Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Ministry Of Planning Puts 74 Development Agencies On Trial. The Mid-Year Review

Recommended Posts

Dr_Osman   

GAROOWE : W.Qorsheynta oo 74 hay’adood iyo kuwa la shaqeeya Warbixino ka dhageysanaysa

 

June 19, 2012 10:19 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

 

Garoowe:-Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland ayaa waxay todobadkan waddaa xog wareysi iyo la xisaabtan ay la yeelaneyso 74 hay’adood iyo kuwa la shaqeeya waxayna doonayaan in hay’ad kastaaba ay soo bandhigto waxyaalaha ay Puntland ka heyso.

 

Maxamed Cali Ismaaciil Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda oo Puntlandpost u waramey ayaa waxa uu sheegey in ay qiimeyn sanadkiiba 2 jeer ay ku sameeyaan haya’adaha waxa ay qabteen, waxa u qabsoomi waayay iyo carqaladaha jira.

 

Ujeedada xog wareysiga ayuu ku sheegey in ay doonayaan in ay warbxin (Report) ka diyaarshaan si ay u gashaan Aid Coordination Unit, si loo ogaado meelaha laga shaqeeyo iyo meelaha laga shaqeeyo.

 

Maxamed, waxa uu sheegey in warbixinada ay jeediyaan dabagal lagu sameyn doono oo la diro doono Koox (Team) soo ogaada waxyaalaha ay qabteen iyo meesha ay ka qabteen, dabadeedna si wadajir ah Wasaaradda, Haya’daha iyo Ururada la shaqeeya ay warbixin u soo saaraan.

 

Maanta, ayaa waxaa warbixin laga dhageystey hay’adda ADRA, shaleyna waxayn xog wareysi la yeeshaan Worldvisin, waxaana xog warankan lala yeelan doonaan 74 hay’adood iyo Ururada la shaqeeya.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Garoowe (APL ) : Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalimaiga ah ee Puntland ayaa baryahan waday qorshe ay ku ogaanayso hawlaha ay qabtaan dhamaan Hay,addaha Ka Hawlgala Puntland iyadoo Maalinba Hay,ad la yeelanaysay xog waran , Maanta ayaa waxaa hor yimi wasaaradda qorshaynta Hay,adda ADRA .

 

Xarunta Waasarad Qorshaynta Iyo Xiirirka Caalimiga ah ayaa waxaa ka dhacay kulankaan oo ahaa mid si wayn la isugu waydaarsaday su,aalo la xiriira waxqabadka hay,adda .

 

Kusimaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda qorshaynta puntland Maxamed Cali Ismaaciil ayaa ugu horeyn ka hadlay kulanka waxaana uu sheegay in ay arintan tahay mid sanadkiiba la qabto labo mar oo kala ah sanadku markuu marayo kala bar iyo dhamaadka sanadka,waxaana loogu tala galay in la ogaado Wax qabadkii ay soo qabteen Hayada 6Bilood &Qorshaha u Dagsan mudaas ee isla markaana looga baahan yahay inay keenan Cadaymo ay ku muujinayaan wax qabadkooda iyo halka ay wax ka qabteen.

 

Maxamed Cali waxaa uu xusay in Arimahan ay muhiimad u leeyihiin Puntland taasna ay tahay mid waajib ku ah Wasaradda qorshaynta oo dalka u qaabilsan u dhaxaynta dowladda iyo Hay,adaha Caalamiga ah” sidaa darteed maalin kasta waxaa miiska noo saran hay,ad sida aanu maanta isu aragnay Hay,adda ADRA.

 

Jaamac Muuse oo ka mid ah sarakiisha Hay,adda ADRA ayaa isna qaatay hadalka waxaana uu jeediyey warbixin ku adan waxqabadka iyo howlaha ay wadaan,waxaana uu sheegay mashariic badan ay ka wadaan deegaanadda puntland iyadoo hay,adaani ka shaqaynaysay puntland mudo dheer oo ku siman xilligii dhidibadda loo asay puntland ayna ilaa xiligaa qabteen barnaamijyo aad u fara badan.

 

Jaamac Waxaa kaloo uu sheegay in Hay,addu inta badan ka shaqayso Hawlaha Waxbarashada sida waxbarashada Dahsoon iyo tan kale “ Hada waxaa aanu puntland ka wadna labo barnaamij oo kala ha

 

· Kobcinta Tayadda Barayaasha.

 

· Sare u qaadida waxbarashada gaar ahaan Iskoolada.

 

Barnaamijkan oo ah mid wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee puntland ay ku xaqiijinayso waxa ay hay,adda Caalamiga ah ka qabtaan Deegaanadda puntland iyadoo maalmaha soo socdana ay wasaaradda hor imaandoonaa Hay,addo kale oo laga dhagaysandoona mashariicda ay wadaan.

 

Xafiiska wararka Allpuntland Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this