Saalax Posted June 10, 2012 Kooxda Khaatumo Oo Puntland Ku Eedaysay In Ay Wado Duulaan Ay Ku Qaadayso Dhul Ka Mida Bariga Gobolka Sool. Taleex(Ramaas) June, 10, 2012- Maamulka kooxda Khaatumo iyo qaar ka mida hogaaamiyayaasha dhaqanka ee gobolka Sool, ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in ay colaad ka hurinayaan Bariga gobolka Sool oo ay dhawaan ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyay labada dhinac, iyaga oo sheegay in Madaxweyne Faroole uu abaabulayo dagaal uu ku soo qaado deegaanka Turaq. Shir wada tashi oo ay isugu yimaadeen madaxda Khaatumo iyo madax dhaqameedyo oo ka dhacay Magaalada Taleex ayaa ay kooxdan kaga dhawaaqeen Puntland halis ku tahay deegaamadooda, isla markaana ay ciidamadeedu soo qaadayaan dagaal ay doonayaan in ay dhul ballaadhan ku qabsadeen,laakiin dadka deegaanku iska difaaci doonaan duulaankaas oo ay ku tilmaameen gardaro ah. Wasiir ku xigeenka amminga Cabdifataax Dhalac, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed in uu wado colaada, isaga oo dagaalka wakhtigan ka qabanqaabinaya Magaalada Garoowe oo ay ciidamadiisa wareerada ka soo qaadayaan, waxaana uu shacabka Puntland ugu baaqay in ay maamulka kala taliyaan khasaaraha ka imanaya dagaal dhaca. “ Waan la soconaa in ciidamada Puntland ay dagaalo ka soo wadaan Garoowe, ninka Faroole isaga colaada waxa uu og yahay in ciidankiisa lagu jabiyay dagaalkii Tukaraq ka dhacay, ciidamada Khaatumo iyo shacabku waa diyaar, waa iska celin doonaan nimanka dalkayga ku soo duulayaa, Faroolena isaaga masuul ka ah wixi dhaca” ayuu yidhi Mr Dhalac. Oday Cali Cilmi Dhuuto, ayaa isna sheegay in colaada ay la socdaan weerarka ay sheegeen in uu kaga so wajahan yahay dhanka Garoowe, hase aahaate, iyagu aanay doonayn colaad ka hurta Bariga gobolka Sool oo ah dhul aan deganayn oo xasilooni u baahan, waxaana uu shacabka Puntland ugu baaqay in ay hortagaan qalalaasaha maamuku wada, isaga oo sheegay in beeshiisa ay difaaci doono deegaamadeeda.. Wararka ka imanaya Jiida Tukaraq ayaa sheegaya in labada dhinac ay diyaargaraw ugu jiraan dagaal ay suurtagal tahay in uu dhaco saacadaha socda , kuwaasoo saamayn ku yeelan doona dadka rayidka ah oo qaarkood uga barakaceen dagaaladii hore. Raamaasnews Desk Hargeisa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted June 10, 2012 http://ramaasnews.com/index.php/News/News/Kooxda-Khaatumo-Oo-Puntland-Ku-Eedaysay-In-Ay-Wado-Duulaan-Ay-Ku-Qaadayso-Dhul-Ka-Mida-Bariga-Gobolka-Sool.html Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 10, 2012 Interesting development there Quote Share this post Link to post Share on other sites