Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Govt Begins Opening New RTA Offices All Around The State To Issue Driver Licenses

Recommended Posts

Dr_Osman   

GAROOWE : Wasaaradda Hawlaha Guud oo dhawaan si buuxda u bilaabi doonta bixinta Leysimada

 

June 11, 2012 10:40 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

 

Garoowe:-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland Khaliif Xaji Dahir ayaa waxa uu sheegey in dhawaan Wasaaradda iyo hay’ada kala shaqeysa Leysimada ay si rasmi ah u bilaabi doonaan bixinta Leysimada oo dhawaan la ogalaan doonin darawal aan leysan wadan in uu gaari kaxeyo.

 

Wasiirku, waxa uu sheegay in ay Puntland oo dhan xafiiso laga furi doono kuwaas oo fududeyn doona bixinta Leysimada, waxaana uu ku baaqey in la qaato Leysimada.

 

Lataliyaha M-wynaha Puntland ee dhanka Haweenka Xaawa Cabdi Barre oo noqotay Gabadhii ugu horeysey ee Leysin qaadata

 

Dhawaan ayay ahayd markii hay’adda PIITEC ay ku dhawaaqdeyn in la qaato Leysimada iyada oo labadii qof oo ugu horeeyay siisey Leysimada.

 

Ma aha markii ugu horeysey ee Leysin la baxsho. Dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Cabdillaahi Yuusuf ayaa la qaatey Leysimo, hase ahaatee, ma ahayn mid kan la mid ah oo kan waxaa loo diyaarshey hab casri ah.

 

Puntlandpost.com

Hay’adda UNHCR ayaa hore u dayactirtay Saldhigyo ku yaalla degaano ka tirsan gobolka Bari iyo degaanada kale ee Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this