Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Fishery Union Open Office In Bossaso. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Daladda ganacsatada kaluunka Puntland oo xafiis Boosaaso ka furtay [sawiro]

 

Updated:- 4 hours ago| 0 Commnets

 

Dalladda ganacsatada kaluumaysiga ee Puntland ayaa markii ugu horeysey xafiis ka furtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Dalladan oo ay dhowaan dhistay rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntaland waxay xafiiskooda ka furteen gudaha xarunta wasaaradda ganacsiga iyo wershedaha ee gobolka Bari.

 

Munaasabadii xafiiskan xarigga looga jarayey waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin badan oo ay kamid ahaayeen wasiir ku-xigeenka amniga Cabdi Xareed, Gudoomiye ku-xigeenka gobolka Yuusuf Muumin, Gudoomiye ku-xigeenka Rugta Maxamed Caydiid Jaamac iyo xoghayaha guud ee Rugta Axmed Ciise Maxamuud (Fayte).

 

Waxaana ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha dallada kaluumaysiga Cali Mire Xuseen isagoo sheegay in xafiiskani uu yahay mid u furan dhamaan ganacstada kaluunka.

 

Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland Maxamed Caydiid Jaamac oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in furitaanka xafiiskan uu si aad ah usoo dhoweynayo.

 

Wuxuuna intaas ku daray in ay muhiim tahay in ganacsatadu ay midoobaan, rugta ganacsigana ay ka go’an tahay inay ku dadaasho sidii ay ganacsiga u horumarin lahayd.

 

Xafiiskan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laga furo magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Puntland, waxayna daladda ganacsatada kaluunku qayb ka tahay dalado dhowr ah oo ay rugta ganacsiga iyo wershadaha Puntland dhistay.

 

Horseed Media

 

Daladda-ganacstada-kaluunka-Puntland-9.j

Daladda-ganacstada-kaluunka-Puntland-1.j

Daladda-ganacstada-kaluunka-Puntland-4.j

Daladda-ganacstada-kaluunka-Puntland-5.j

Daladda-ganacstada-kaluunka-Puntland-7.j

Daladda-ganacstada-kaluunka-Puntland-10.

Daladda-ganacstada-kaluunka-Puntland-11.

Daladda-ganacstada-kaluunka-Puntland-13.

Daladda-ganacstada-kaluunka-Puntland-3.j

Daladda-ganacstada-kaluunka-Puntland-8.j

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this