Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Mayors Jet Off To Turkey For Developmental Meeting

Recommended Posts

Dr_Osman   

Duqeyda degmooyinka Puntland oo Turkiga aadey

 

17 Jun 17, 2012 - 1:34:08 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Dawlada dalka Turkiga ayaa casumaad u fidisay dowlada hoose ee degmooyin ka mid ah Somalia,waxana magaalada Galkacayo ka anbabaxey Maanta 17 June,2012 duqeyda afarta degmo Garowe ,Bosaso ,Galkacayo iyo Qardho.

 

Magaalooyinka Hargeysa ,Muqdisho ,Baydhabo iyo Xudur ayaa sidoo kale duqeydoodu ku anbabaxeen Turkiga.

 

Ujeedka safarka xubnahani ku aadeen Turkiga ayaa ah sidii shirar kala duwan ula soo qaadan lahaayeen dowladaha hoose ee dalkaasi una gudbin lahaayeen baahiyaha ay doonayaan in dowladaha hoose degmooyinka Somalia laga taageero.

 

Duqa degmda Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor oo ka mid ah xubnaha Turkiga uga qeyb galaya dhanka Puntland ee gudoomiyaasha degmooyinka ayaa idaacada Radio Garowe u sheegay intuusan ka anbabixin Garoonka Cabdilaahi Yusuf Airport Gaalkacyo in ay ku sii jeedaan Turkiga halkaasi oo ay kaga qeyb galayaan shirar ay la gelidonaan masuliyiinta Turkiga.

 

Shirkan ayuu ku tilmaamey Koor in muhiimada gaar u leeyahay Puntland degmooyinkeeda oo uu sheegey inay kala hadli doonaan mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyo.

 

Halkan ka dhagyeso Duqa Garowe oo Axmed Cawil u waramaya

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Duqeyda_degmooyinka_Puntland_oo_Turkiga_aadey.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this