Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ethiopia releases 43 innocent nomads

Recommended Posts

Dawladda Soomaalida Itoobiya oo cafis u fidisay 43 nin oo muddo 8 bilood ku xidhnaa Jig-jiga

June 23rd, 2012

 

Suldaan Xuseen X. Cabdi Cabdilaahi oo u mahad celiyay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

 

Jig-jiga (Somaliland.Org)- Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya Md. Cabdi Maxamed Cumar, ayaa maanta cafis u fidiyay 43 nin oo muddo sideed bilood ah ku xidhnaa Jeelka Jig-jiga ka dib markii maxkamadda magaaladaasi ay ku riday xukun iskugu jiray 15 sano, 25 sano iyo xabsi daa’in. Iyadoo lagu eedeeyay inay u gurmanayeen mid ka mid ah laba beelood oo oodwadaag ah shaqaaqo iyo iska hor imaad ku dhex maray deegaanka Dacawalay ee deegaanka Soomaalidda Itoobiya.

 

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah salaadiinta beelaha deegaankaasi isla markaana ka mid ah madax-dhaqameedka beelaha Arab, ayaa shabakadda wararka ee Somaliland.Org u xaqiijiyay soo daynta dadkan. Waxaanu tilmaamay in dhammaantood xoriyadoodii loo soo celiyay ka dib markii uu madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya cafis madaxweyne u fidiyay.

 

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi ayaa u mahad celiyay madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar “Waxaan ku faraxsan nahay in dadkii ku xidhnaa jeelka Jigjiga ee ka soo jeeday beeshayda dhammaantood xoriyadoodii loo soo celiyay. Waxaanan madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya uga mahad celinayaa Talaabadda wanaagsan ee uu qaaday oo ah mid gacan ka geysanaysa nabad- ka dhex aslaaxda labada beelood ee wada degan,”ayuu yidhi Suldaan Xuseen X. Cabdi oo u waramayay shabakadda wararka ee Somaliland.Org.

 

Suldaanku waxa kale oo uu u mahad celiyay waxgaradkii iyo cid kasta oo gacan ka geysatay soo daynta ragaasi.

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi iyo Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir ayaa labadii todobaad ee u dambeeyay baaqyo kala duwan warbaahinta u mariyay madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya oo ay ka dalbadeen in dadkan xidh-xidhan xoriyadooda loo soo celiyo.

 

Salaadiintaasi waxay baaqyadoodaasi ku sheegeen inay madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar ay kala shaqayn doonaan nabadeynta deegaankaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;844464 wrote:
^^ Maxaad ka hadlaysa adeer?

President Abdi Omar is a BOSS so tell your kin and enclave to know their place otherwise :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Sorry I just had to post this due to its hilarity. :D

 

Waan Cafiyay Reer Baadiyihii Isaaqa Ee Jig-Jiga Ku Xirnaa Mudada 8-Bilood:Madaxweyne Cabdi-Ileey Oo Cafis Fidiyay

 

cabdi-iley.jpg

 

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya Cabdi-Ileey, ayaa maanta cafis u fidiyay 43 nin oo muddo sideed bilood ah ku xidhnaa Jeelka Jig-jiga ka dib markii maxkamadda magaaladaasi ay ku riday xukun iskugu jiray 15 sano, 25 sano iyo xabsi daa’in. Iyadoo lagu eedeeyay inay u gurmanayeen mid ka mid ah laba beelood oo oodwadaag ah shaqaaqo iyo iska hor imaad ku dhex maray deegaanka Dacawalay ee deegaanka Soomaalidda Itoobiya.

 

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah salaadiinta beelaha deegaankaasi isla markaana ka mid ah madax-dhaqameedka beelaha Arab, ayaa Shacabkamedia u xaqiijiyay soo daynta dadkan. Waxaanu tilmaamay in dhammaantood xoriyadoodii loo soo celiyay ka dib markii uu madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya cafis madaxweyne u fidiyay.

 

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi ayaa u mahad celiyay madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar “Waxaan ku faraxsan nahay in dadkii ku xidhnaa jeelka Jigjiga ee ka soo jeeday beeshayda dhammaantood xoriyadoodii loo soo celiyay. Waxaanan madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya uga mahad celinayaa Talaabadda wanaagsan ee uu qaaday oo ah mid gacan ka geysanaysa nabad- ka dhex aslaaxda labada beelood ee wada degan,”ayuu yidhi Suldaan Xuseen X. Cabdi oo u waramayay shabakadda wararka ee Somaliland.Org.

Suldaanku waxa kale oo uu u mahad celiyay waxgaradkii iyo cid kasta oo gacan ka geysatay soo daynta ragaasi.

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi iyo Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir ayaa labadii todobaad ee u dambeeyay baaqyo kala duwan warbaahinta u mariyay madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya oo ay ka dalbadeen in dadkan xidh-xidhan xoriyadooda loo soo celiyo.

Salaadiintaasi waxay baaqyadoodaasi ku sheegeen inay madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar ay kala shaqayn doonaan nabadeynta deegaankaasi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this