Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2012 Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay Degmada Beledxaawo 12. juni 2012 allpuntland Degmada Baledxaawo ayaaa la sheegayaa inay maanta Isaga baxeen Ciidamada Itoobiya oo halkaas ku sugnaa. Sida wararka ay sheegayaan Ciidamada Itoobiya ayaa faarujiyay Farasimihii ay ugu jireen degmada Baledxaawo ee Gobolka Gedo Waxaana lasheegayaa in Ciidamadan ay u run qaan sadeen Degaanka Doolow ee ku dhow Xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya. Xaalada Degmada Baledxaawo ayaa ah Mid Xasiloon waxaana degmada hada Si wadajir ah gacanta ugu haya Ciidamada Dowlada Iyo Ahlusuna. Lama Oga sababta dhabta ee kadambaysay in Ciidamada Itoobiya ay dib ugu noqdaan Doolow,lakiin waxaa la tilmamayaa kabixidooda Beledxaawo inuu dabo socdo Qilaafkii kadhashay Degmada Ceelbuur oo ay isku dhaceen Saraakiisha Itoobiya iyo Ahlusuna. Ciidamada Itoobiyaa ayaa saakay kabaxay deegaan Wabxo ee Gobolka Galgaduud halka maalmo kahorna ay faarujiyeen degmada Ceelbuur islamarkaana ay la wareegeen Al-shabaab. Sikastaba Dowlada Itoobiya oo horay u shaacisay inay tageerayso howlgalka Midowga Africa iyo Dowlada ayaa hada u muuqata inay dib ugula baxaysa Soomaaliya Ciidamadeeda. Lama Oga Xaalka Beledxaawo waxaa uu ku dambayn doonto oo ay isaga dhaqaaqeen Itoobiyanka iyadoo Al-shabaab ay ku sugan yihiin qaybo kamid ah Gobolka Gedo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted June 12, 2012 The biggest spoiler out of all; Ethiopia. Awalba qalalaase ayay meesha la joogeen. Markii ay ku guul-darraysteen faragelintii siyaasadeed ayay marmarsiiyo tan ka dhiganayaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2012 Ciidamada Itoobiya oo ka baxay magaalada Baladxaawo Ciidamadii Itoobiya ee kusugnaa Degmada Beleddxaawo ee Gobolka Gedo ay isaga baxay Magaalada Beledxaawo xili ay kasii qul qulayaan Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud. Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka baxay magaalada Beledxaawo ayaa la xaqiijiyey in ay gaareen deegaanka Doolow ee ku dhow xuduud beenaadka kala qaybiya Soomaaliya iyo Itoobiya. Ciidamada Saliibiyiinta Itoobiya ayaa 72dii Saacadood ee ugu danbeeyay waxa ay ka cararayeen deegaano badan oo katirsan Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan iyo Waliba Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Wilaayada Gedo. Xaalada degmada Baladxaawo ayaa ah xaalad kacsan waxaana lagu soo waramayaa in Mushrikiintii ku sugnayd halkaas ay isu diyaarinayaan in ay ka baxaan magaalada maadaama ay qabaan cabsi weyn oo ku aadan in Mujaahidiinta Al Shabaab ay weerar ku soo qaadaan magaalada Baladxaawo. Shacabka reer Beledxaawo ayaa laga dareemayaa shucuur farxadeed waxayna Allaah uga magad celinayaan in uu ka dul qaaday Gumaysigii Saliibiga ahaa ee magaaladooda xooga ku haystay waxana ay u hanqal taagayaan in ay mar labaad ku hoos noolaadaan Raayada Tawxiiddka. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in uu isbadal ka dhaco magaalada Baladxaawo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2012 Ciidamadii Itoobiya oo maanta isaga baxay degmada Beledxaawo Ciidamo Itoobiyaan ah oo saldhigyo ku lahaa degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa saaka baneeyay, iyagoo u ruuqaansaday dhanka deegaanka Doolow oo ku dhow xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya. Sida ay sheegayaan wararka Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa sanadkii la soo dhaafay gacan ku siiyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusuna la wareegitaanka degmada Beledxaawo. Inkastoo Ciidamada Itoobiya ay saldhigyo ku lahaayeen duleedka degmada iyo halka looga soo galo, hadana Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusuna ayaa ahaa kuwo magaalada ammaankeeda sugayay. Xaalada degmada ayaa ah mid xasiloon, iyadoo aan wax saameyn ah ku yeelan ka bixitaanka degmadaas ee Ciidamada Itoobiya, iyadoo inta badan degmooyinka Gobolka Gedo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda. Ka bixitaankan ayaa ku soo beegmeysa xilli labadii maalmood ee la soo dhaafay Ciidamada Itoobiya ay isaga baxayeen deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud oo ay ka mid aheyd degmada Ceelbuur. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2012 Ethiopian troops abandon some Somali towns, allowing al-Shabab to return; 2 men beheaded By Associated Press, Updated: Tuesday, June 12, 5:21 PM MOGADISHU, Somalia — Witnesses say that hundreds of gun-toting al-Shabab fighters have moved back into central Somali towns abandoned over the last week by Ethiopian troops. Ali Muhyadin, a resident in the town of El-bur, said Tuesday that residents woke up on Sunday and found that Ethiopian troops had abandoned their bases. Residents said al-Shabab fighters then beheaded two men accused of collaborating with the Ethiopians and dumped their headless bodies in town. Al-Shabab was reported to have returned to two other towns — Mahas and Wabho — after Ethiopian troops left. Ethiopia’s president recently promised that Ethiopian forces would leave Somalia soon. Ethiopian forces still occupy the larger towns of Baidoa and Beledweyne. Copyright 2012 The Associated Press. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2012 Xabashidi ceelbuur wa ka baxeen degmada beledxaawo way ka baxeen waxay ku hadheen bay iyo bakool iyo hiiraan iyo degmada guriceel eeh galguduud. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted June 12, 2012 Trying to show some leverage ...but their time is up Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted June 12, 2012 With or without Ethiopians, al shabaab is finished. Somalis can do the job oursleved, we must do it ourselves. No need for Xabashi rule and divide in Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2012 ^^ Lets wait and see who fills the vacuum Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted June 12, 2012 Carafaat;841430 wrote: With or without Ethiopians, al shabaab is finished. Somalis can do the job oursleved, we must do it ourselves. No need for Xabashi rule and divide in Somalia. Sax. Xaaji Xunjuf;841444 wrote: ^^ Lets wait and see who fills the vacuum With or without you it will be filled insha Allaah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2012 ^^ How can Xaji Xunjuf fill the vacuum:D Quote Share this post Link to post Share on other sites