Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso Port Designated 19 Projects As Business Starts To Pick Up. PICS + Audio

Recommended Posts

Dr_Osman   

Dekeda Bossaso oo la horumarinayo

23 Jun 23, 2012 - 6:55:29 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Dekedda magaalada Bossaso ayaa lagu soo kordhiyey adeegyo cusub oo ka qayb-qaadanaysa shaqada Dekedda,waxaana xilligan laga hirgeliyey Saddex Albaab oo loo kala asteeyey Xoolaha,Gadiidka &Dadka iyadoona fududaynaysa shaqada habsami u socodkeeda maadama markii hore intuba hal meel oo qura ka wada geli jireen.

 

Agaasimaha Dekedda Bossaso Cabdi Najiib Samatar Maxamed oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in Dekedda horumarinteedu ay bilaabantay 2011,wuxuuna xusay in hawlahan wasaaradda Dekedahu ay la kaashanayso wasaarado ay ka mid tahay Xanaanada Xoolaha iyo haya'da IOM.

 

Dhinaca kele agaasimaha ayaa sheegay in mashaariic kele Dekeda lagu wado,waxaana ka mid ah qalab casriya oo dab damisa.

 

Dhanka balaadhinta dekedda ayuu agaasimu sheegay in wax weyn laga qabtay welina ay socoto,waxaana ka mid in badda laga soo saaray dhamaan Atamyadii ku jiray iyo waxyaabihii ku qubtay,waxaa keloo la dheereyey moolka Dekedda,waxyaabah difaaca Dekeda darbigiida ayaa iyana la adkeey wxaana lagu xiray Goome ama tayuub.

 

Xilligii Dekeda la sameeyey ayaa ugu danbaysay adeegyada lagu kordhiyey,iyadoo 2011 ilaa xilligan 19 mashruuc oo lagu horumarinayo ayaa laga fuliyey Dekedda Bossaso oo ah Isha Dhaqaalaha ugu badani ka soo galo Puntland.

 

Halkan ka dhageyso maamulaha Dekeda Bosasso oo u waramaya Irbad

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Dekeda_Bossaso_oo_la_horumarinayo.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Dhaqdhaqaaq ganacsi oo siweyn looga dareemayo dekedda magaalada Boosaaso

 

June 23, 2012 // Warar Somaali

 

Dekedda magaalada Boosaaso ayaa maalmahan waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ganacsi oo aad u xoogan, waxaa dekedda xiligaan kusoo xirtay maraakiib iyo doonyo tirro badan oo ay ku raranyihiin bagaash,raashiin iyo shidaal.

 

Dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee laga daraameyo xilligaan dekedda ayaa la rumaysanyahay inuu yahay kii ugu xoogga badnaa ee in muddo ah laga dareemo gudaha dekedda.

 

Wasiir kuxigeenka dekedaha,gaadiidka badda iyo la dagaalanka burcadbadeeda Puntland Abshir Saciid Saalax ayaa warbaahinta ugu sheegay xafiiskiisa Boosaaso mashquulka xiligaan ugu wayn ee ka jira dekedda Boosaaso inuu ugu wacanyahay gaadiid badeed kusii jeeday dekedda magaalada Muqdisho oo kusoo xirtay marsadda Boosaaso, kadib markii ay xirantay badda Indiya.

 

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay inay socoto qorshe lagu baneenayo dhismayaasha iyo goobaha kale ee ku dhow dekedda magaalada Boosaaso,iyadoona dekedda markii ugu horaysay laga hirgaliyay qalab lagu baaro aaladaha ay dadku wataan taasi oo qayb ka ah sugidda amaanka marsadda Boosaaso.

 

PuntlandNews24

Xafiiska Wararka

Boosaso.

 

17-630x472.jpg

24-630x472.jpg

33-630x472.jpg

64-630x472.jpg

111-630x472.jpg

71-630x472.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this