Xaaji Xunjuf Posted June 23, 2012 Dawladda Soomaalida Itoobiya oo cafis u fidisay 43 nin oo muddo 8 bilood ku xidhnaa Jig-jiga June 23rd, 2012 Suldaan Xuseen X. Cabdi Cabdilaahi oo u mahad celiyay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Jig-jiga (Somaliland.Org)- Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya Md. Cabdi Maxamed Cumar, ayaa maanta cafis u fidiyay 43 nin oo muddo sideed bilood ah ku xidhnaa Jeelka Jig-jiga ka dib markii maxkamadda magaaladaasi ay ku riday xukun iskugu jiray 15 sano, 25 sano iyo xabsi daa’in. Iyadoo lagu eedeeyay inay u gurmanayeen mid ka mid ah laba beelood oo oodwadaag ah shaqaaqo iyo iska hor imaad ku dhex maray deegaanka Dacawalay ee deegaanka Soomaalidda Itoobiya. Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah salaadiinta beelaha deegaankaasi isla markaana ka mid ah madax-dhaqameedka beelaha Arab, ayaa shabakadda wararka ee Somaliland.Org u xaqiijiyay soo daynta dadkan. Waxaanu tilmaamay in dhammaantood xoriyadoodii loo soo celiyay ka dib markii uu madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya cafis madaxweyne u fidiyay. Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi ayaa u mahad celiyay madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar “Waxaan ku faraxsan nahay in dadkii ku xidhnaa jeelka Jigjiga ee ka soo jeeday beeshayda dhammaantood xoriyadoodii loo soo celiyay. Waxaanan madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya uga mahad celinayaa Talaabadda wanaagsan ee uu qaaday oo ah mid gacan ka geysanaysa nabad- ka dhex aslaaxda labada beelood ee wada degan,”ayuu yidhi Suldaan Xuseen X. Cabdi oo u waramayay shabakadda wararka ee Somaliland.Org. Suldaanku waxa kale oo uu u mahad celiyay waxgaradkii iyo cid kasta oo gacan ka geysatay soo daynta ragaasi. Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi iyo Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir ayaa labadii todobaad ee u dambeeyay baaqyo kala duwan warbaahinta u mariyay madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya oo ay ka dalbadeen in dadkan xidh-xidhan xoriyadooda loo soo celiyo. Salaadiintaasi waxay baaqyadoodaasi ku sheegeen inay madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar ay kala shaqayn doonaan nabadeynta deegaankaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
mahad yare Posted June 23, 2012 i hope your terrorist supporting enclave stays away from Mudane President Abdi Omar or else xabsi Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 23, 2012 ^^ Maxaad ka hadlaysa adeer? Quote Share this post Link to post Share on other sites
mahad yare Posted June 23, 2012 Xaaji Xunjuf;844464 wrote: ^^ Maxaad ka hadlaysa adeer? President Abdi Omar is a BOSS so tell your kin and enclave to know their place otherwise Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 23, 2012 Oke what ever you i have no time to argue Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted June 23, 2012 Let's Wait Till This Follows It's Relative Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted June 23, 2012 Xaaji Xunjuf;844466 wrote: Oke what ever you i have no time to argue WTF. Xaaji are you ok? :eek: Quote Share this post Link to post Share on other sites
mahad yare Posted June 23, 2012 Somalia;844503 wrote: WTF. Xaaji are you ok? :eek: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted June 23, 2012 Lol...XX refuses to discuss topics with King! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted June 26, 2012 Sorry I just had to post this due to its hilarity. Waan Cafiyay Reer Baadiyihii Isaaqa Ee Jig-Jiga Ku Xirnaa Mudada 8-Bilood:Madaxweyne Cabdi-Ileey Oo Cafis Fidiyay Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya Cabdi-Ileey, ayaa maanta cafis u fidiyay 43 nin oo muddo sideed bilood ah ku xidhnaa Jeelka Jig-jiga ka dib markii maxkamadda magaaladaasi ay ku riday xukun iskugu jiray 15 sano, 25 sano iyo xabsi daa’in. Iyadoo lagu eedeeyay inay u gurmanayeen mid ka mid ah laba beelood oo oodwadaag ah shaqaaqo iyo iska hor imaad ku dhex maray deegaanka Dacawalay ee deegaanka Soomaalidda Itoobiya. Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah salaadiinta beelaha deegaankaasi isla markaana ka mid ah madax-dhaqameedka beelaha Arab, ayaa Shacabkamedia u xaqiijiyay soo daynta dadkan. Waxaanu tilmaamay in dhammaantood xoriyadoodii loo soo celiyay ka dib markii uu madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya cafis madaxweyne u fidiyay. Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi ayaa u mahad celiyay madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar “Waxaan ku faraxsan nahay in dadkii ku xidhnaa jeelka Jigjiga ee ka soo jeeday beeshayda dhammaantood xoriyadoodii loo soo celiyay. Waxaanan madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya uga mahad celinayaa Talaabadda wanaagsan ee uu qaaday oo ah mid gacan ka geysanaysa nabad- ka dhex aslaaxda labada beelood ee wada degan,”ayuu yidhi Suldaan Xuseen X. Cabdi oo u waramayay shabakadda wararka ee Somaliland.Org. Suldaanku waxa kale oo uu u mahad celiyay waxgaradkii iyo cid kasta oo gacan ka geysatay soo daynta ragaasi. Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi iyo Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir ayaa labadii todobaad ee u dambeeyay baaqyo kala duwan warbaahinta u mariyay madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya oo ay ka dalbadeen in dadkan xidh-xidhan xoriyadooda loo soo celiyo. Salaadiintaasi waxay baaqyadoodaasi ku sheegeen inay madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar ay kala shaqayn doonaan nabadeynta deegaankaasi Quote Share this post Link to post Share on other sites