Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2012 Madaxweyne Sh.Shariif oo xalay ku hoyday degmada Afgooye Published on June 12, 2012 by Mowliid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay ku hoyday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa la filayaa in uu maanta kulamo la qaato odayaasha iyo waxgaradka gobolkaasi. Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa lagu wadaa in uu isla maanta degmada Afgooye kula kulmo odayaasha iyo waxgaradka gobolka Shabeelaha hoose, isagoo kala hadli doona arimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo sidii loo taageeri lahaa dowladnimada, mar haddii laga xoreeyay malleeshiyaadki Shabaab. Madaxweynaha oo shalay galab ka carraabay Muqdisho ayaa xalay ku hoyday Degmada Afgooye, isagoo halkaasi kulamo kula qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida, iyadoo safarka madaxweynaha ee degmada Afgooye uu dhiirigrlin u yahay ciidamada iyo shacabka ku nool gobolkaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2012 Madaxweyne shariif oo maanta mar kale booqday degmada afgooye. Added by xusni on June 11, 2012. Gelankii danbe ee maanta ayaa waxaa mar kale degmada afgooye ee gobalka sh/hoose booqday madaxweynaha dowlada KMG ee soomaaliya sheekh shariif sh axmed iyo xubno waziiro iyo saraakiil ciidan isugu jiray waana markii labaad oo shariifka uu booqasho ku tago degmadaasi. Madaxweyne shariif ayaa waxaa gudaha degmadaasi ku soo dhaweeyay abaan duulaha ciidamada xooga dalka soomaaliya iyo taliyaha hay,ada nabad siguda Dowlada KMG ee soomaaliya iyagoona durbadii kulamo looga hadlayay amaanka la qaatay xubno isugu jira saraakiil iyo mamaulka degmadaasi. Socdaalkan kediska ah oo madaxweyne shariif uu ku tagay degmada afgooye oo dhowaan ciidamada dowlada gacanta ku dhigay ayaa waxaa uu aha mid qarsoodi ah lama oga waxaa xiligan kusoo beegay inuu mar labaad ku laabto degmadaasi oo ah meel hal bowle u ahaa shabaab oo laga qabsaday. Madaxweynaha soomaaliya ayaa waxaa kulamada uu la qaatay saraakiisha la sheegay inuu kala hadlay sidii loo adkeyn lahaa amaanka degmada afgooye ee gobalka sh/hoose isagoona ku baaqay in la xaliyo wax yaabaha yer yer ka ah oo maalmihii u danbeeyay shacabka kasoo yeerayay. Wariyaal lama aysan socon madaxweynaha waxaa la sheegay in kuwa ka tirsan raadiyaha dowlada ay la socdeen oo kali ah kuwa kale aan la wadin waxaana aan la sheegin madaxweynaha inuu wada isticmaalay iyo in kale maadama dhowaan wada loo galay xili uu kasoo laabtay degmada maanta uu booqday. Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2012 Sheikh sharif so far visited afgooye beledweyne galkacyo bosaaso garowe good on him and ofcourse all parts of Mogadishu including daynille. He stayed the night in afgooye. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2012 Faal “Madaxweyne seexo beerta Sheikh Saa’id ee Afgooye si marlabaad laguu doorto Posted by Pi on June 12th, 2012 Maxay ahayd sababta ka dambeysa seexashadii Madaxweyne Shariif ee Afgooye—- Warar soobaxaya ayaa sheegaya in Koox isugu jira Faaliyayaal iyo sixiroolayaal ay u sheegeen kulana taliyeen Madaxweynaha Dowlada Feedaraalka KMG Sheikh Shariif Sh. Axmed in faal ay dhigeen uu u sheegey in marlabaad dib loo dooran doono haduu seexdo Beerta Sheikh Saa’id ee ku taala Degmada Afgooye. Madaxweynaha oo dariiq kasta u maraya inuu sii heysta Xukunka ayaa u riyaaqey islamarkaasna rumaystey warkaas faalaloowyada, isagoo xalay u ho’yday Beertaas, saakana ku shiriyey Xubno ka tirsan Hay’adaha Dowlada iyadoo Ciidamada Amisom isku wareejiyeen Beerta, ilaalo xoogan ku hayey Beerta, tasoo ku adkaatey iney saxaafadu soo gasho beerta. Ma aha markii ugu horeysey ee Ishaarada Sixiroolayaasha ay ku dhacdo ama ay tilmaanto in Beerta Sheikh Saa’id ay tahay bogcadii barakada iyo burhaanta Xukun jeclaystayasha, waxaa Beertaan horey Sixiroolayaashu kula taliyeen oo habayn iyo maalin seexan jirey dhamaan Madaxweynayaashii Dalka Soo marey. Laakiin Madaxweyne Sheikh Shariif oo ah nin Culumo ah marka loo fiiriyo Madaxweynayaashii hore ayaa jacaylka uu kursiga u qabo dartiis ay ku khasabtey inuu rumeysto Quraafaadka sixiroolayaasha iyo beenlowyaasha Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted June 12, 2012 Xaaji Xunjuf;841385 wrote: Sheikh sharif so far visited afgooye beledweyne galkacyo bosaaso garowe good on him and ofcourse all parts of Mogadishu including daynille. He stayed the night in afgooye. Waa Shariif Soomaaliya daawo dacalada part one .............When is going to visit Waqooyi Galbeed? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2012 ^^ Isaga weydi:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2012 Madaxweyne Shariif oo ku sugan Afgooye Maalintii labaad Madaxweynaha dawlada Soomaliya iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa xalay ku hoyday degmada afgooye e xarunta gobolka Sh.Hoose . Wafdiga madaxweyne Shariif ayaa saaka ku waabariistay beerta Sheekh Zaa’id ee deegaanka afgooye oo ay dhawaan ciidamada Dawlada Soomaliya iyo kuwa AMISOM ay kala wareegen xoogaga ka soo horjeeda dawlada ee alshabaab. Madaxweynaha Soomaliya ayaa xalay kulamo kala duwan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee degmada afgooye waxayna kawada hadleen xaalada guud ee amniga deegaanka afgooye oo ay dhawaanahan ka jireen cabashooyin ka dhan ah ciidamada dawlada soomaliya. Shariif ayaa ka codsaday dhamaan odayasha dhaqanka ee degmada afgooye in ay ka qayb qaataan dadaalada loogu jiro in dalka laga xoreeyo Al-Shabab oo u ku timaamay in ay dhibaato ku hayaan shacabweynaha soomaliyeed. Madaxweynaha Soomaliya ayaa sidoo kale saaka warbaahinta kula hadlay beerta Sheekh Zaa’id waxaana uu ka warbixiyay ujeedada safarkiisa iyo kulamadii uu la qaatay odayaasha dhaqanka degmada ,waxaana uu heegay in ay odayaashu ka balan qadeen la shaqayta dawlada soomaliya ee dhanka Amnigga. Madaxweyne Shariif ayaa dhanka kale xusay in ay jiraan dadaalo lagu hagaajinayo maamulka degmada Afgooye isla markaana lagu xalinaayo khilaafad u dhaxeeya maamulka degmada Afgooye,waxaana uu sheegay in la soo afjari doono khilaafkas inta uu ku sugan yahay degmada Afgooye. Madaxweynaha waxaa kaloo uu ka hadlay cabashooyin la xiriirta amni daro iyo dhac baahsan oo ay geysanayaan Ciidamada dowladda Soomaliya waxaana uu sheegay in lala xisaabtami doono askarigii dhibaato u gaysta qof shacab ah islmarkaana la soo taagi doono maxkamada ciidanke ee gobolka Shabeeleda Hoose. Sheekh Shariif ayaa ka hadlay go’aanka Mareykanka uu lacagaha ku dul saaray hogaamiyeyaasha Al-Shabaab waxaana uu xusay in ay tahay tilaabo ay maraykanku ku doonayaan la dagaalanka iyo dabargoynta argagaxisda caalamiga ah ee Soomali. Booqashada Madaxweynaha Soomaliya Shariif Sh Axmed ayaa ah markii labaad oo uu ku tago Afgooye, waxaana ay noqoneysa markii u horeysay isagoo Madaxweynaha uu ku hoydo Afgooye ama meel ka mid ah Koofurta Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites