Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso: 250 Youths Given Vocational Training and 100 Given $2000 To Start Up Business. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Boosaaso: NGO-ga SFS oo 100 dhalinyaro ah ugu deeqay lacago ay ku shaqeystaan [sawiro]

 

Updated:- 17 mins ago| 0 Commnets

 

NGO-ga Somali Family Services (SFS) ayaa maanta deeq lacag ah gudoonsiiyey 100 kamid ah dhalinyarada ka qayb qaatada mashruuca (Youth at risk) oo ah mashruuc ay iska kaashadaan 3 hay’adood oo caalami ah kuwaasoo kala ah UNICEF, ILO iyo UNDP.

 

Munaasabad deeqdan lagu qaybinayey oo ka dhacday Hotel Jubba ee magaalada Boosaaso waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin badan oo ka tirsan maamulka gobolka iyo kan degmada Boosaaso.

 

Waxaana ka mid ahaa gudoomiye ku-xigeenka gobolka Bari ahna sii hayaha xilka gudoomiyaha Yuusuf Muumin Bidde, ku-xigeenka duqa Boosaaso ahna sii hayaha xilka duqa Siciid Maxamed Cabdiraxmaan iyo xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka.

 

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Maxamed Xaamud oo ka tirsan madaxda NGO-ga SFS, wuxuuna sheegay in barnaamijkani uu qayb ka yahay mashruuca (Youth at risk) islamarkaana ay ka qayb qaateen 250 dhalinyaro ah kuwaaso la baray ganacsiga iyo xirfado ay kamid yihiin: alxanka, tuubistenimada iyo korontada.

 

Maxamed Xaamud ayaa dhinaca kale sheegay in dhalinyarada maanta lacagaha la gudoonsiinayo oo ay tiradoodu 100 tahay ay ku guuleysteen barnaamijka abuurista iskaashatooyinka ganacsiga iyagoo la isu raaciyey afar afar qof, sidaas darteedna ay nasiib u yeesheen in koox walba la gudoonsiiyo lacag dhan 2,000$ si ay ganacsi ugu abuuraan.

 

Ku-xigeenka duqa Boosaaso Siciid Maxamed Cabdiraxmaan oo isna goobta ka hadlay ayaa ku booriyey dhalinyarada in fursadan ay heleen oo ah mid aad qaali u ah ay uga faa’iideystaan sida loogu tala galay islamarkaana ay ku dadaalaan sidii ay noloshooda u horumarin lahaayeen.

 

Gudoomiyaha gobolka Yuusuf Muumin Bidde oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa sheegay in ganacsigu uu rabo dulqaad iyo dadaal dheeri ah, sidaas darteedna dhalinyarada maanta lacagta qaatay laga rabo in ay ku fekeraan sidii ay sanadka soo socda faaa’iido badan usoo saari lahaayeen.

 

Nabadoon Cabdiqaadir Axmed Ibraahim (Xarago) oo ah gudoomiyaha nabadoonada gobolka ayaa isaguna u dardaarmay 100-kaas da’yarta ah cabsida ilaahey iyo inay ku dadaalaan sidii ay naftooda iyo dadkoodaba u anfici lahaayeen iyaga oo ka fogaanaya xumaha.

 

Barnaamijkan dhaqaale abuurista ah oo uu fuliyey NGO-ga SFS ( Somali Family Services ) oo taageero ka helaya hay’adda ILO wuxuu raacsan yahay mashruuca (Youth at risk) oo ah mid ay fulintiisa iska kaashadaan hay’adaha ILO, UNICEF iyo UNDP.

 

Horseed Media

 

IMG_0244.jpg

IMG_0245.jpg

IMG_0255.jpg

IMG_0242.jpg

IMG_0285.jpg

IMG_0264.jpg

IMG_0280.jpg

IMG_0281.jpg

IMG_0300.jpg

IMG_0304.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Thats the puntland I know getting down to the nitty gritty and providing livlihood and services to the citizens and IDPS alike. Thats my Puntland not yours

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

creating livelihoods through entrepreneurship. thats a initiative worth following ya Dr.Osman. Guess three times who set it up? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Carafaat;842501 wrote:
creating livelihoods through entrepreneurship. thats a initiative worth following ya Dr.Osman. Guess three times who set it up?
:D

The Puntland Govt did

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this