Sign in to follow this  
Saalax

Bilowga Wada Hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Guuldaraystay

Recommended Posts

Saalax   

Bilowga Wada Hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Guuldaraystay Iyo Wufuud Labada Dhinac London Ka Soo Duulaya Maalinta Sabtida Ah.

 

London (Ramaas) June, 21, 2012- Wararka ka imanaya Magaalada London ee dalka Britain, ayaa sheegaya in shirkii uga bilaabmay ergooyinka ka socday Soomaaliya iyo Somaliland ee ka furmay duleedka Bari ee Magaaldaas aan wax natiijo ah weli laga gaadhin.

 

 

 

Inkastoo aan saxaafadda loo ogoleyn in ay gasho halka uu ka socdo shirka, ma jira wax war oo sheegaya in labada dhinac anaay weli isku afgaran qodobbada ay ka doodayaan.

 

Qodobbada ay ka doodayaan, ayaa lagu sheegay in ay ka mid yihiin: sidii uu labada dhinac xidhiidh u dhexmari lahaa, kaasoo ku gundhigiisu yahay iskaashi, nabadgalyada oo laga wada shaqeeyo iyo sidii la isugu soo dhawaan lahaa.

 

Weftiga ka socda dawlada Somaliland ayaa la sheegay in ay ku adkeysanayaan in fikirkooda shirka uu yahay in ay helaan ogolaasho ka yimaada dhankka Soomaaliya oo ah in madaxbannaanida Somaliland la ogolaado, iyada oo xubnaha ka socda Soomaaliya ay iyaguna dalbanayaan in marka hore la isfahmo kaddibna laga hadlo arrimaha xasaasiga ah.

 

Maalinta Sabtida ayaa lagu wadaa in dhamaan madaxda labada dawladooda ee wada hadalada ka qaybgalayay in ay ka dhoofaan Magaalada London, iyaga oo si dhakhso ah masuuliyiintooda sare ugu war celin doona

 

 

 

Wada hadaladan oo ah kuwii ugu horeeyay oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa aad uga duwan sidii markii la filayay , iyada oo aan la ogeyn natiijada kasoo bixi karta, waxaana waxkasta oo ka soo baxa ka wada hadli doona Madaxweyne Siilaanyo iyo hogaamiyaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

 

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Stuff and Nonsense ..... The Wadahadal itself is guul la gaadhay.

 

Still, the talks are behind closed doors and there is nothing about failure or success so far.

 

 

Saxaafaddu way waalan tahay :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this