Dr_Osman Posted June 12, 2012 Safiirka South Afrika Somalia oo Garowe booqasho ku yimid 11 Jun 11, 2012 - 9:13:59 AM GAROWE ONLINE Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta 11 June,2012 ku qaabiley xarunta madaxtoyada Garowe safiirka South Afrika u qaabilsan dalalka Kenya iyo Somalia Ambassador Ndumiso Nshinga iyo saraakiil ku wehelineysey socdaalkiisan Puntland. Kulanka ayaa waxa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland sida wasiirka maaliyada Faarax Cali Shire,wasiiru dowlaha Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga Dr.Cabdiqaadir Cabdi Xaashi iyo Agaasinka guud ee madaxtoyada Puntland Dr,Jaamac Warsame. Kusimaha madaxweynaha Puntland ahna kuxigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa safiirka warbixin ka siiyey xaalada guud ee Puntland ,asaaskeedi ,horumarkay gaadhey iyo waxyaabaha ay tabanayaan islamarkaasina dowladda South Afrika u gudbinayaan inay wax kala qabato. Waxa uu u sheegey safiirka South Afrika inay Puntland dowladd iyo shacab ay ka go’antahay inay Somalia qayb ka nodaan xasilinteeda iyo nabad dib ugu soo dabaalideeda waxana miiska wadahadalka saarnaa horumarka laga gaarey qorshaha Khariidada nabada Somalia ee KMGnimada looga baxay August 2012. Dhankiisa ayuu safiirka Kenya iyo Somalia u qaabilsan South Afrika Ndumiso Nshinga muujiyey farxadiisa ku aadan imaatinka Puntland iyo inuu xog ogaal ka noqdey maamulkeeda waxana uu tilmaamey in dowladdisu dooneyso inay Somalia gacan taakulo u fidiso maadaama Somalia horey kaalin mug leh uga soo qaadatey caawimaada dalkiisa xiligii Midab takoorku jirey. Dowaldda Somalia ayay South Afrika u balanqaadey lacagyow lagu horumarinayo isagoona safiirka Puntland u sheegey in dowladiisu si gaar ah ula macaamileyso Puntland oo deeqaha la soo gaariisnayo. Waxa uu raaciyey inay ka caawindoonaan Puntland sameynta biyo xireeno ,dhinaca daaqsinka ,tababarida iyo qalabeynta kaluumeysatada xeebaha Puntland. Socdaalka Safiirka South Afrika ee Puntland ayaa la filayaa inuu maalmo qaatey islamarkaasina uu kuurgalo xaalada deegaanka iyo kulamo uu la yeelanayo masuuliyiinta kala duwan. Quote Share this post Link to post Share on other sites