheeko xariirada ugu jiraan sida aan midkasta ku hor qoray. falgal = isku qooshma; hal isku noqda. Calooshiis la ciyaar= hammi dheer aan lahayn; dayaca danihiisa (mar cunto hadduu helo). jiriqaa = nooc cayayaan ah ( magac ) kabajaa= nooc cayayaan ah ( magac ) hal-xiraale = su'aal(o) xujo ah oo qofka la weydiiyo laga sugo inuu furo/sheego. dad-wad= dad la socod; dulqaad badan. cimri dhexe = jira cimri u dhexeeya 35 - 45 sano. geed ay i saareen = i sixreen; wax ii qabteen. bili baxday bili tagtay = marmar; waqtiyo kala durugsan. dhogor dhacsatay = timo cusub u soo baxeen; barwaaqaysatay; nimco ka muuqato. kaga dhigtay = ka soo baxday. cabaaryo = qoorta baruur ku yeelatay; qoorta caatadii ka ba'day. laafyood= qaab socod oo dumarku ku xaragoodaan; haldhaa = gorayada nooca labka (ninka ) ah. bari-taar= sare u qaadis ( caawin ). lagu kala bixin= had iyo jeer la joogo; la gabran yahay; laga buuxo. toddob-bax.= toddobada casho ee ugu horeeya guri-galka markay dhammaato. toolmoon= firfircoon oo dheer-dheeraynaya; hawlkar ah oo wax maqli og. lammaanaha= xaaska; ninka iyo naagta is-qaba. wehel= la jooga; inuusan cidloon ka ilaaliya; milxiis/ milxiisad. nirgo = wadarta erayga 'nirig'. nirig= ilmahayar ee geela; canugga yar ee geela. senge= faraska midka lab (nin). gabaati = xoolo ay bixiyaan reerka wiilku marka gabar loo meheriyo. weydiisteen gacanta Qalanjo= codsaday in la siiyo; weydiistay in loo guuriyo. masuug= bakhayl; aan rabin inuu wax bixiyo ( qof ). alalaas = mashxarad naalood = ku farax; ku rayrayn. naa maxaad tahay = sheekaysi dumar dan guur awgeed. tafteeda ma rogin= ma guursan. Erayo kale oo aadan garan hadday jiraan waad soo gudbin kartaa. Toosiye2 Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted June 30, 2012 wax badan baa laga kororsanayaa qoraalkaaga jisa kallah mar walba nirgo wadar geella yar yar lab iyo dhadig Nirig(dhadig) Qurbac(labka) Nirig iyo qurbac = nirgo Share this post Link to post Share on other sites
Positive Posted July 1, 2012 gooni;846874 wrote: wax badan baa laga kororsanayaa qoraalkaaga jisa kallah mar walba nirgo wadar geella yar yar lab iyo dhadig Nirig(dhadig) Qurbac(labka) Nirig iyo qurbac = nirgo Waad mahadsan tahay Gooni, Sax baad noqon kartaa laakiin qurbac waxan moodayey neefka geela ah markuu dhasho ee aad u yar yahay in la yiraahdo. Markuu yara korona nirig' oo leh dhawaaq lab ama nirig oo leh dhawaaq dhiddig loogu yeero; markay wadar tahayna nirgo la isku yiraahdo. Tusaale waxaa la barbar dhigi karaa nayl' iyo nayl oo naylo wadarta noqda. Waxar' iyo waxar oo waxaro wadarta noqda iyo xitaa inan' iyo inan oo wadarta la yiraahdo carruur. F.G. Si aan u kala duwo erayada sare ku qoran kuwa labka ah , erayga dhammaadkiisa, fanax ( ' ) ayaan u yeelay si aan dhawaaqa dhiddigga uga sooco. Madaama qorista af-soomaaligu weli geedi tahay in sidaas loo kala saaro ayaa ila habboon. Toosiye2 Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted July 1, 2012 Sir,posative adaa mudan dhaqan yaqaan baad tahay laakiin ilaahay geel kuma raacin, miyaan waligaa lagugu dhiiri galin adoo kuray yara si aad geella u dhaqaalayso, waryaa hashaadii ma nirig bay dhashay mise qurbac?,mase maqashay hal qurbac labo jira wadata ayaa iga baxsatay, ama meel hebla kusoo arkay? Qurbucu waa labka yar ee geella markuu sadex sano dhaafana waa qaalin ilaa uu rati ka noqdo wax abaahiyi kara Nirig,dhadig yar oo mid u taagan maarkay korto ama sadex sano kor u dhaaftana qaallin, rimay noqon karta. Dhadigga geella waa ka qiimo badan yahay labka markay noqoto bixinta magta, xaalka, yaradka iwm. Nayl waa dhadigga yar ee idaha Wan waa markuu wayn yahay iyo markuu yaryahayba Naylo waa markay isku dhan yihiin oo yaryihiin ama barraar (Intaanan reer magaalka wax ku darsan sidaas bay ila ahayd macalin.) Share this post Link to post Share on other sites
Positive Posted July 1, 2012 Waa runta inta aan geel raacay waa yar tahay. Toosiye2 Share this post Link to post Share on other sites