Dr_Osman Posted June 12, 2012 Dayactirkii lagu wadey jidadka ugu waaweyn Boosaaso oo dib u bilaabmay [sawiro] Updated:- 22 hours ago| 16 Commnets Magaalada Boosaaso waxaa dib uga bilowday howshii jidadka lagu dayactirayey oo ay horay isula wadeen dowladda hoose ee degmada, gudiga horumarinta degmada iyo ganacsatada. Howshan oo muddo todobaadyo ah haka gashay kadib markii uu go’ay Daamurkii Laamiga lagu saarayey wadooyinka ayaa dib u bilaabantay. Waxaana maanta si rasmi ah loo bilaabay jidka dheer ee isku xira Airportka degmada Boosaaso iyo xarunta dowladda hoose kaasoo kamid ah jidadka ugu muhiimsan magaalada. Jidkan ayaa waxaa horay dayactir balaaran ugu sameeyey dowladda hoose ee degmada iyadoo taageero dhaqaale ka heleysa 5-kamid ah hay’adaha samafalka ee caalamiga ah. Magaalada Boosaaso oo ah magaalo marba marka danbeysa si aad ah usii fideysa waxaa dhinacyada ay aadka uga danbeyso kamid ah jidadka, maadaama ay wadooyinkeedu u badan yihiin kuwo raf ah cariiri badanina uu ka jiro. Haseyeeshee howshan jidadka magaalada kuwooda ugu muhiimsan Laamiga lagu saarayo ayaa ah mid ay bulshadu si weyn usoo dhoweysey islamarkaana qayb weyn ka qaadanaysa horumarinta bilicda degmada iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites