Xaaji Xunjuf Posted June 23, 2012 Abwaan;844556 wrote: XX....taariikhdu pick and choose ma ahan ee waa as a whole, Reer Waqooyi burburka Soomaaliya wax waa ku lahaayeen, period. Dawladi dhexe markay meesha ka baxday hanaanki dawladnimo xamar wa ka jiray safaradihi xerooyinka dawlada wasaaradihi, Dawlad dhexe markay meesha ka baxdo cid uun ba buuxisa meesha Abwaanow marka warlordska iyo kala ququbka iyo kala socodka Somalia iyo beeleysiga waxa keeney abwaanow reer Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted June 23, 2012 Lol...XX adeerkaa Cumar Carte soo dowladdii hore ma beddelin isna ciidankii Soomaaliyeed kuma dhihin hubka ciddayda u dhiiba? Taariikhdaas maka booddey, Warlordsku wax way burburiyeen, balse burbur ma billaabin, dowladdii jirtey lafteedii baa billawday, iyo qabiillo xukunka rabey inay ka tuurtaan, in Alle intii siyaasad soo gashay oo kuwa danaysteyaasha ah u horreeyaan sida Carte, Cigaal, Buubaa, oo Waqooyi ka soo jeedaa xitaa ku jiraan burburka wax bay ku lahaayeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 23, 2012 Abwaan Cumar carte Qaalib wa nin Somaliland u dhashay inkasto u ku dhashay cadan laakin wuxu aha nin aha hadhaagi Afweyne oo meesha waxa kagatagay dawladi hore markay waxay ahayd shaqadi USC inay dee meesha ka saaraan. Marka Cumar carte Qaalib nin meesha dhex fadhiyey bu aha ma nin talo ka go'oda baa Meesha runta wax ka sheeg Cali Mahdi iyo general caydiid ba isu tanasuli kari wayey.Ina Cigaal Dawladisi waxay dhacday 1969 wa intanay kacaanku dhalan. Buubana dee wa iska buuba ma kaasaad hada naf ka daydey ma iman kara Somaliland dadka iska soo tarxiila wa halki dalabay walaxan wax nugu so kordhiyaan ma jirto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 23, 2012 Somalia;844558 wrote: Xaaji, Abwaan is right, you overthrew the government and left the rest of Somalis to pick up the pieces. This was highly unprofessional and to be honest very bad! Somalilanders did their part helped overthrew the former government but its not their fault that Somalia is divided along tribal lines today,Somalilanders are not responsible for the failure of Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted June 23, 2012 Loool...Buubaana waa iska Buubaa....Maxaa loo tarxiilayaa waa nin Soomaaliyeed, siyaasaddiisu haba iska khaldanaato oo daneyste ahaado laakiin keligiis ma ahan waxaan u soo qaatay inaan ku tuso inaad Koofurta wax ka burburiseen, haddana qayb ka tihiin dhibka ka socda. Fiiri Godane, Afghani iyo qaar kaloo badan. Raggu waa Soomaali taas looma diiddana haddana waa reer Waqooyi, Bal Sifir fiiri, Cismaan Kallun, Abdirahman Tuur AUN, Caydiid Ilkaxanaf, meeshan Koofurta dhibkeeda 1/3 baad ka tihiin annagaad nagu ciyaarasaan. Bal aayo edna xitaa fiiri! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 24, 2012 Abwaan shakhsiyaaad baad ka hadlaysa anay talo ka go'in Buubaa haday talo Ka Go'odo Muxu Somaliland u tagi wayey, wa nin shakhsi ah oo Somalia jooga Abwaan waxanu ka hadlayna cidi ay taladu ka Go'odo. Eeg adigu shakhsiyad baad ka hadlaysa aniguguna waxan ka hadlaya dad buuxda Maanta hadaad tarxiili kartid Buubaa iyo kaluun dee sidu ba ku qasi kara caqli ba maha hadu Buuba ku qasay muxu meesha ku jooga taasina wa suaal? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted June 24, 2012 Caano_Geel;844536 wrote: Dadkan cuqdad baa dilaysa, waxay ka xun yihiin horumarka Somaliland, iyon sida dadkeedu u tashadeen. Cuqdad hadii cid qabto waa beshaada. Maxa laascaanod iyo buuhodle ka yaala??? marna intaad tageertaan xaqdarada beshiinu wadaaan, marna ha iska dhigina in meel la idinka dhacay..horumar hadaad leedahay aduu isku koob. Beelaha kale dhulkooda haku soo xad gudbina oo khasab ha isku dayina in aad ku qabsataan. Waxa khasab la dhoho aduunka ma shaqeenayo, beel walbana dad baa u dhashay oo u halgamaya. Ilaahay somaali dhul buu kala siiyey, beel walba dhulkeeda wey taqaana xaq uma leh beelkale in ay ku qabsadaan. Siibaa beel rabta in ay somaalida kale ka go'do oo ku doodasa xaq baan u leeyahay in aan go'o? oo hadaad xaq u leedahay in aad go'did? belaha kaleba soo xaq uma laha in ay tashadaan. Dadka somaliland waxa tidhi way tashadeen? haday tashadeen ha u tashadaan beshooda iyo mustaqbalkooda. Ma beela kale bay u tashadeen? cajiib! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted June 28, 2012 Natiijada kulankii Dubai+Shariifkoo guulaystay iyo Siilanyo sidii kal hore guuldaro xanbaartey! Written by Qaran news Jun 28, 2012 at 05:25 PM Dubai,(Qarannews)- Kulankii madaxweyne Siilaanyo iyo madaxweyne Sheikh Shariif markii u horeysay yeesheen oo ku qabsoomay Dubai (UAE) ayaa laga soo saaray war murtiyeed qoraala aan wax xikmad ahi ku ladhnayan ama laga dhadhansan karin qadiyada madaxbanaanida Somaliland iyo dood la xidhiidha toona, sidoo kale ayaaney war-murtiyeedka ka muuqan ballanqaad,wax lays weydiistay labada dhinac iyo wax laysku diiday midna. Qoraalkan loogu yeedhay war murtiyeedkii shirka Sheikh Shariif iyo Siilaanyo oo ka kooban afar qodob ayaa nuxurkiisu ku soo ururay sidii wadahdalada u dhexeeya Somaliya iyo Somaliland loo sii wadi lahaa ama loo sii ambaqaadi lahaa ,waxaanu u dhigan yahay sidan:- 1- Wadahadaladii dhexmaray Shariifka iyo Siilaanyo waxaa martigelisay UAE. 2- Shariifka iyo siilaanyo waxay ka wada hadleen sidii loo sii anbaqaadi lahaa go'aamadii ka soo baxay shirkii London (Chevening House). 3- Shariifka iyo Siilaanyo waxay isku raaceen si xidhiidhka u dhexeeya labadooda maamul taabagal u noqdo in wixii ka soo baxay wadahadaladii labada ergo London ku yeesheen la sii wadwado. 4-iyo qodobka kale oo aan wax xikmadi ka muuqan balse sheegaaya in iyadoo laga duulaayo shirarkii London iyo Isatnbuul bulshada caalamkana laga dalbaday inay taageero la garab istaagto wadahadalo dhexmara maamulada Somaliya & Somaliland maanta 28 June 2012 la kala saxeexday heshiiskan. Waxaan maqli jiray odhaah ama xikmad carbeed oo tidhaahda "Carabi waxay ku heshiisay inaaney weligeed heshiin" anigana war murtiyeedkani wuxuu ila dhadhamayaa markaan dhan kasta u rogay in " maamulada Somaliland iyo Somaliya ee Shariifka iyo Siilaanyo gadhwadeenka ka yihiin ku heshiiyeen inay weligood wadahadlaan uun waxbana wadahadalkooda ka soo bixin.Taas waxaan uga jeedaa ugu yaraanba laba jeer ayey labada maamul isa soo hor fadhiisteen labadii goorba waxa loo soo malmaluuqay erayo ingiriisiya balse xikmad dadka loo gudbiyaa ku jirin taas macnaheedu waxaa weeye way wada hadleen-khalas. Dhinaca kale waxaa meesha ku kashifmey oday Siilaanyo oo intuu sii socday ilaa Berbera ku tasbiixsanaayey gooni isutaga Somaliland waa lama taabtaan ee bulshoweyntana dhegaha ugu sii riday fariin culus iyo balanqaad ah inuu miiska wadahadalada dhigaayo qadiyada madaxbanaanida somaliland haddii allaba nabadgeeyo Imaraadka balse tiina wey ka hoostay odayga oo markuu Augustiina Mahiiga arkay ayuu qadhqadhay oo lacag iyo xaqul qalin xasuustay oo qarankii dhamaa uu madaxweynaha u ahaa iyo qadiyadii gooni iustaagab ilaabay. Isku soo wada duuboo waxaa meesha guul kala baqoolay Sheikh Shariif oo helay qodob mihiima oo wax ka taraaya ololuhu ugu jiro kursiga madaxtooyada Somaliya oo ah inuu yahay ninkii Siilaanyo iyo xertiisaba miiska wadahadlka soo fadhiisiyey laba jeer ee ay ku dhici waayeen inay miiska soo dhigaan wax la yidhaahdo gooni-isutag ama go'is ay somaliya ka go'een. Waxaa kaloo shariifka u banaan inuu ku faano inuu yahay ninka keliya ee mar kale Siilaanyo miiska keeni kara, kana saxeexi kara in midnimada Somaliya lama taabtaan tahay. wuxuuna gacanta midig ku haystaa labadii war murtiyeedka kii CHEVENING HOUSE iyo kii DUBAI oo aanu ku jirin qodob ka hadlaaya gooni isutaaga somaliland. Qarannews Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 28, 2012 Aaaliyaah wali wax lugu guuleystey ama laga guuleystey wali manu arkin did you read afarta qodob:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted June 28, 2012 Abwaan, dont worry. Your clan is not the only moryaan. Xaaji, we both know what your tol did in Hargeysa, and my did in Berbera. All Somalis have Moryaan tendencies. Abwaan are the only "olympic" gold winners in Moryanism though. just joking adeer. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted June 29, 2012 "Shacabka Somaliland Waa Inayan Isku Dhejin Rabitaanka Inay Gooni Noqdaan" Shiikh Shariif Lasanod Online. Friday, June 29, 2012 Dubai,(lasanod Online)- Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, ayaa ka hadlay kulankii shalay uu la qaatay Axmed Siilaanyo. Madaxweyne Shariif oo xalay ka qeybgalay xaflad ay jaaliyada Soomaalida ku qabtay magaalada Dubai ee dalka imaaradka carabta, ayaa sheegay in kulankaas uu ahaa mid ah guul u ah immadda Soomaaliyeed, maadama uu hoosta ka xariiqay in ay la isku afgartay dhamaan qodobada lagu heshiiyay. Madaxweynahu wuxuu yiri ” Waxa aan ugu baaqayaa bulshada ku nool Somaliland in aysan isku dhejin rabitaankooda ah gooni u goosadka, maxaa yeelay dowladda KMG ah waxa ay diyaar u tahay xallinta waxa ay tabanayaan dadka ku nool waqooyi galbeed, Waxa aan dooneynaa in aad ka qeybqaadataan wadahadalada dhexmaraya Somaliland iyo Soomaaliya si aan u soo celino Soomaali weyn” Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan xalay magaalada Dubai ee waddanka Isku tagga Imaaraadka Carabta uu kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool waddankaas. Wuxuu u sheegay madaxweynahu in dhawaan magaalada Muqdisho uu ka billaabmi doono shirka ansixinta dastuurka, wuxuuna xusay in shirkaas kaddib ergada ay soo xuli doonaan baarlamaanka cusub, dalkana ka dhici doono doorashooyinka madaxtinnimada oo lagu wado in ay dhacdo 20-ka bisha August iyo wixii ka dambeeya. Dhanka kalena waxaa maanta Dubai shir albaabadu u xidhinyihiin oo loo diiday saxaafada wada galay Shiikh Shariif iyo Siilaanyo, shirkaas oo la sheegay in lagaga wada hadlayey sii xoojinta qodobadii shalay lasla qaatay. Quote Share this post Link to post Share on other sites