Liibaan Posted June 10, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> Prof. Cali Khaliif Galeydh Iyo MadaxWeynihii Hore ee KHaatumo/SSC Dr. Sulieman XaglaToosiye oo La Kulmay Jaaliyaada Maamul Goboleedka KHaatumo State Of SOmalia (Video)- Lasanod Online. Saturday, June 09, 2012 Abu Dhabi,(lasanod Online)- Magaaladda Abu Dhabi waxaa ka dhacay kulan balaadhan oo ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin magac weyn ku leh.. bulshadda Khaatumo State, oo ay ka mid ahaayeen Prof. Cali Khaliif Galeydh, oo kamida aasaasayaashii Khaatumo State, Mudane Saleebaan Ciise Axmed Kaar, Madaxweynihii hore ee SSC iyo Dr. Cali Cige oo qaabilsan dhinaca dhaqaalaha, waxaaana layska xog waraystay horumarka ay ku taabsatay Maamulka khatumo mudadii ay jirtay iyo arimaha u baahan in qabto. Shirka waxaa lagu furay Aayado quraanka kariimka ah, kadibna xidhiidhiyaha shirka Mudane Axmed Maxamuud Siciid Suufi, wuxuu Microfoonka ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Jaaliyadda Khaatumo State ee Imaaradka Col. Maxamed Cumar Cigaal (Tacabir), wuxuuna ka warbixiyay waxqabadka Jaaliyadda oo uu sheegay inay door muhiim ah ka qaadatay horumarka dalka. Kadib, waxaa lagu soo dhaweeyay Dr. Cali Cige, wuxuu ka warbixiyay dhaqaalaha soo xarooday wuxuu bayaamiyay in meel walba xisaabiye joogo, isla markaana uu jiro Audit madax banaan oo howlahaa u xilsaaran, isagoo jaaliyada uga mahadceliyay sida ay uga qaybqaateen hawlaha wadanka kasocda kuna dhiiriyay inay sii wadaan dadaalkooda. intaa kadib Waxaa microfoonka lagu soo dhaweeyay Prof. Cali Khaliif, wuxuu ka warbixiyay qaabkii ay u dhiseen maamulka khaatumo, iyo fikradda ka dambeysa in maamulku khaatumo noqdo maalmulkii ugu horeeyay ee yeesha 3 madaxweyne oo wareega ah mid waliba uu mudo kooban xilka hayo, habkaas oo ah mid ku cusub soomaaliya, wuxuu ka sheekeeyay waxqabadka guud ee khaatumo, degaanka maqan ee u baahan in laxoreeyo. Wuxuu kaloo ka warbixiyay sida qiimaha leh ee ay masuuliyiinka khaatumo uga qaybqaateen hawlaha kasocda magaalada muqdisho iyadoo ay awood u yeesheen inay kasbadaan umada soomaaliyeed. Ugu dambeyn waxaa micoroofka lagu soo dhaweeyay Mudane Saleebaan Ciise Axmed kaar, wuxuu ugu horeyn mahadnaq u soo jeediyay jaaliyadda Imaaraadka doorkooda waxqabad, isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi 'fulay xantiina ma moogee baryahan waxaan maq maqlayay in la leeyahay Saleebaan wuxuu u socdaa Hargeysa, waxaan hortiina ka cadeynayaa inaan Hargeysa u socon, wuxuu tusaale u soo qaaday markii Daraawiishtii laga xoog roonaaday ayaa gumeysigii Ingiriisku wuxuu soo xidhay Ismaaciil Mire, waxayna ku yiraahdeen 'Seer “Sir” dheh, wuxuu ugu jawaabay Afkii aan Sayid ku idhi Seer ku odhan maayo, aniguna afkayga somaliland ku odhan maayo, .. Dhinaca kale wuxuu bayaamiyay inuu yahay mucaarad wax toosinaya balse uusan ahayn mucaarad wax duminaya, isla markaana wuxuu ku baaqay in la saxo tabashooyin jira, taasina waxay meesha ka saartay warar been abuur ah oo saxaafadda maamulka somaliland sheegayeen in Xaglatoosiye Hargeysa ku soo wajahan yihiin. Copyright © 2012 Lasanod.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 10, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> VIDEO: Soo Dhoweyntii Prof Cali Khaliif Galeydh Iyo MadaxWeynihii Hore SSC/KHaatumo Dr. Sulieman XaglaToosiye, Jaaliyada KHatumoState Imaaraadka UAE [June 2012] Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 10, 2012 http://youtu.be/zo7DPAty8kw" frameborder="0" allowfullscreen> VIDEO: Soo Dhoweyntii Prof Cali Khaliif Galeydh Iyo MadaxWeynihii Hore SSC/KHaatumo Dr. Sulieman XaglaToosiye, Jaaliyada KHatumoState Imaaraadka UAE [June 2012] Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 10, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> VIDEO: Soo Dhoweyntii Prof Cali Khaliif Galeydh Iyo MadaxWeynihii Hore SSC/KHaatumo Dr. Sulieman XaglaToosiye, Jaaliyada KHatumoState Imaaraadka UAE [June 2012] Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 10, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted June 10, 2012 http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=zo7DPAty8kw#!" frameborder="0" allowfullscreen> Reer imaraadka way ku mahadsanyihiin sida wacan ee usoo agaasimeen xaflada lugu so dhoweenaya Dr xaglatoosiyo iyo prof Cali khalif. Mashallah.. Ninkii hadlayaba ha iska hadlee halka ku nageeya rays kale. Guul Khaatumo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 13, 2012 Casho Sharaf Loo Sameeyey Madaxda KHaatumo State Of SOmalia Ee Ku Sugan Dalka UAE Imaaraadka- (Sawiro)- Casho Sharaf Loo Sameeyey Professor Cali Khaliif Iyo MadaxWeynihii Hore ee KHaatumo/SSC State Dr. Sulieman XaglaToosiye Ee Ku Sugan Dalka UAE Imaaraadka Lasanod Online. Wednesday, June 13, 2012 Dubai,(lasanod Online)- Xaflad casho sharaf ah oo aad u ballaaran ayaa ka dhacday dalka isku taga Imaraadka carabta, gaar ahaana magaalada Dubai- xafladaas waxaa soo qaban qaabiyey Safiya Axmed Maxamad , Hoyadeed Barni Axmad Cumar iyo haween kasoo jeeda beesha maamulka Khaatumo state of Somalia. Xafladaas ayaa lagu martiqaaday madaxdii sare ee Khaatumo iyo wax garad kasoo jeeda beesha Khaatumo state ee Kunool dalka Imaraadka carabta gaar ahaan magalaada Dubai. Masuuliinta kasoo qab galay xaflada ayaa kamid ah: - Professor Cali Khaliif Galleydh, Gudida G10 ee khaatumo State of Somaliya) - Dr:Sulayman Ciisa Axmed Xagla toosiya (Gidoomiyihii Hore ee SSC) - Cali Xaaji Cige Gudida (G10 Khaatumo state of somalia) - Maxamad Cumar Tacabir (Gudoomiyaha Khaatumo ee u Fadhiya Dalka UAE ) Waxaa kasoo qeyb galay wax garadka iyo tujaarta kasoo jeeda Maamulka Khaatumo state . Xafladaas ayaa ka muuqatay xaflad aad u farxad badan dhanka kale dadka kasoo qeyb galay xafladaas ayaa muujiyey garab istaaga mamulkooda iyo madaxdooda kuna muujiyey goobtaas iney diyaar uyihiin iney uhuraan naftooda iyo maalkooda mamulkooda Khaatumo satet of Somalia Xafladaas ayaa furtay Safiyah Cabdi Mohammed oo ah gabadhii soo qaban qaabisay xafladan iyada iyo hooyo Barni Axmad Cumar oo ku soo dhawayey martida iskugu timid xafladaas. Waxaa kaloo ka hadlay xafladaas Pro:Cali khaliif Galeydh oo ku sheegay dumarka reer khaatumo dumar wax qabad leh markastana ugu horeya wax qabadka iyo horomarka . Isagoo hadalkiisa halkaa kasii watay ayuu sheegay in khaatumo state of somaliya marnaba dagaal ayna u horseedin dadka dariska ah ama maamulada dariska la’ah . Khaatumo waxey ilaalinaysaa nabada iyo hora marka shacabkeeda laakin diyaar ayey u tahay khaatumo iney is difaacdo hadii lagu soo duulo. Waxaa kaloo ka hadlay Pro Suleyman Ciise (Xagla toosiye) isaguna waxa uu mahad celin ujeediyey dumarka khaatumo meelkasta kunool waxa uuna sheegay in dumarka marwalba door ka qaataan ineey mamulkooda meel sare gaaro una jeediyey mahad celin gaar ah ujeediyey dumarkii soo qaban qaabeyey xafladaas cashada ah . Xafladaas ayaa ku dhamaatay si farxad badan oo dhamaan kamuuqatay farxad iyo niyad dhisan . Copyright © 2012 Lasanod.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 13, 2012 Maamul Goboleedka KHaatumo State Of SOmalia Maamul Goboleedka KHaatumo State Of SOmalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 13, 2012 Professor Cali KHaliif Iyo MadaxWeynihii Hore KHaatumo/SSC State Dr. Sulieman XaglaToosiye Professor Cali KHaliif Iyo MadaxWeynihii Hore KHaatumo/SSC State Dr. Sulieman XaglaToosiye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 13, 2012 Professor Cali KHaliif Iyo MadaxWeynihii Hore KHaatumo/SSC State Dr. Sulieman XaglaToosiye Madaxda Maamul Goboleedka KHaatumo State Of SOmalia Quote Share this post Link to post Share on other sites