Sign in to follow this  
mahad yare

Puntland port minister visits Laas-qoray

Recommended Posts

Raage-booqasho.jpg

Mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha wasiirada iyo Baarlamaanka ee Puntland ayaa booqasho ku tegey degmada Laas qoray ee gobolka Sanaag.

 

Wefdigan oo ka kooban dhowr xubnood waxaa horkacaya wasiirka wasaaradda gaadiidka badda, dekedaha iyo la dagaalanka Burcad-badeeda Eng. Siciid Maxamed Raage.

 

Waxaa sidoo kale kamid ah wasiir ku-xigeenka labaad ee wasaaradda, xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo gudoomiyaha gobolka Sanaag.

 

Ujeedada socdaalka wefdigan ayaa ah sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaaladda deegaanka Laas qoray, gaar ahaan goob la qorsheynayo in laga dhiso deked ay degmadaasi yeelan doonto.

 

Eng. Raage oo isaga oo Laas-qoray ku sugan Horseed Media khadka Telefoonka ugu waramay ayaa sheegay in socdaalka wefdiga uu horkacayaa ay halkaas ku tageeni uu yahay mid ay kusoo kormeerayaan goobta dekedda laga dhisayo iyo sida ay howshu u socoto.

 

Wuxuuna intaas ku daray isagu shakhsiyan uu si aad ah ugu faraxsan yahay in Laas-qoray oo ay mar hore ugu danbeysey islamarkaana uu deegaan ahaan kasoo jeedo uu xiligan booqasho ku tago.

 

Laas-qoray oo kamid ah degmooyinka Puntland ee kulaala badda cas waxaa ka socda qorshe ay wadaan waxgaradka, ganacsatada iyo qurbe joogta deegaanka Laas-qoray kasoo jeeda, kaas oo lagu doonayo in dhowaan degmadaas deked loogu sameeyo.

 

Dekeddan ayaa hadii dhismaheeda lagu guuleysto waxay noqon doontaa tan labaad ee ugu weyn Puntland marka laga yimaado dekedda magaalada Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Laasqoray [RBC Radio] Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha.Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Kooxaha Burcadbadeeda Eng Siciid Maxamed Raage ayaa gaaray deegaan Xeebeedka Laasqoray ee gobolka Sanaag.

 

Xubnaha la Socday Wasiirka ayaa waxaa kamid ah Wasiir kuxigeenka Dekaddaha.Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Kooxaha Burcadbadeeda Abshir Siciid Saalax, Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur Dabeyl iyo Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Dawladda Puntland.

 

Eng Siciid Maxamed Raage iyo Wafdiga uu Hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag,waxaana ay booqasho ku tageen meesha la doonayo in laga dhiso dekadda taas oo la bilaabay hawsheeda isla markaana waxa uu kulamo la yeeshay khuburada Cadaanka ah ee hawsha wada.

 

Sidoo kale waxa uu si weyn usoo dhaweeyey hawsha baaxada leh ee ka bilaabatay deegaaka Laasqoray gaar ahaana Mashruuca lagu dhisaayo dekadda,deegaanka Laasqoray isla markaana Qurba joogta iyo dadka reer Laaqoray ayuu ku amaanay horumarka ay wadaan.

 

…”"” Aad ayaan ugu faraxsanhay in degmada Laaqoray aan soo gaaro oon deegaa ahaan kasoo Jeedo ,waxaan u imid in aan soo booqdo hawsha cusub ee laga bilaabay laguna qodaayo dekadda Laaqoray runtii waa hawl taariikhi ah oo xil iska saareen dadka deegaanka u dhashay anagu dhankeena wixii aan ku biirin karno ayaan ku daraynaa,waana soo dhaweyneynaa hawsha hadda socota….”"”ayuu yiri Eng Siciid M. Raage.

Xubno ka Socda Puntland oo Gaaray degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag [sawirro]

 

Eng Faysal Ahmed Xawar oo ka masuul ah Mashruuca lagu Qodaayo dekadda degmada Laasqoray ayaa isna shaaca ka qaaday in hawsha ay bilaabeen hadda ay ku dhamayn doonaan muddo laba sanno ah isla mar ahaantaana ay tahay in wax lagu farxo in dadka deegaanku ay Isku tashteen aysna habooneyn in Dawlad wax laga sugo.

 

Dhismaha dekadda Laaqoray ayaa la bilaabay bilowgii Sanadkaan,waxaana kaalin mugleh ku leh Qurbajoogta kasoo jeeda deegaanka iyadoona sida la sheegay lagu dhameyn doono muddo laba sanno ah .

 

RBC Radio

Xafiiska Boosaaso

 

DSC084921.jpg

DSC08495.jpg

DSC085041.jpg

DSC08508.jpg

DSC08512.jpg

DSC08519.jpg

DSC08526.jpg

DSC085472.jpg

DSC085491.jpg

DSC08551.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reer Mudug and especially reer Garacad wake up from sleep. When are we going to build Garacad Port. For the love of God, we could of had two states using the Port by now such as Mudug and Wardheer. Reer Mudug wake up wake up wake up. :(:(:(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this