Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Alshabaab Militants recapture ceelbuur town from the Ethiopians

Recommended Posts

Ceel-Buur: Ciidamadii huwanta ahaa oo ka baxay iyo Al-shabaab oo dib u qabsatay

 

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlusunna ayaa saaka ka baxay degmada Ceel-buur oo ay labo bilood kahor ka qabsadeen Al-shabaab.

 

Qaar kamid ah dadka degmadaas ku dhaqan oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey bixitaanka ciidamada huwanta ah ee magaalada Ceel-buur.

 

Waxaana isla saaka dib magaaladaas ugu soo laabtay xoogag ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo iyagu xiligan si buuxda gacanta ugu haya.

 

Ma cadda ilaa iyo hadda sababta keentay in xiligan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlusunna ay dib Ceel-buur uga baxaan.

 

Haseyeshee saraakiil u hadlay Ahlusunna ayaa sheegay in ka bixitaankooda Ceel-buur uu yahay mid ku salaysan xeelad dagaal.

 

Al-shabaab ayaa iyaguna dhankooda sheegay in bixintaanka ciidamada huwanta ahi uu yimid kadib markii ay jabeen waa sida ay hadalka u dhigeene.

 

Degmada Ceel-buur ee gobolka Gal-guduud waxay noqonaysaa degmadii ugu horeysey ee ay Shabaabku dib ula wareegaan kadib markii bilo kahor laga saaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ceelbuur oo mar kale u gacan gashay xoogaga Al-shabaab ka dib markii ay saaka iskaga baxeen ciidamadii Itoobiya iyo Ahlu suna

 

Ceel-buur(Waaheen) Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamadii Itoobiya iyo kuwii ahlu Suna ay degmadaas isaga baxeen, iyadoo ka dibna ay dib ugu laabteen xoogagii Al-shabaab ee dhowaan laga qabsaday.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya xalay oo dhan ay dhaqdhaqaaq aan caadi aheyn ka wadeen gudaha iyo hareeraha degmadaas, saakana ay ku soo tooseen fariisimihii ay degenaayeen oo maran.

“Ciidamadii Itoobiya iyo kuwa ahlu suna degmada Ceelbuur wey ka baxeen ka dib dhaqdhaqaaq xoogan oo xalay oo dhan ay sameynayeen, mana naqaan halka ay aaadeen iyo sababta kaliftay iney isaga baxaan degmada” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah dadka degaanka oo magaciisa ka gaabsaday.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya iyo kuwa ahlu suna oo wata gaadiid fara badan ay ka baxeen wado u baxda degaanka Wabxo ayna ku sii jeedaan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo ay ka taliyaan xoogaga Ahlu suna.

Dagaalyahanada Al-shabaab oo markii horeba ku sugnaa hareeraha degmada Ceelbuur ayaa lagu soo waramayaa iney gudaha u soo galeen degmadaas si buuxdana ula wareegeen ka dib markii ay ka war heleen in ciidamada Itoobiya iyo kuwa ahlu suna ay degmadaas isaga tageen.

Shacabka degmada Ceelbuur ayaa mar kale waxaa lama filaan ku noqotay isbedelka deg deg ah ee ka dhacay degmada Ceelbuur, iyagoo ka walaacsan kana cabsi qaba in ciidamada Itoobiya ay degmadaas dib ugu soo laabtaan dagaalana ay ka dhacaan.

Lama oga ilaa hadda sababaha rasmiga ah ee ciidamada Itoobiya iyo ahlu sun ay uga dhaqaaqeen degmada Ceelbuur oo qabsashadeeda juhdi badan ku bixiyey, mana jiro war ku saabsan arintaas oo ka soo baxay maamulka ahlu suna ee gobolada dhexe hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in arintaas ay ka dambeysay khilaaf soo kala dhex galay labada dhinac ka dib markii ciidamada Itoobiya ay ka caroodeen inta badan xoogagii ahlu suna ay maalmihii ugu dambeeyey isaga tagay Ceelbuur kuna laabtay Guriceel iyo Dhuusamareeb taasoo keentay iney iyana isaga tagaan halkaas, iyadoo ay la socdaan ciidamo yar oo Ahlu suna uga soo biiray degmada Ceelbuur.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this