Dr_Osman Posted June 18, 2012 Hay’adda Manhal oo mashruuc daweynta Indhaha ah degmada Waaciye ka bilowday [sawiro] Updated:- 40 mins ago| 0 Commnets Hay’adda Manhal ayaa hawlo caafimaad oo daweynta iyo fiiqidda indhaha ah ka bilowaday Isbitaalka degmada Waaciye ee gobolka Karkaar. Ololahan caafimaad oo ah mid dadka si bilaash ah loogu daweynayo waxaa ka faa’iideysan doona in ka badan 600 oo qof. Dr C/risaaq Axmad Ciise Maygaag oo ah madaxa xafiiska wasaaradda caafimaadka ee degmada Waaciye ayaa warbaahinta u sheegay in ololuhu uu bilowday gelinkii danbe ee shalay. Wuxuuna intaas ku daray in ilaa iyo hadda indhaha loo qalay 35 qof , kuwaasoo kala kala yimid degmada Waaciye iyo tuulooyinka hoos taga. DR Maygaag ayaa ugu danbeyntii sheegay in mashruucani uu muddo dhowr beri ah sii socon doono, islamarkaana dhakhaatiirta ka qayb gelayaa ay dhamaantood Soomaali yihiin. Waa markii ugu horaysay ee mashruuc caynkan oo kale ah laga fuliyo Degmada Waciye ee gobolka Karkaar. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
mahad yare Posted June 18, 2012 Hay’adda Manhal good well done :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ilka-dahable Posted June 18, 2012 Ba a Boowe Ma 600 Boqol oo indha la baa waciya ku nool oo waciya waa wada indha layihiine Quote Share this post Link to post Share on other sites