Xaaji Xunjuf Posted June 22, 2012 Sarkaal ka tirsan Al Shabaab oo isku dhiibay dowladda KMG SHABELLE MEDIA NETWORK JUNE 22, 2012 Afgooye: (Sh. M. Network) Maamulka gobolka Sh/hoose ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in uu is ku soo dhiibay sarkaal sare oo katirsan Ururka Al Shabaab. Guddoomiye Kuxigeenka dhanka Ammanka ee maamulka gobolka Sh/hoose Axmed Cumar Max’ed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in maanta sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab uu is ku soo dhiibay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta deegaanada loo barakacay iyo degmada Afgooye ee gobolkaasi. Axmed Cumar Max’ed waxa uu intaasi ku daray in ay jiraan saraakiil kale oo ka tirsan Al Shabaab oo isku soo dhiibay maamulka dowladda KMG Soomaaliya ee degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiye Kuxigeenka dhanka Ammanka ee gobolka Sh/hoose waxa uu tilmamay in qorshahoodu uu yahay in ay qaranka Soomaaliyeed ay difaacaan, islamarkaana ay ciidamada qalabka sida ee gobolka Sh/hoose ku sugan ay diyaar u yihiin in ay sugaan Ammanka gobolka oo dhan. Quote Share this post Link to post Share on other sites