Sign in to follow this  
Saalax

Kooxo maleeshiyo ah oo toogasho ku dishay laba Ruux Koonfurta Magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Saalax   

Wararka naga soo gaaraya Tuulada Karin Dabeylweyn oo qiyaastii 75 KM dhinaca Koonfureed kaga beegan Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa shalay gelinkii danbe lagu dilay laba ruux oo midi darawal ahaa halka ruuxa kale uu ahaa Milkiilaha mid ka mid ah gaadiidka Waaraadka ah ee Qudaarta ka qaada Koonfurta Soomaaliya, isla markaana geeya magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland. Labada qof ee la dilay midkood waxaa lagu magacaabi jiray Farxaan Dheere, wuxuuna dilkiisu yimid markii mid ka mid ah darawaliinta gaadiidkaasi oo Aano Qabiil loo daba joogay kooxo maleeshiyo soo weerareen, teedana ku dhagay Farxaan Dheere, taasoo sababay in labadooduba rasaas lagu harqiyay. Wararka waxay sheegayaan in 2-da Qof ee ay dileen maleeshiyaadkaasi uu wali meydadkoodu yaalo goobtii lagu dilay, halka gaadiidkii Qudaarta sidayna la tilmaamay inay la baxsadeen Maleeshiyaadkii falkaasi foosha xun ku kacay. Si kastaba muddooyinkii ugu danbeeyey dhibaatooyin ba’an ayay ku qabaan wadayaasha Gaadiidka Qudaarta ka qaada Koonfurta Soomaaliya ee geysa Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland, mana jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka kooxahaasi kula kacaan gaadiidleydaasi, iyadoo dhibaatada ugu badan loogu geysto Deegaanada ay maamusho Maamulka Khaatumo State.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

AUN

 

Dablay Hubaysan Oo Laba Dirawal Ku Dilay Duleedka Tuulada Karin-Dabayl-weyn Ee Gobolka Sool Iyo Dadka Deegaanka Oo Badbaadiyey Gaadiidkii Ay Wateen

 

Laascaanood (Ramaas) June 11,2012 – Koox dablay ah oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa dad ku laayay deegaanka DHOON oo aan wax badani ka fogeyn tuulada Karin-dabeylwayn ee gobolka Sool.

 

Kooxdan dablayda ah ayaa toogasho ku dilay Laba Dirawal oo waday gaadiid u socday dhanka Maamul goboleedka Puntland, waxaana la sheegay in gaadiidkii iyo agabkii ay siddeenba odayaal deegaankaasi ku baxay ay u gudbiyeen xadka ay wadaagaan Sool iyo gobolka Mudug ee Somaliya, inkasta oo aan la sheegin maydadka labada marxuum la aasay in kale.

 

Dilkan oo ka dhacay xalay wakhti dambe, ilaa haddana aan la garan sababta dablaydani dilka ugu geysteen labadan dirawal, ayaa haddana dadka deegaanka Karin-dabeyl-wayn oo falkan aad uga xumaaday ay ka shaqeynayaan sidii looga hortaggi lahaa dhibaato noocaas ah oo mar kale soo noqota ama ka dhalata dilkan.

 

Deegaanka Karin-dabeyl-wayn oo dilkani duleedkeeda ka dhacay ayaan ahayn markii ugu horeysay ee dil noocan ahi ka dhaco, balse waxa jiray in bishii labaad ee sanadkan laga helay maydka nin reer Baadiye ah oo halkaasi lagu dilay, iyadda oo aan ilaa hadda la garan cidii ka dambaysay falkaasi.

 

Falalka dilka ah ayaa ku soo badanaya deegaanada gobolka Soo, waxaana hore u jiray in dhowr todobaad ka hor koox dablay ahi ay hal qof lagu dileen, kuwo kalena ku dhaawaceen duleedka Buuhoodle.

 

Sidoo kale, waxa dhawaan tuulada Tukaraq lagu afduubay laba baabuurta xamuulka qaada ah oo u rarnaa hay’adda WFP, kuwaasi oo raashin ay ka qaadeen dekeda Berbera u sidday Gaalkacayo, kuwaasi oo mar dambe xoog lagaga soo furdaamiyey.

 

 

 

Ramaasnews desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this