Xaaji Xunjuf Posted June 17, 2012 Qaar ka mid ah musharaxiinta Madaxweynaha oo qeyla dhaan soo saaray Mogadishu Axad 17 June 2012 SMC Qaar ka mid ah musharaxiinta Madaxweynaha oo qeyla dhaan soo saaray Qaar ka mid ah musharaxiinta u tartamaya jagada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qeyla soo saaray kaddib markii sida ay sheegeen laga hor istaagay inay la kulmaan odayaasha dhaqanka ee shirka uga socdo magaalada Muqdisho. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah musharaxiinta u tartamaya jagada Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee wadanka ka socda ay yihiin kuwo shaatiga uun lagu bedelanayo, isla markaana madaxda Dowladda ay doonayaan inay iyaga uun isku soo taagaan. "Waxa maanta yaala oo gurguuranaya 20-ka sanadood waa inay soo noqoto shaarka ha laga bedelo oo ha soo noqdeen kuwii shalay dalka madaxda ka ahaa" ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo sheegay in isagu laba arrimood uu ku sababeynayo in wadanka uu gelayo. Prof. Samatar waxa uu sheegay in dalka khatar ay soo food saareyso haddii kuwii shalay madaxda ahaa ay dib u soo laabtaan, arrinta labaadna wuxuu ku sheegay in dalku gumeysi cusub gelayo iyadoo la leeyahay Soomaalidu isuma taliso ee ha loo taliyo. Khudbad uu ka jeedinayay gunaanadka shir magaalada Muqdisho uga furmay labadii maalmood ee la soo dhaafay ayuu ka jeedinayay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, wuxuuna ku taliyay in laba arrimood midood la sameeyo, waa tan koowaade waxa uu sheegay in Roadmapkii lagu soo heshiiyay laga dhabeeyo in la raaco waxa ku qoran. Arrinta labaad ayuu ku sheegay in hoggaan cusub uu dalku yeesho, kaasi oo shardigu yahay in la isla wada ogaado waxa ku qoran Road Map-ka isla markaana bulshada qeybaheeda kala duwan loo soo bandhigo, wuxuuna intaasi raaciyay inaan xalka Soomaaliya ku jirin in madaxdii shalay ay dib ugu soo laabtaan xukunka. Maxamuud Axmed Xasan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted June 17, 2012 I think you mean Prof.Ahmed Ismail Samater. Quote Share this post Link to post Share on other sites