Dr_Osman Posted June 17, 2012 Duqeyda degmooyinka Puntland oo Turkiga aadey 17 Jun 17, 2012 - 1:34:08 AM GAROWE ONLINE Dawlada dalka Turkiga ayaa casumaad u fidisay dowlada hoose ee degmooyin ka mid ah Somalia,waxana magaalada Galkacayo ka anbabaxey Maanta 17 June,2012 duqeyda afarta degmo Garowe ,Bosaso ,Galkacayo iyo Qardho. Magaalooyinka Hargeysa ,Muqdisho ,Baydhabo iyo Xudur ayaa sidoo kale duqeydoodu ku anbabaxeen Turkiga. Ujeedka safarka xubnahani ku aadeen Turkiga ayaa ah sidii shirar kala duwan ula soo qaadan lahaayeen dowladaha hoose ee dalkaasi una gudbin lahaayeen baahiyaha ay doonayaan in dowladaha hoose degmooyinka Somalia laga taageero. Duqa degmda Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor oo ka mid ah xubnaha Turkiga uga qeyb galaya dhanka Puntland ee gudoomiyaasha degmooyinka ayaa idaacada Radio Garowe u sheegay intuusan ka anbabixin Garoonka Cabdilaahi Yusuf Airport Gaalkacyo in ay ku sii jeedaan Turkiga halkaasi oo ay kaga qeyb galayaan shirar ay la gelidonaan masuliyiinta Turkiga. Shirkan ayuu ku tilmaamey Koor in muhiimada gaar u leeyahay Puntland degmooyinkeeda oo uu sheegey inay kala hadli doonaan mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyo. Halkan ka dhagyeso Duqa Garowe oo Axmed Cawil u waramaya http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Duqeyda_degmooyinka_Puntland_oo_Turkiga_aadey.shtml Quote Share this post Link to post Share on other sites
mahad yare Posted June 17, 2012 let's welcome PL development, prosperity, and sustainability. :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites