Sign in to follow this  
Saalax

Somalia minister forced into a plane in Somaliland after trying to wave a Somalia flag

Recommended Posts

Saalax   

Wasiir Ka Tirsan Dawlada Sheekh Shariif Oo Isaga Oo Sita Calanka Somaliya Ka Soo Deggay Garoonka Diyaaradaha Berbera Iyo Booliska Khasab Ugu Celiyay

 

Berbera (Ramaas) June 9,2012 - Wasiir ku-xigeenka wasaarada gaadiidka duulista iyo dekedaha Dawladda TFG-da Somaliya Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) oo saarnaa diyaarad ku socotay Muqdisho oo ku hakatay Garoonka Berbera ayaa si sharci daro ah uga soo dagay Diyaaradii isagoo Lulaya Calanka Somaliya.

 

Ciidamadda Booliiska madaarka Berbera ayaa isla markiiba intaanu hore u soo socon wasiirkaas iyo Calankiisiiba ku celiyay Diyaaradii uu ka soo dagay, waxaanu ka dagay garoonka Muqdisho, isagoo saxaafadda uga kaga cawday in gef lagu sameeyay oo aanu wax danbi ah samayn.

 

Madaxda Dawladda ku-meel gaadhka ah ayaa caado ka dhigtay marka ay madaarada somalilan ku meel gaadhka ku yihiin inay soo farogaliyaan arrimaha Somaliland, iyadoo dhacdadii ugu danbaysay uu sawir is yidhi iskaga qaad madaarka laakiin markiiba ay Booliisku ka hortageen oo ay ku celiyeen Diyaaradii uu saarna.

 

Todobaad ka hor waxa iyana ka dhacday in Cali Daacuun oo ka mid ah Mukhalasiinta Dawladda Somaliya uu sidan oo kale isagoo transit ah uu uga soo dagay diyaaradii uu la socday, kadibna ay diiday diyaaradii inay qaado, waxaanay Ciidamadda Booliisku muddo sadex maalmood ah ku hayeen Huteel, markii danbena waxay saareen Diyaarad kale.

 

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamud Cali Hayste Ramaax oo aanu wax ka weydiinay dhacdadan ayaa sheegay inuu Goob joog ahaa isagoo ka jawaabayana waxa uu yidhi “Madaarka Berbera caalami buu noqday oo diyaarado badan baa soo mara oo dad ku dajiya dad kalena ka qaada, wax dhibaato ah oo loogu geystaa ma jirto laakiin waxa dhacda qaar sharciga ay ku soo dagayaan madaarka aan garanayn oo mudada ay diyaarada kale fuulayaan inay waxay doonaan sameeyaan iska jeclaysta” ayuu yidhi

 

Isagoo ka waramaya qaabkii ay u dhacday Wasiir Dawladda Somaliya ka tirsani inuu ka soo dago isagoo Calan sita waxa uu yidhi “ Wasiiro badan bay ahaayeen oo xaga Turkiga ka yimi markaa kuwa kale si akhlaaq leh ayay u socdeen ee ninkan sheeganaya waa la I jiid jiiday oo Kamarad baa la iga qaaday isagoo ku xad gudbay sharciga oo inta uu sidii ay dalkiisii tahay soo qaatay Calan dad badan oo Reer Somaliland ahi ka xanaaqaan Kamarad damcay inuu isku sawiro. Markaa wax dhibaato ah oo loo gaystay ma jirtee Booliisku jooji oo diyaaradaada Fuul bay ku yidhaahdeen ana goob jog baan ka ahaa” ayuu yidhi

 

Dhinaca kalena warar aan la hubin oo isa soo taraya ayaa sheegaya wefti ka socda Dawladda TFG-du in ay doonayaan inay Somaliland u yimaadaan sii ambaqaadka wadahadaladii ay Beesha Caalamku ugu baaqday Somaliya iyo Somaliland.

 

Warkan oo labadii maalmood ee u danbeeyay meelo badan laga hadal hayay waxa uu ka soo baxay dhinaca Madaxtooyadda Somaliya, balse ilaa hada ma jiro war faahfaahsan oo laga hayo arrintaasi

 

Dad kala duwan oo ka faalooda siyaasadda arrimaha Dibeda iyo wadahadalada Beesha Caalamku wado ayaa sheegaya haddii ay wefftigaasi sidaas ku yimaadaan Somaliland iyada oo aanay Beesha Caalamku dhex joogin inuu majarahabaabayo dedaalkii beesha Caalamku iyo rajadii ay Somaliland ka qaadatay Shirkii Ingiriiska sidaas daraadeed waxay ku taliyeen in laga hortago haddii ay TFG-du sidaas isku daydo.

 

 

 

Ramaasnews desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

somalia_flag.jpg

 

Qolabaa Calankeedu waa ceynoo,

inagaa keenu waa cirkoo kala ee,

Aan caadna laheyn ee caashaqayee.

 

and ironically that song was composed by a patriotic SLder. AUN C/Laahi Qarshe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Loool, calan muusan luleyne, kulleetiguu ugu dheganaa, kama' bayna ahayd. Waxaan rajeynayaa in maxkamadda SL intaas gartaan illeyn waa Demoqraadiye!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its not like Somalilanders go to Somalia and wave their flag ileen gar wa lo wada Islaan ninkan, Waliba the security forces at berbera were very nice inay lix sacadood xidhaan bay ahayd. Diyaaradisi uun ba lugu celiyey eh. War diyaarada maxa ka so dedjiyey Faduul:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maaddeey;840269 wrote:
Loool, calan muusan luleyne, kulleetiguu ugu dheganaa, kama' bayna ahayd. Waxaan rajeynayaa in maxkamadda SL intaas gartaan illeyn waa Demoqraadiye!.

fifty thousand calan buu lulay. wax faham.;)

 

they say desperate times require desperate measures.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Xaaji Xunjuf;840271 wrote:
Its not like Somalilanders go to Somalia and wave their flag ileen gar wa lo wada Islaan ninkan, Waliba the security forces at berbera were very nice inay lix sacadood xidhaan bay ahayd. Diyaaradisi uun ba lugu celiyey eh. War diyaarada maxa ka so dedjiyey Faduul:D

hadraawi-4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

They were not politicians i see hadwaawi a poet sheikh geedi a cleric from Hargeysa and a Somaliland elder, this guy was a TFG official there is a difference. Do you know how many Koonfurians visit Somaliand, elders Businessmen Sheikhs etc.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Yeah and no one cares about it, even in Bosaso there's a neighborhood named after Somalilanders, and they have parties all the time. Even in Gaalkacyo, there are many maids from Somaliland and they talk about this and that, and no one cares.

 

But Hadraawi, this is my nigga.

 

337.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

We are not talking about just people we are talking about TFG officials the so called govt of Somalia. Not about normal people living and residing in Somaliland. Read what Salax posted and you will understand there are no diplomatic relations between Somaliland govt and the Somalia's TFG govt. And if TFG politicians arrive at the airports of Somaliland, the Somaliland security forces at the airports expect the so called TFG officials to behave that's all nothing more nothing less.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

This is hilarious and yet shamefull when you realize this is the reality in 2012. Its almost like play in a theater, but then in real life and same people take their role to serieuz.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this