Somalia Posted June 18, 2012 Warar dublamaasi oo rasmi ah ayaa noo xaqiijiyey in Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed uu magacaabey Shan xubnood oo cusub kuwasoo lagu badalay todobadii uu horey u magacaabey iney Dowlada KMG ah uga qayb galaan wadahadalada London ku dhexmari doona Maamulkan Soomaaliland iyo Dowlada KMG ah. Wararkaan aan helney waxay kaloo noo cadeeyeen in xubnahaan cusub aysan Dowlada Puntland waxba ku lahayn, warar kaloo hoose oo ilo dublamaasiyadeed aan ka helney ayaa iyana sheegaya in Dowlada Puntland ay bari ka hadli doonaaan isbadalka uu Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ku sameeyey Xubnihii wada hadalka uga qayb gali lahaa. Xubnaha cusub waxaa ka mid ah sida aan wararka ku helney Wasiirka Waxbarashada Dowlada KMG ah Axmed Ceydiid Ibraahim. Dhinaca kale warar kaloo waxaa jira sheegaya in Dowlada Puntland ay la socoto isbadalka lagu sameeyey xXubnaha matalaya TFG, mar aan wax ka waydiiney Dowlada Puntland way ka gaabsadeen iney tafaasiil ka baxshaan wararkaan ay Puntlandi.com heleen. Inkastoo warar aan ku kalsoonahay noo xaqiijiyeen in Dowlada Puntland ay bari ka hadli dooanaan arimahaan kasoo kordhey shirka Somaliland iyo TFG? Puntlandi.com kala soco wixi soo kordha warakaan Puntlandi.com Xarunta wararka Deg Dega ah. 123@puntlandi.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted June 18, 2012 Very good, let the talks start. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 18, 2012 Good stuff we welcome this Quote Share this post Link to post Share on other sites