Somalia Posted June 16, 2012 Luuq: (Sh. M. Network) Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya ayaa la sheegay in mar kale ay Xabsiga dhigeen Diyaad Cabdi Kaliil oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda KMG ah. Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda oo saakay la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in mar kale la xiray Diyaad Cabdi Kaliil oo ah Taliyaha Saldhigga degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana la tilmaamay in Sarkaalkaasi loo xiray amar diiddo uu sameeyay. Waxa la sheegay in Sarkaalka Ciidamada Ethiopia ay ku wargaliyeen in uu ku laabto degmada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo oo uu mar hore ka yimid, hase ahaatee markii uu ka dhaga adeegay haddana mar labaad Xabsiga ay u taxaabeen. Saraakiisha dowladda KMG ah ee Gedo ayaa hadda ku waramaya inay socdaan waan waan lagu sii daanayo Diyaad Cabdi Kaliil, iyadoo aan aheyn markii ugu horeysay oo Sarkaalkaasi ay Xabsiga u taxaabaan Ciidamada Ethiopia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted June 16, 2012 allpuntland Wararka laga helayo Degmada Luuq ee Gobolka Geddo ayaa waxay sheegayan in Ciidamada Itoobiya ay markale ay Xabsiga dhigeen Diyaad Cabd kaliil oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada. Sarakiil katirsan Ciidamada Dowlad ee Gobolka Geddo ayaa Allpuntland u sheegay inuu jiro Xariga Diyaad Cabdi kaliil oo ah Taliyaha Saldhiga degmada Luuq. Xariga Ciidamada Itoobiya ay kula dhaqaqeen Diyaad Cabdi kaliil ayaa waxaa latilmaamayaa inay salka kuhayso Amar diido uu ku sameeyay hadalka kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo ku sugan Gobolka Gedo. Wararka waxaa ay intaas ku darayaan in Taliyaha uu diiday inuu dib ugu laabto degmada Garbahaareey oo ay kusugan yihiin Ciidamada Dowlada halkaas oo uu horay ugu yimid. Saraakiil katirsan Dowlada oo kusugan Degmada Luuq ayaa wado haatan waan waan lagu siidaynayo Taliyaha. Waa Markii labaad oo Ciidamada Itoobiya ay Xiraan Saraakiil kartirsan dowlada waxaana dhawaan ay Itoobiyanka sarakiil katirsan dowlada ku xireen Isla gobolka Geddo kadib markii ay ku eedeeyeen Sarakiishaas inay kasoo baxeen agagii dagaalka. Quote Share this post Link to post Share on other sites