Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Dr. Baadiyow For President!

Recommended Posts

Abwaan   

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;852534 wrote:
Xaaji Abwaan, qoraalka Hilowloow u dambeeye u jawaabaaye, kaaga ma ahayn.

 

Teeda kale goormaa wax abuuri doontaa, yacni halabuur iyo suugaan. Mise 'abwaanimadiina' sida 'dr' camal mee noqotay?
058.gif

lol....MMA maba la iska naxaayo? Qof kale ood igu metesho maa SOL ka dhammaaday? Murtidu iskama timaaddo ee wakhtigay la socotaa iyo marxalad jirta, amase dhacdo, Goob mudanna waa laga meershaa, weli SOL kuma arag meel murti mudan.:D Ma waxaad leedahay, Maaddey iyo Somalia murti iskaga khasaari?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Abwaan;852551 wrote:
lol....MMA maba la iska naxaayo? Qof kale ood igu metesho maa SOL ka dhammaaday? Murtidu iskama timaaddo ee wakhtigay la socotaa iyo marxalad jirta, amase dhacdo, Goob mudanna waa laga meershaa, weli SOL kuma arag meel murti mudan.
:D
Ma waxaad leedahay,
Maaddeey
iyo Somalia murti iskaga khasaari?
:D

Innii saa'im, innii saa'im.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr. C/raxmaan Macalin Baadiyow oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Beesha caalamka uu kala soo hadlay sidii doorashada dhici doonto bisha Agosto aan lagu shuban laheyn.

 

Musharax Dr. Baadiyow oo Wariyeyaasha ugu waramay Xaruntiisa ayaa sheegay in Magaalada Nairobi kula kulmay Waxgarad Soomaaliyed iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka, isagoo tilmaamay inay ka wada hadleen geedi socodka nabada Soomaaliya.

 

Dr. Baadiyow ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyed inay ka faa’iidaystaan fursadan qaaliga ah ee ay u heleen in caasimadoodii markii ugu horaysay lagu dhiso dawlad ay iyagu leeyihiin kaddib

22-sano ah.

 

Mar uu ka hadlay fara gelinta ay ka cabanayaan ee Odayaasha dhaqanka lagu haayo ayuu sheegay in Odayaasha ay udub dhexaad u yihiin bulshada, isla markaana uu ku kalsoon yahay inay samata bixiyaan Soomaaliya, isla markaana aanay cidna u eexan doonin sida uu yiri.

 

Dr. Baadiyow oo ka jawaabayay su'aal ku aadan kaalinta haweenka ay kaga jiraan dowladda cusub ayuu xusay in Haweenka Soomaaliyed ay yihiin tiirar ka mid ah tiirka Umada Soomaaliyed ay ku taagan yahay, isagoo tibaaxay in kaalin fir fircoon ka qaadan karaan bad baadinta dalka iyo dadka, isagoo cadeeyay in aan lagu faquuqin doonin dhaqan iyo diin sida uu yiri.

 

Musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa shaki ka qaba madaxda dowladda ee xilligan, iyagoo horay uga digay in awooda dalka gacantooda gasho, inta ay socoto doorashada madaxtinimada, isla markaana ay dhacdo ku shubasho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Oba, Baadiyoow musharraxnimadiisu ururkii Islaax ayay labo kooxood u kala jebisey. Soo ma ogid even Sh. Garyare oo ka mid ah raggii aasaasay inuu diidey?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

looool..........Oba, the funny thing is that we are talking about Urur and hal beel baa meel walba haysata oo isku jawaabeysa....One group left during the ICU era back in 2006 and now it looks like in beeshuna sii kala baxbaxayso.

By the way Garyare wuxuu ka mid yahay aasaasayaashii, dhaawac weyn ayeyna tani u keeneysaa Islaax Soomaaliya. Warqadda Dhakhtar Cali Baashi, maxaa reference u diideyna?:D

 

Oba aan ku su'aalee adigu are you Barbar-ka-Islaax mise Baadiyoow lee taageertaa?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Istaaqfurullaah, Oba bahasha meeshaas ha gaarsiinin. Prediction baan ka hadleyney, ha caroonin haddii musharraxaaga lagula qaadan waayey.

 

Soomaali oo dhan ma saddexdaas nin Sharif Xasan baa? Dad kale oo guuleysan karo ma jiraan? yaab badanaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Oba, naga daa bahasha ninyahow...Illaa iyo hadda 5 nin baad dhaafi la'dahay, wax yar iyo wed baa naga xiga Insha Allaah. Horta intaadan doorasho ku ordin war maka haysaa cidda Baarlamaanka soo geleysa? Goormaa ugu dambayn la filayaa? Xog intee ah ayaad ka haysaa bal warka soo daa.:D

Hebel baa guuleysanaya bal noogu kaadi sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this