Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland govt sends its condolences to the people of Kenya

Recommended Posts

Xukuumadda Somaliland Oo Dhambaal Tacsiya u gudbisay Dawladda Kenya

June 10th, 2012

 

a href=”http://www.somaliland.org/images/b/2012/06/kenya.jpg”>Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa caawa Dhambaal Tacsi ah u dirtay dawladda iyo Shacbiga dalka Kenya oo ay ka tacsiyadeysay geeridda Wasiirkii Amniga Kenya George Saitoti iyo Ku xigeenkiisi Orwa Ojode, oo labaduba maanta ku dhintay shil-diyaaradeed oo ka dhacay galbeedka dalkaasi.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo caawa u waramayay shabakadda wararka ee Somaliland.Org, ayaa sheegay inay xukuumadda Somaliland ka tiiraanyaysan tahay geerida Wasiirkii Amniga Kenya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Anigoo ku hadlaya magaca xukuumadda Somaliland waxaanu ka tiiraanyaysan nahay geeridda Wasiirkii Amniga Kenya George Saitoti iyo Ku xigeenkiisi Orwa Ojode oo maanta ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay galbeedka dalkaasi.”

 

“Xukuumadda Somaliland waxay dhambaal Tacsi ah u diraysaa dawladda iyo shacbiga Kenya, waxaanu Wasiirka amniga ee geeriyooday ka mid ahaa saaxiibadda Somaliland. Isagoo hore u ahaa Madaxweyne Ku xigeen, isla markaana muddo ku sime ka ahaa Wasaaradda Arrimaha dibadda oo aanu shirar badan iskugu nimid oo aanu wada shaqaynay,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.

 

Wasiirka Khaarajiga oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaanu dawladda Kenya u gudbinaynaa inaanu la qeybsanayno tiiraanyadda wasiirkoodii amniga iyo Wasiir Ku xigeenkiisii.”

 

George Saitoti wuxuu ahaa 66 jir, waxaanu ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan dalka Kenya, iyadoo lagu waday inuu isu soo sharixi doono dhawaan madaxweynaha dalkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this