Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Road map conference opens in Nairobi Kenya

Recommended Posts

Saxiixeyaasha Roadmapka oo Nairobi shir uga socdo

 

Magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi waxaa maanta ka furmay shir ay isugu yimaadeen saxiixeyaashii qorshaha Roadmapka ee Soomaaliya.

 

Shirkan oo loo badinayo inuu noqon doono kan ugu danbeeya ee ay saxiixeyaashu yeeshaan kahor xiligan kala guurka ayaa waxaa la iskula soo qaaday arimo dhowr ah.

 

Qodobadii maanta lagu gorfeeyeyna waxaa kamid ahaa in lasoo dhiso gudigii farsamada ee ka shaqeyn lahaa xulista golaha ansixinta Dastuurka iyo Baarlamaanka cusub.

 

Sidoo kale waxaa layskula soo qaaday in la sameeyo guddi ka shaqeeya xalinta khilaafaad yary yar oo soo kala dhex galay odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho uu shirku uga socdo.

 

Qodobada kale ee ay saxiixeyaashu maanta shirkoodu ku gorfeeyeen waxaa kamid ahaa sidii loo dar dar gelin lahaa howlaha socda maadaama xiliga Roadmapka ay mudo 60 maalmood ahi ka harsan yihiin.

 

Si kastaba ha ahaatee asbuuca soo socda ayaa lagu wadaa inay si rasmi ah u bilowdaan howlaha la xiriira soo xulista golaha ansixinta Dastuurka cusub ee Soomaaliay.

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah: Shirkii London wararkiisii ugu dambeeyey xog rasmi ah

 

Posted by Pi on June 20th, 2012

London (Pi) Shirkii maanta London uga bilowdey Dowlada KMG ah iyo Maamulka Soomaaliland ayaa xogta soo baxaysa sheegeysaa in Dowlada Ingiriiska oo ah Dowlad aad ugu xeel dheer wadahadalada siyaasadeed iyo dariiqada loo maro ay ku guuleysatay inay dhinacyada Soomaalida ku qanciso ajandayaal sahlan oo wadada u xaaraya inuu bilowdo isfahan, is aaminid iyo wada shaqayn dhexmarta dhinacyada Soomaalida oo kala qoqobnaa mudo ka badan 21 sano.

 

Ajandayaasha maanta lasoo hordhigay labada dhinac ayaa ahaa kuwii looga hadlay shirkii London ee 23 feebaraayo, kuwasoo ay kamid ahaayeen Amaanka, Dhaqaalaha, ladagaalanka Burcad badeedka, ka hortaga Xagjirnimada, ilaalinta Xuquuqul insaanka iyo Ku dhaqanka habka Maamul wanaaga.

 

Waxaa shirka maanta laga ilaaliyey waxkasta oo abuuri kara xasaasiyad, sida dib u midow iyo kala go’id labadaba.

 

La soco wixii kasoo kordha shirka, adoo kala soconaya Puntlandi.com

 

Puntlandi.com

London

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this