Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Kenyan Prime Minister raile odinga help us capture Kismayo

Recommended Posts

Raila Odinga: Gacan hanagula siiyo qabsashada Kismaayo

 

SHABELLE MEDIA NETWORK JUNE 12, 2012

 

Nairobi: (Sh. M. Network) Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday dowladda Maraykanka iyo Midowga Yurub in lagu taageero howlgalkeeda ku wajahan dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.

 

Ra’iisul wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga oo Warbaahinta Caalamiga ah kula hadlayay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxa uu ugu baaqay dowladda Maraykanka iyo Ururka Midowga Yurub in Ciidamada Midowga Afrika gaar ahaan kuwa Kenya ay gacan ku siiyaan sidii Al Shabaab looga fara maroojin lahaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.

 

Raila Odinga ayaa waxa uu sheegay in u jeedka Kenya uu yahay inay gacanta ku dhigaan Magaalo Xeebeedka Kismaayo, si taasi ay usuuro gashona loo baahan yahay in laga taageero berriga, badda iyo Cirka.

 

“Waxaan ka codsanay Midowga Yurub iyo Maraykanka in Maraakiibta dagaalka ee ka qeyb qaadanaya howlgalka la dagaalanka burcad badeeda ee ku sugan qeybo ka mid ah Xeebaha Soomaaliya inay nagala qeyb qaataan howlgalka ku wajahan Magaalada Kismaayo oo ay Shabaabku Maamulaan” sidaasi waxa yiri Raila Odinga Ra’iisul wasaaraha dalka Kenya.

 

Kenya ayaa waxa dalka Soomaaliya kaga sugan Ciidamo lagu qayaasay 4,631-askari kuwaasi oo hadda si toos ah ugu biiray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ka socda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this