Dr_Osman Posted June 23, 2012 Dekeda Bossaso oo la horumarinayo 23 Jun 23, 2012 - 6:55:29 AM GAROWE ONLINE Dekedda magaalada Bossaso ayaa lagu soo kordhiyey adeegyo cusub oo ka qayb-qaadanaysa shaqada Dekedda,waxaana xilligan laga hirgeliyey Saddex Albaab oo loo kala asteeyey Xoolaha,Gadiidka &Dadka iyadoona fududaynaysa shaqada habsami u socodkeeda maadama markii hore intuba hal meel oo qura ka wada geli jireen. Agaasimaha Dekedda Bossaso Cabdi Najiib Samatar Maxamed oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in Dekedda horumarinteedu ay bilaabantay 2011,wuxuuna xusay in hawlahan wasaaradda Dekedahu ay la kaashanayso wasaarado ay ka mid tahay Xanaanada Xoolaha iyo haya'da IOM. Dhinaca kele agaasimaha ayaa sheegay in mashaariic kele Dekeda lagu wado,waxaana ka mid ah qalab casriya oo dab damisa. Dhanka balaadhinta dekedda ayuu agaasimu sheegay in wax weyn laga qabtay welina ay socoto,waxaana ka mid in badda laga soo saaray dhamaan Atamyadii ku jiray iyo waxyaabihii ku qubtay,waxaa keloo la dheereyey moolka Dekedda,waxyaabah difaaca Dekeda darbigiida ayaa iyana la adkeey wxaana lagu xiray Goome ama tayuub. Xilligii Dekeda la sameeyey ayaa ugu danbaysay adeegyada lagu kordhiyey,iyadoo 2011 ilaa xilligan 19 mashruuc oo lagu horumarinayo ayaa laga fuliyey Dekedda Bossaso oo ah Isha Dhaqaalaha ugu badani ka soo galo Puntland. Halkan ka dhageyso maamulaha Dekeda Bosasso oo u waramaya Irbad http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Dekeda_Bossaso_oo_la_horumarinayo.shtml Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted June 23, 2012 Dhaqdhaqaaq ganacsi oo siweyn looga dareemayo dekedda magaalada Boosaaso June 23, 2012 // Warar Somaali Dekedda magaalada Boosaaso ayaa maalmahan waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ganacsi oo aad u xoogan, waxaa dekedda xiligaan kusoo xirtay maraakiib iyo doonyo tirro badan oo ay ku raranyihiin bagaash,raashiin iyo shidaal. Dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee laga daraameyo xilligaan dekedda ayaa la rumaysanyahay inuu yahay kii ugu xoogga badnaa ee in muddo ah laga dareemo gudaha dekedda. Wasiir kuxigeenka dekedaha,gaadiidka badda iyo la dagaalanka burcadbadeeda Puntland Abshir Saciid Saalax ayaa warbaahinta ugu sheegay xafiiskiisa Boosaaso mashquulka xiligaan ugu wayn ee ka jira dekedda Boosaaso inuu ugu wacanyahay gaadiid badeed kusii jeeday dekedda magaalada Muqdisho oo kusoo xirtay marsadda Boosaaso, kadib markii ay xirantay badda Indiya. Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay inay socoto qorshe lagu baneenayo dhismayaasha iyo goobaha kale ee ku dhow dekedda magaalada Boosaaso,iyadoona dekedda markii ugu horaysay laga hirgaliyay qalab lagu baaro aaladaha ay dadku wataan taasi oo qayb ka ah sugidda amaanka marsadda Boosaaso. PuntlandNews24 Xafiiska Wararka Boosaso. Quote Share this post Link to post Share on other sites