Sign in to follow this  
Dr_Osman

Kor U Qaadida Ganacsiga Puntland. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

GAROOWE : Kulan looga hadley kor u qaadida ganacsiga Puntland

 

June 13, 2012 7:00 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor

 

Garoowe:-Hotel New-rays ayaa waxaa lagu qabtey kulan laba maalmood socdey kaas oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Dakadaha, Wasiirka Beeraha, Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga Puntland iyo Ganacsato waxaana la isla qaadaadhigey sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsiga Puntland oo ganacsatadu ay u arkeen in xiligan loo baahan yahay in sid middeysan la iskaga kaashado lahaa kor u qaadidiisa.

 

Guddoomiyekuxigeenka Rugta Ganacsiga Puntland Saciid Xusseen Ciid ayaa soo ban-dhigey warbixin muhiim ah oo uu kaga hadlayo habka ugu habboon ee kor loogu qaadi karo ganacsiga Puntland, waxaana uu halkaasi ka jeediyay waxyaalo u baahan in wax laga qabto iyo tala soo jeedin.

 

Dhawr Xubnood oo u hadley ganacsatada kala duwan sida kuwa dhoofiya Xoolaha nool, kuwa dhoofiya Kalluunka, kuwa leh Warshadaha iyo kuwo kale waxeyna sheegeen in iyada oo maamul iyo ganacsiba isku hal ujeedo la leeyahay in laga wada shaqeeyo kor u qaadida ganacsiga Puntland.

 

Masuuliyiintii ka socotey maamulka Puntland oo ugu horeeyo Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr. Faarax Cali Shire ayaa waxay ballan qaadeen in dhankooda intii awood ah ay ka shaqeynayaan kor u qaadida ganacsiga, waxaana uu sheegey in tallooyinka la soo jeediyay ay qaadanayaan oo wax kasta oo dhib ku ah ganacsiga ay wax ka badali doonaan.

 

Sikastaba, waxaa muuqata in maamul iyo ganacsataba ay doonayaan in si middeysan loo wajaho kor u qaadida ganaciga Puntland.

 

Puntlandpost.com

 

g-450x342.jpg

g1-450x342.jpg

g31-450x342.jpg

Kulan-ganacsiga-Garoowe-1-640x360.jpg

Kulan-ganacsiga-Garoowe-2-640x360.jpg

Kulan-ganacsiga-Garoowe-3-640x360.jpg

Kulan-ganacsiga-Garoowe-4-640x360.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Garoowe: Dowladda iyo qaybaha kala duwan ee ganacsatada oo kulmay [Dhegeysi+Sawiro]

 

Updated:- 12 hours ago| 3 Commnets

 

Magaalada Garoowe waxaa maanta kusoo gaba gaboobey kulan muddo labo maalmood ah socdey kaas oo looga hadlayey horumarinta ganacsiga Puntland iyo xalinta hadii ay jiraan caqabado ganacsiga hor taagan.

 

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen in badan oo kamid ah qaybaha ganacsatada Puntland waxaa abaabulkiisa iska lahaa wasaaradaha maaliyadda, ganacsiga, dekedaha, xanaanada xoolaha, deegaanka, amniga iyo rugta ganacsiga ee Puntland.

 

Kulanka oo soo bilowday 12-kii bisha ayaa maanta soo xirmay waxaana munaasabadii lagu soo afmeerayey kasoo qayb galay mas’uuliyiin badan oo dowladda ka tirsan.

 

Ugu horeyn waxaa ka hadlay gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland ahna madaxa suuq geynta ee shirkadda Golis Siciid Xuseen Ciid wuxuuna ka warbixiyey ujeedada ugu weyn ee shirka iyo cidda soo qaban qaabisay.

 

Mr Ciid ayaa dhinaca kale dowladda ku aamaanay sida ay ugu heelan tahay horumarinta ganacsiga islamarkaana ay mar walba diyaarka ugu tahay inay xal u hesho caqabadaha soo food saara ganacstada, wuxuuna si gaar ah hanbalyo iyo bogaadin ugu diray wasaaradda ganacsiga.

 

Wasiirka maaliyadda ee Puntland Faarax Cali Shire oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa ka warbixiyey waxyaabihii kulankan la iskula soo qaaday iyo weliba go’aamada kasoo baxay.

 

Qodobada muhiimka u ah horumarinta ganacsiga oo shirkaas laga soo saaray kuwaasoo uu wasiirku xusay waxaa kamid ahaa:

 

Dhiiri gelinta maal gashiga.

Tayeynta maxjarada.

Kor u qaadista ganacsiyada wershedaha iyo adeegga.

Horumarinta kaluumaysiga.

In dowladu ay kaabto wershedaha yar yar.

In dowladda, rugta ganacsiga iyo ganacsataduba ay xiriir joogto ah yeeshaan.Iyo in amniga laga wada shaqeeyo.

 

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu baaxadda weynaa ee noociisa ah ee ay yeeshaan dowaldda iyo qaybayaha kala duwan ee ganacsatada Puntland.

 

Waxaana qodobada kasoo baxay si aad ah usoo dhoweeyey ganacsatada iyagoo sheegay in hadii sida loogu heshiiyey loo fuliyo faa’iido weyn laga dhaxli doono.

 

Dhegeyso Codka Wasiikra Ganacsiga iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Rugta

http://horseedmedia.net/2012/06/13/garoowe-dowladda-iyo-qaybaha-kala-duwan-ee-ganacsatada-oo-kulamay-dhegeysosawiro/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this