Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Road map crisis in Nairobi Faroole and Gaas on one side and Sh sharif left the conference

Recommended Posts

DEGDEG: Shariif oo shirka ka carooday,Faroole iyo Gaas oo kasoo horjeestay’iyo Shirkii oo Xaalkiisa Allow sahal Noqday

21. juni 2012

 

allpuntland

 

Shirkii lexda Saxiixayaasha oo qilaaf uu hareeyay iyo Madaxwayne Shariif oo diiday Nuqul laysku raacay.

 

Warar hordhac oo kasoo baxayo Shirka kasoconaya Dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in Shirka maanta uu qilaaf wayn uu hareeyay lexda Saxiixayaasha ee shirka ugu soconaya Nairobi.

 

Qobada laysku dhaafi la’yahay ayaa waxaa kamid ah Noqulo laba ah oo ay kala wataan Madaxda Maamulada iyo Dowlada.

 

Madaxwaynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmad ayay arinta meelxun kagaartay kadib markii uu sicad ugu sooo horjeestay Nuqul Cusub oo dastuurka ah’ oo qaarkamid ah Lexda saxiixayaash ay tageereen.

 

Ra’iisulwasaare Cabdi Wali Maxamad Cali gaas,Madaxwayne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh jabriil ayaa tageeray in laqaato Nuqulka Cusub halka Shariifna uu warkaas gaashaanka kudhuftay.

 

Warar hoose ayaa sheegaya in shirka madaxwaynaha Soomaaliya uu kacarooday ,oo uu uqaatay in isaga lagu wada goobanayo.

 

Wakiilada kusugan Shirka ayaa kadhaa dhinacanaya in Lexda Saxiixayaasha in labada Qodob oo uu midna madaxwaynaha taageerayo kakalana ay tageerayaan Gaas’faroole’iyo C/raxmaan Xoosh Jabriil in laqaato mid kamid ah si looga gudbo qilaafka.

 

Shirkaan Dalka Kenya ugu soconaya Saxiixayasha Roadmap-ka ayaa lagu waday in lasoo gaba gabeeyo maanta lakiin warar ayaa sheegaya in beri uu udhacay xiritaankiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this