Sign in to follow this  
Carafaat

Somalia and Somaliland talks means the end of all clan states!!!

Recommended Posts

Carafaat   

Somaliland oo Dhabeysay in Somali uu Wadahadli Karta Somaliland (Waqooyi) iyo Somalia (Koonfur) oo Keliya Hawadana Raacisay Maamul Goboleedyadi Qabylaada Ku Dhisna.

 

http://hadhwanaagmedia.info/detail.aspx?id=69611

 

Waxaan Halkan Ka Salaamaya Saxaafada Somaliland aniga oo Maanta Ka Hadlaya Wadahadalada Somaliland iyo somalia ee Ka dhacay London. Waxa Tariikhda 21 Sano si Rasmi ah isko soo Horfadhiistay Labada Dal ee Somaliland iyo somalia Wadahadalo Lagaga Tashanayo Arrimaha Mustaqbalka ee Geeska Africa, Iyado Arrimahaasi ay ka Mid ahaayen Nabadgelyaada Labada Dal iyo Horumarka, iyo Kala Go´a Labada Dal oo ajanndaha weli lagu soo darin Laakin, ay tahay Qodobadada Dambe ee la isla soo Hadal qaadi doono.

 

 

INkasto uu shirkani Guul uu aha Ummada Somaliyeed dhamaanteed oo ay ahayd Laga Maarman in Labada Dal ee Kala Go´ay ay marki uu Horeysay Isku soo Horfadhiistan Miis kuna wada Hadlaan si Dimplomaasiyadeed.

 

Jamhuuriyada Somaliland aya Hore uu sheegtay Inay Iyago Midwogi somalia ay Hormood iyago ka ahaayen, aahyna Dalki Lagu Hor aqoonsaday 26june 1960, halka Dalka Somalia ay Xaroowday 1july1960, iyado Markaas Dalka Somaliland oo waagas aqoonsi ka Haystay 36 dal ee Dunida Caalamka, aya haddana si walaaltinimo ku jirto iyo wadaniyadi iyo weliba somalinimo ay Kula Midoobeen walaalahooda Koonfur ee somalia.

 

Somaliland oo dhibaato Badan kala Kulantay Midowgaas, aya Dagaalo iyo Burbur hanti iyo Naf´ba Loo geystay ka Bacdi kaga arrinsatay inay la soo Noqoto Goni Isu Taagoodi, iyado Ku Guuleysatay Haddana Dhisnayd Muddo 21 Sano iyado waxi Dal Madax Banaan oo dhan laga Rabay Ku Guuleysatay

 

Waxa Jirta Iyana inay Maamul Goboleedyo Ku dhisan Qabyaalad Laga Sameeyay Dalka Koonfurta ee Somalia, iyago Ula Kala Baxay Puntland, Galmudug, Hiran land iyo Al-shabaab Land Iyago Mar Kasta Maamuladan Lugaha Haysan Jireen Somaliland iyago Marka Hore Ba Loo Abuuray Naceyb Laga Qabay In Somaliland Gooni isutaagto, Si kastaba ha ahaate, Waxa Hadda Aduunka Caalamka iyo Ummada Somaliyeed Loo kala Cadeeyay Inay Somaliland Tahay Dalki ay 1960 isko Biiren Ummada Somaliyeed ee Koonfurta, Maantana ay dib ula Noqdeen Gooni istaageedi Dal Gooni ka ah Somalia´yna ay Tahay, ana Mid ahayn Maamul Goboleedyada Qabyaalada Ku suntan ee Loo abuuray Xaasidnimda iyo Lug ka Laaladka Somaliland.

 

 

Xukummada Axmed Silaanyo oo Wada Tashi Badan La Sameysay Ummada Dalkeedi Ku Nool aya La Isla Qaatay In Somalia Lala galo wada Hadal iyado Wada Hadalkaasi

ka Dhaxeeyo Somalia iyo Somaliland, Marki ay Maamulgoboleedyo Ka socda somali´yana ay soo Galeen, waati somaliland si cad ugu sheegtay inaaney Somaliland la gelayn wax wada hadal ah.

 

Waxa Guul Horta ah ino Dalka Koonfurta ee Somalia Fahmay inay Somaliland tahay Dal Gooni ah, Loona wada Hadlayo ( Somaliland (Waqooyi) iyo Somalia (Koonfur) Inta Taas la isla Qirsanyahayna waa La wada Hadli Kara waana La is Fahmi kara, waxaanan Leenahay Shacbiga Koonfurta Somaliyeed Ixtraama Inay Somaliland Tahay Independent Nation!

 

 

Guul iyo Gobanimo Somaliland

 

Jaamac C/Laahi Biime

 

London

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this