Sign in to follow this  
Saalax

Wasiirka Dekedaha Puntland:Waa Jiraan Ganacsato Ka Wareegatay Dekeda Bosaaso oo Tagay Dekeda Berbera

Recommended Posts

Saalax   

Wasiirka Dekedaha Puntland: Waa Jiraan Ganacsato Ka Wareegatay Dekeda Boosaaso oo Tagay Dekeda Berbera

 

Wasiirka dekedahaiyo gaadiidka badda Puntland Siciid Maxamed Raage

Boosaaso (RBC) Wasiirka dekedahaiyo gaadiidka badda Puntland Siciid Maxamed Raage oo maantafaahfaahin ka bixyey hawlaha dekeda Boosaaso ayaa sheegay inay jiraan qaar ka mid ah ganacsatadii wax kala soo degi jirtay dekeda weyn ee magaalada Boosaaso oo u wareegtay dekeda Bebera isagoo aan si cad u sheegin sababta arintaasi keentay.

Wasiirka ayaa mar uu wariyaasha la hadlay maanta ayaa beeniyey in hoos u dhac weyn uu ku yimid hawlaha dekeda Boosaaso iyadoo saddexdii bilood ee u dambeeyay ay jirtay hoos u dhac 50% ah oo dekeda iyo dhaqaalaha guud ee magaalada Boosaaso soo foodsaaray.

“Wararka la sheegayo ee la leeyahay dekedii baa hoos u dhacday waa been waxbana kama jiraan, hawsha dekeda si fiican bay u socotaa” ayuu yiri wasiir Siciid Maxamed Raage.

Tartanka dekeda Berbera

Wasiirku wuxuu ku dooday in tartan ay ku heyso dekeda magaalada Berbera oo sida muuqata canshuurta kaga hooseyso tan Boosaaso, isla markaana ganacsato badan soo jiidatay.

“Waa jiraa in tartan uu nagala dhexeeyo dekeda Berbera oo ganacsatadii ka iman jiran dhanka Jigjiga ay u wareegteen xagaasi” ayuu sii raaciyey Siciid Maxamed Raage hadalkiisa.

Hadalka wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Siciif Maxamed Raage ayaa yimid toddobaad ka dib markii warbixin ay daabacday Shabakada Raxanreeb ay banaanka keentay hoos u dhac sii kordhaya oo ku yimid hawlaha soo dejinta iyo dhoofinta dekeda magaalada Boosaaso.

Dhanka kalana qaar ka mid ah ganacsatada gudaha ayaa ka cabanaya in suuqyada magaalada ay dadkii ku yaraadeen sababo ay ku sheegeen in ciidamada maamulka ay beegsi ku hayeen bilihii la soo dhaafay dadka ganacsatada ah ee ka soo jeeda gobolada koonfurta dalka iyo kuwa ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo badankood hadda u guuray dekeda Berbera ee maamulka Somaliland.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this