Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Livestock Ministry Promoting Healthy Livestock For Our State. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

(Sawirro) Wasaarada Xanaanada xoolaha oo beenisay in xanuuno ay ka dhasheen Talaalka xoolaha ee ay wadaan si faahfaahsanna uga warbixisay saamaynta Talaalka xoolaha.

 

Posted by Puntlandi on June 19th, 2012

 

Gaalkacyo(puntlandi.com):- Wasaarada Xanaanada xolaha ee puntland ayaa beenisay in xanuuno ay ka dhasheen Talaakii xoolaha ee ay dhawantan ka wadeen gobollada Puntland.

 

Isuduwaha wasaarada xanaanada xoolaha Puntland ee gobolka Mudug islamarkaana ah madexa shaybaarka xanuunada xoolaha ee Puntland C/raxmaan Maxamed Jaamac oo maanta shir-saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa magaalada gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa aad uga warbixiyay saamaynta Talaalka xoolaha ee ay wasaaradu ka wado dhamaan gobollada Puntland.

 

Inkastoo uusan Isuduwuhu soo bandhigin baaritaan cad oo la xiriira arrintan hadana wuxuu sheegay in Talaalka xoolaha ee ay gobollada oo dhan wasaaradu ka wado uu yahay mid aan dhibaato ku keenayn caafimadka dadka isticmaalaya Hilibka ama dheefta caanuhu ay ku jiraan ee xoolaha la talaalay wuxuuna sheegay in dhaqaatiirta talaalkan bixinaysa ay xoolo dhaqatada ku wacyigalinayeen in saacado kooban oo ah inta talaalkaasi uu jirka xoolaha ku jiro aan la isticmaalin Caanaha ama hilibka neefka la talaalay.

 

C/raxmaan wuxuu tilmaamay in aysan waxba ka jirin in Talaalkii ay xoolaha ku dureen uu keenay xanuun dadka saameeyay wuxuuna bulshad ugu baaqay in Caanaha ama hilibka ay ka shakiyaan ay keenaan shaybaarka si loo baaro islamarkaana ay xaqiiqada u ogaadaan.

 

Hadalka Isuduwaha wasaarada xanaanada xoolaha Puntland ee gobolka Mudug islamarkaana ah madexa shaybaarka xanuunada xoolaha ee Puntland C/raxmaan Maxamed Jaamac ayaa yimid kadib markii shalay Xildhibaanad Siciid Geelle Diiriye oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Puntland ay saxaafada ka sheegtay in xanuuno la garan waayay ay ka dhasheen Talaaladii Xoolaha ee Wasaaradu ay ka fulisay gobollada Puntland islamarkaana dadku ay ka qaadeen dheeftii xoolaha ee ay isticmaaleen sida Caanaha iyo Hilibka xoolaha.

 

Puntland Office – Garowe

garowe@puntlandi.com

www.puntlandi.com

 

Daawo Xarunra Sheybaarka Xoolaha oo ah xarunta uu isuduwuhu shir-saxaafadeedkan ku qabtay:-

 

79.jpg

80.jpg

81.jpg

82.jpg

83.jpg

87.jpg

88.jpg

89.jpg

90.jpg

91.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this