Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Breakingnews TFG and Amisom forces capture ceelmacaan in the southern shabelle region

Recommended Posts

DEGDEG:Ciidamada Dowlada iyo Amisom oo lawareegay deegaanka Ceelmacaan iyo deegaano kale oo katirsan Sh/dhexe

22. juni 2012

 

allpuntland

 

 

Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya iyo Kuwa Amisom ayaa goordhow waxaa ay lawareegeen Deegaano Muhiim u ahaa Al-shabaab oo katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Ciidamada Huwanta ah ayaa si rasmi ah gacanta ugu dhigay Dekeda Ceelmacaan oo ahayd Meelihii ugu Muhiimsanaa ee Maanta Ciidamada ay lawareegeen.

 

Sidoo kale Ciidamada ayaa maanta waxaa kale oo dagaal ay kula wareegeen deegaano kale oo katirsan Gobolka Shabeelaha dhexe oo ay kujiraan Garoonka Diyaaradaha Casileey iyo Ceelcade oo ah deegaano la siman Degmada balcad.

 

Lama Xaqiijin qasaaraha Dagaalka oo mudo kooban Socday waxaana saacado kadib faarujiyay deeganadaas Ciidamada Ururka Al-shabaab,iyadoo haatan lagu soo waramayo in Fariisimo ay kaqoteen halkaas Ciidamada Amisom iyo dowlada.

 

Maalmihii udambeeyay Ciidamada Huwanta ah ayaa kudurqayay deegaano katirsan Shabeelaha Dhexe iyagoo doonaya in ugu yaraan Al-shabaab ay kaxirtaan Difaac adag oo uu ugu qorshaysan yahay inay kadhigtaan Degmada Balcad oo Gobolka Shabeelaha Dhexe katirsan.

 

Ciidamada Huwanta ah ayaa Al-shabaab laba dhinac weerar ugu furay qayb waxaa ay joogeen Wadada tooska u gasha Balcad ee kabaxda Suuqa xoolaha halka kuwa kalana ay maanta ay kawareegteen dhanka Xeebta sidaasna ay ku qabsadeen deegaanadaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this